Ninka iyo gabadha Guriga Qol laga siiyo asoo lasoo dhuuntay

Su’aasha:

Asc Waan Idin Salaamay Up-ka iyo Aqoonyahninta daadihisaba. su.aasha aan qabo ayaa ah
Hadii nin Gabadh lasoo tagoo ama lasoo baxsado sidaad u taqaan ba Waataa dadkeena Soomalidu Ninkaa iyo gabadhaa Guriga ay yimaadaan Qol laga siiyo Marba cida uu ula yimaado sida Ehelkii, Asxaabtii, ama Qaraabo kale ba Ee uu halkaa kula Dhuunto ila intaa Gabadhaa lasoo Hibaynayo ama lasoo Meherinayoo Hadaba waakun Ileen Labadii Qof meel wada seexanayaa Ee Qolkeliya kuwada jiree Hadii ay dhex marto Jamaac iyo Galmo ama se Taataabasho intaa aan lasoo Hibayn Gabadha Diintu maxay ka Qabtaa Arintaa. Ma u xalaal baa oo kolay dhaqanka soomalida gabdha hadii lala tago lama celiyo mise waa xaaraan iyo Sino ay ku dheceen ayay ku noqonaysaa? bal arinkaa isoo xaqiijiyaa. Waad Mahadsantihiin.

Ninka iyo gabadha Guriga Qol laga siiyo asoo lasoo dhuuntay
Ninka iyo gabadha Guriga Qol laga siiyo asoo lasoo dhuuntay

Jawaabta:

Dhaqankaas wuxuu khilaafsan yahay diinta islaamka, ninka uma banaana gabar meher uusan ku qabin inuu qol la seexdo ama guri geysto ama meel cidla ah kula gooni noqdo,  wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(لَا يَخْلُوَنَّ رَجُلٌ بامْرَأَةٍ إلَّا وَمعهَا ذُو مَحْرَمٍ)

(nin yuusan naag meel la galin inuu la joogo mooyee qof maxram ah)

Xadiiska waa saxiix Muslim ayaa wariyay

Waxaas oo dhan waa dambi, marka dambiga ugu daran waa sino qofka hadduu gabadha markaas ka sinaysto wuxuu ku dhacayaa dambi kabaa’ir ah.

Haddii uusoo mehersado iyadoon waalidkeeda ogeyn sidoo kale nikaaxaas ma ansaxayo waa midka ay dhahaan soomaalidu nikaaxa masaafada.

Haddii gabar aad rabto ehelkeeda ka raadso haddii laguu diido mid kale doono, dunida dumar kaligeeda kama joogto, waddada saxa ah u mar guurka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More