Sida ugu fiican oo diinta loo faafiyo

Diinta Islaamka  waa diin xaq oo ku salaysan wanaag iyo naxariis, qofka muslinka oo diinta faafinaya waxaa laga raabaa inuu ahaado qof dadka si wanaagsan wax uga dhaadhicinayo.

Sida ugu fiican oo diinta loo faafiyo
Sida ugu fiican oo diinta loo faafiyo

wuxuu ugu yeeray rasuulka fududeyn iyo khafiifin iyo in laga fogaado ad’adayg, wuxuu yiri:

(إنَّ منكم مُنَفِّرِين، فَمَنْ صَلَّى بِالنَّاسِ فَلْيُخَفِّفْ فَإِنَّ فِيهِمُ الْمَرِيضَ وَالضَّعِيفَ وَذَا الْحَاجَةِ)

(Waxaa idinka mid ah kuwa dadka cararsiiya, qofkii dadka dujiyo ha khafiifiyo maxaayeelay waxaa ku jiro mid jirran iyo mid tabaryar iyo mid dan leh), markay ka sheegteen dadka qaarkooda sayidkeena Mucaad bin Jabal – Ilaahay raalli haka noqdee – salaadda inuu dheereeyay darteed wuxuu ku yiri nabiga asoo baraya:

(يَا مُعَاذُ، أَفَتَّانٌ أَنْتَ – ثَلاَثًا – اقْرَأْ: (وَالشَّمْسِ وَضُحَاهَا)، (وَسَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الأَعْلَى) وَنَحْوَهَا)

(Mucaadow ma fitnoole ayaad tahay – seddex jeer – akhri: Washamsi iyo sabixisma iwm.) riwaayo kale waxaa ku sugan: (gadaashaada waxaa ku tukada oday iyo mid tabaryar iyo mid dan leh)

wuxuu yiri:

(قَتَلوهُ قَتَلَهُمُ اللهُ، ألا سألوا إذْ لم يَعلَموا، فإنما شِفاءُ العِيّ السُّؤالُ، إنما كانَ يكفيهِ أن يَتَيَمَّم ويَعصِرَ -أو يَعصِبَ، – على جُرحِهِ خِرقةً، ثمَّ يَمسَحَ عليها ويَغسِلَ سائِرَ جَسَدِه)

(Way dileen Ilaahay ha dilee may weyddiiyaan haddaysan ogeen, daawada jaahilnimada waa su’aal uun, waxaa ku filnaa inuu gabagabbaysto oo uu ku duubo – ama ku xiro – dhaawiciisa jeex maro kaddib uu masaxo oo uuna dhaqo jirkiisa inta kale),

Cimraan bin Xuseen –Ilaahay raalli haka noqdee – markuu jirranaa wuxuu ku yiri:

(صَلِّ قَائِمًا، فإنْ لَمْ تَسْتَطِعْ فَقَاعِدًا، فإنْ لَمْ تَسْتَطِعْ فَعَلَى جَنْبٍ)

(Istaag ku tuko haddaadan awoodin fadhi ku tuko haddaadan awoodin dhinac ku tuko),

Anas –Ilaahay raalli haka noqdee – waxaa laga wariyay inuu yiri: Rasuulka ayaa soo galay masjidka waxaaba ku taagnaa labada tiir dhexdooda xarig wuxuu yiri: (muxuu yahay xariggan?) waxay dhaheen: waa xarig ay leedahay Zaynab markay daasho ayay qabsanaysaa, wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – :

(لاَ، حُلُّوهُ لِيُصَلِّ أَحَدُكُمْ نَشَاطَهُ، فَإِذَا فَتَرَ فَلْيَقْعُدْ)

(Maya fura, midkiina ha tukado asoo firfircoon, hadduu daalo ha fariisto

wuxuu leeyahay:

(إِنِّي لأَدْخُلُ فِي الصَّلاَةِ وَأَنَا أُرِيدُ إِطَالَتَهَا فَأَسْمَعُ بُكَاءَ الصَّبِيِّ فَأَتَجَوَّزُ فِي صَلاَتِي مِمَّا أَعْلَمُ مِنْ شِدَّةِ وَجْدِ أُمِّهِ مِنْ بُكَائِه)

(Salaadda ayaan galayaa anoo rabo inaan dheereeyo waxaan maqlayaa oohinta cunugga, waan fududeyaa waxa aan ka ogahay dartii walwalka hooyadii ay la walwalayso oohintiisa).

Wuxuu hagay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee

Wuxuu yiri rasuulka:

(وَجُعِلَتْ لي الْأَرْضُ مَسْجِدًا وَطَهُورًا فَأَيُّمَا رَجُلٍ من أُمَّتِي أَدْرَكَتْهُ الصَّلَاةُ فَلْيُصَلِّ)

(Waxaa layga yeelay dhulka masjid iyo mid wax dahiriyo, qof kastoo ka mid ah umaddayda oo ay salaad soo haleesho ha tukado)

ninka masjidka ku kaadinayay wuu u naxariistay

wuxuu ku yiri nabiga:

(دَعُوهُ وَهَرِيقُوا عَلَى بَوْلِهِ سَجْلًا مِنْ مَاءٍ، أَوْ ذَنُوبًا مِنْ مَاءٍ، فَإِنَّمَا بُعِثْتُمْ مُيَسِّرِينَ، وَلَمْ تُبْعَثُوا مُعَسِّرِينَ)

(dhaafa ku daadiya kaadidiisa wadaan biyo ama wadaan weyn biyo, waxaa laydin soo saaray inaad wax fududeysaan ee laydinma soo saarin inaad wax adkeysaan),

ninka salaadda ku dhex hadlay  si fiican ayuu wax u baray

wuxuu ku  yiri :

(إِنَّ هَذِهِ الصَّلَاةَ لَا يَصْلُحُ فِيهَا شَيْءٌ مِنْ كَلَامِ النَّاسِ، إِنَّمَا هُوَ التَّسْبِيحُ وَالتَّكْبِيرُ وَقِرَاءَةُ الْقُرْآنِ)

(Salaaddan kuma habboona hadalka dadka, keliya waa tasbiix iyo takbiir iyo akhrista Quraanka).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More