Noocyada shuhadada oo xadiiska kusoo arooray

Noocyada shuhadada oo xadiiska kusoo arooray

Shahiidnimada waa darajo aad u sarraysa qof kaste ma helo, diinta islaamka meel weyn ayay geysay dadka shuhadada.

Noocyada shuhadada oo xadiiska kusoo arooray
Noocyada shuhadada oo xadiiska kusoo arooray

Marka noocyo badan ayay leedahay shaiidnimada  axaadiista soo socota ayaana faahfaahin dheeraad ka bixisay:

Shuhadada noocyo badan ayay leeyihiin rasuulka scw ayaa xadiiskan noogu caddeeyay wuxuu yiri rasuulka:

 (مَنْ قُتِلَ دُونَ مَالِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ قُتِلَ دُونَ دِينِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ قُتِلَ دُونَ دَمِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَمَنْ قُتِلَ دُونَ أَهْلِهِ فَهُوَ شَهِيدٌ) ،

 (Qofkii la dilo hantidiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo diintiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo dhiiggiisa ka soke waa shahiid, qofkii la dilo ehelkiisa ka soke waa shahiid), wuxuu leeyahay rasuulka:

(… الْقَتِيلُ شَهِيدٌ ، وَصَاحِبُ الْهَدْمِ شَهِيدٌ ، وَالْمَبْطُونُ شَهِيدٌ ، وَالْغَرِيقُ شَهِيدٌ ، وَمَنْ أَكَلَهُ السَّبُعُ شَهِيدٌ ، وَالسَّلِيمُ شَهِيدٌ(يَعْنِي اللَّدِيغَ) ، وَصَاحِبُ السُّلِّ شَهِيدٌ ، وَمَنْ مَاتَ مُرَابِطًا فِي سَبِيلِ اللَّهِ شَهِيدٌ ، وَمَنْ ذَكَرَ اللَّهَ تَعَالَى إِذَا أَخَذَ مَضْجَعَهُ ثُمَّ مَاتَ فَهُوَ شَهِيدٌ ، وَالنُّفَسَاءُ ، وَمَنْ مَاتَ عَلَى فِرَاشِهِ يُرِيدُ أَنْ تَكُونَ كَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا وَكَلِمَةُ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَى شَهِيدٌ)

(kan la dilay waa shahiid, kan wax la dumay waa shahiid, kan caloolbax ku dhintay waa shahiid, kan habqaday waa shahiid, kan dugaag cuntay waa shahiid, kan la qaniinay waa shahiid, kan qaaxo ku dhintay waa shahiid, kan ku dhintay asoo dhufeys dar Alle ugu jiro waa shahiid, kan Alle xusay markuu jiifanayay kaddibna dhintay waa shahiid, naag umusha ku dhimatay waa shahiid, qof gogoshiisa ku dhintay asoo raba inay kalmadda Alle ahaato tan ugu sarreysa kalmadda gaaladana tan ugu hooseysa waa shahiid)

Marka dadka shuhadada noocyadada ay kala yihiin guud ahaan waa dad naxariista Alle helayo.

Noocyada shuhadada oo xadiiska sheegay waa kuwan.

Fadliga shahiidnimada nusuusta kusoo aroortay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More