Astaamaha ay leeyihiin raga iyo dumarka munaafuqa ah

Quraanka kariimka si fiican ayuu u kashifay munaafiqiinta rag iyo dumarka.

Munaafuq waxaa laga wadaa qofka hadalkiisa iyo qalbigiisa ay kala duwan yihiin, wuxuu u kala baxaa mid caqiido ah iyo mid camali ah.

Astaamaha ay leeyihiin raga iyo dumarka munaafuqa ah
Astaamaha ay leeyihiin raga iyo dumarka munaafuqa ah

Kan caqiidada waa lagu gaaloobayaa, kan camaligana faasiq ayaa lagu noqonayaa.

Quraanka iyo axaadiista nusuus badan ayaa ku sugan oo ka hadlaysa munaafuqiinta:

nusuustaas waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

(الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُمْ مِنْ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمُنْكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ نَسُوا اللَّهَ فَنَسِيَهُمْ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ)

(Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale ayuu ka mid yahay waxayna faraan xumaanta, waxayna reebaan wanaagga, waxayna laabaan gacmahooda (wax ma bixiyaan) waxayna halmaameen Alle isna wuu ka tagay, munaafiqiinta iyagaa faasiqiin ah), waxaan qirayaa in Ilaah kale jirin Alle keligiisa

(آيَةُ الْمُنَافِقِ ثَلاَثٌ: إِذَا حَدَّثَ كَذَبَ، وَإِذَا وَعَدَ أَخْلَفَ، وَإِذَا اؤْتُمِنَ خَانَ)

(Calaamadda munaafuqa waa seddex: hadduu sheekeynayo been buu sheegaa, hadduu ballanqaad sameeyana wuu ka baxaa, haddii amaano loo dhiibtana wuu khiyaanaa).

(أَرْبَعٌ مَنْ كُنَّ فِيهِ كَانَ مُنَافِقًا خَالِصًا ، وَمَنْ كَانَتْ فِيهِ خَصْلَةٌ مِنْهُنَّ كَانَتْ فِيهِ خَصْلَةٌ مِنْ النِّفَاقِ حَتَّى يَدَعَهَا : إِذَا اؤْتُمِنَ خَانَ ، وَإِذَا حَدَّثَ كَذَبَ ، وَإِذَا عَاهَدَ غَدَرَ ، وَإِذَا خَاصَمَ فَجَرَ)

(Afar qofka ay ku sugan yihiin wuxuu noqonayaa munaafuq baraxtiran, qofkii caalaamo ka mid ah ay ku sugan tahay wuxuu wataa calaamad munaafuqnimo ah ilaa uu ka haro: haddii amaano loo dhiibto wuu khiyaanaa, hadduu sheekeynayo been buu shaagaa, hadduu ballan galana wuu buriyaa, hadduu doodana wuu xadgudbaa).

(وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يُعْجِبُكَ قَوْلُهُ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيُشْهِدُ اللَّهَ عَلَى مَا فِي قَلْبِهِ وَهُوَ أَلَدُّ الْخِصَامِ)

(Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Alle waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan),

(يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آَمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلَّا أَنْفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ * فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ)

(Waxay khiyaameyn Alle iyo kuwa (Xaqa) rumeeyay mana khiyaameyaan naftooda waxan ahayn mana dareemayaan * Quluubtay ka bukaan markaasaa Alle u siyaadiyay jirro waxayna mudan cadaab daran beentoodii darteed)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More