Sida ay diinta amartay oo qoyska lagula dhaqmo

Diinta islaamka waa diin ku dadaashay dhismaha qoyska iyo ilaalinta guriga, qaabab badan ayay u ilaalisay familka iyo xaaska iyo ubadka, maanta qofka marka uu ku dadaalo diinta waxa ay fartay wuu liibaanayaa.

Sida ay diinta amartay oo qoyska lagula dhaqmo
Sida ay diinta amartay oo qoyska lagula dhaqmo

Wanaaga laga helo biilka qoyskaaga iyo qaraabadaada lama soo koobi karo nusuus ayaa kusoo arooratay oo fara badan wuxuu ku tiriyay nabiga SCW inuu yahay midka ku sugan jidka Alle, markuu soo maray nin nabiga oo ay arkeen asxaabtiisa kartidiisa iyo firfircoonidiisa ayay dhaheen: rasuulkii allow kan hadduu dar Alle ahaan lahaa, wuxu yiri rasuulka:

 

(إِن كَانَ خَرجَ يَسعَىَ عَلىَ ولدِه صِغارًا فَهُوَ فِي سَبيلِ اللهِ ، وَإِن كَانَ خَرجَ يَسْعَى عَلى أبوَيْن شيخَيْن كبيرَيْن فَهُوَ فِي سَبيلِ اللهِ ، وإِن كَان خَرجَ يَسعَى عَلى نفسِهِ يعفُّها فهو فِي سبيلِ اللهِ ، وَإِن كَانَ خَرجَ يَسعَى رِيَاءً وَمُفاخَرةً فَهُوَ فِي سَبيلِ الشَّيطانِ)

(Hadduu usoo baxay ilmihiisa yaryar isduu ugu shaqeeyo wuxuu ku sugan yahay jidk Alle, hadduu usoo baxay asoo u ordaya waalidiin da’ ah wuxuu ku sugan yahay jidka Alle, hadduu usoo baxay inuu naftiisa dhowro wuxuu ku sugan yahay jidka Alle, hadduu usoo baxay istus iyo faan wuxuu ku sugan yahay jidka shaydaanka).

wuxuu leeyahay:

(إِذَا أَنْفَقَ الرَّجُلُ عَلَى أَهْلِهِ نفقَةً يحتَسبُها ، فَهِي لَهُ صدقَةٌ)

(Ninka hadduu u siiyo ehelkiisa biil oo dar Alle sadaqo ayay u tahay), wuxuu leeyahay:

(خَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِأَهْلِهِ، وَأَنَا خَيْرُكُمْ لِأَهْلِي)

(Kiina ugu khayrka badan waa kan ehelkiisa ugu khayrka badan anigaa idinkaga khayr badan ehelkayga).

wuxuu leeyahay Alle:

{لَا خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِنْ نَجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَاحٍ بَيْنَ النَّاسِ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا}

(Khayr ma leh wax badan oo faqooda ah, oon ahayn mid fara sadaqo ama wanaag ama hagaajin dadka dhexdooda, ruuxii fala saas asoo doonayo raalli ahaanshaha Alle waxaanu siin ajir weyn)

wuxuu leeyahay Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا}

(Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar), wuxuu leeyahay rasuulka:

(كَفى بِالمَرْءِ إِثْمًا أَنْ يُضَيِّعَ مَنْ يقُوتُ).

(Qofka waxaa ku filan inuu dayaco cidda uu quudinayo).

wuxuu leeyahay rasuulka

(إِنَّ أَحبَّكم إليَّ أَحَاسِنُكُمْ أَخْلاقًا ؛ الْمُوَطَّئُونَ أَكْنَافًا ، الَّذِينَ يَأْلَفُونَ وَيُؤْلَفُونَ…)

(Kuwiina loogu jecel yahay xagayga waa kuwa ugu akhlaaq fiican, oo degan oo dadka jecel iyagana la jecel yahay), nabiga wuxuu ku caddeeyay xaalka mu’minka oraahdiisa:

 (وَالَّذِي نَفْسُ ‏مُحَمَّدٍ ‏‏بِيَدِهِ ، إِنَّ مَثَلَ الْمُؤْمِنِ ‏لَكَمَثَلِ النَّحْلَةِ ؛ أَكَلَتْ طَيِّبًا ، وَوَضَعَتْ طَيِّبًا ، وَوَقَعَتْ فَلَمْ تَكْسِر ، ولم تُفْسِدْ).

(Waxaan ku dhaartay Allaha nafta Muxamed ay gacantiisa ku jirto, mu’minka waa sida shinnida oo kale, waxay cuntay wax wanaagsan waxay dhigtay wax wanaagsan, way dhacday mana jabinin mana halleynin).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More