Sifooyinka munaafiqiinta ee lagu sheegay quraanka kariimka

Sifooyinka munaafiqiinta ee lagu sheegay quraanka kariimka

Markaan u laabano quraanka kariimka waxaan arkaynaa sifooyin la siiyay dadka munaafiqiinta ah waxaa ka mid ah sifooyinka munaafiqiinta nusuustan:

Sifooyinka munaafiqiinta
Sifooyinka munaafiqiinta

Alle  SW wuxuu yiri:

(فَتَرَى الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ يُسَارِعُونَ فِيهِمْ يَقُولُونَ نَخْشَى أَنْ تُصِيبَنَا دَائِرَةٌ فَعَسَى اللَّهُ أَنْ يَأْتِيَ بِالْفَتْحِ أَوْ أَمْرٍ مِنْ عِنْدِهِ فَيُصْبِحُوا عَلَى مَا أَسَرُّوا فِي أَنْفُسِهِمْ نَادِمِينَ)

(Waxaad arkaysaa kuwa qalbiga ka buka (munaafiqiinta) oo u degdagaya dhexdooda, iyagoo dhahaya waxaannu ka cabsanaynaa inay nagu dhacdo dhibaato (Socota) waxay u dhowdahay in Alle keeno fatxi (Gargaar) xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsadeen naftooda (oo jacaylka gaalada ah) ka shallaaya), wuxuu leeyahay Alle:

(وَإِنَّ مِنْكُمْ لَمَنْ لَيُبَطِّئَنَّ فَإِنْ أَصَابَتْكُمْ مُصِيبَةٌ قَالَ قَدْ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيَّ إِذْ لَمْ أَكُنْ مَعَهُمْ شَهِيدًا * وَلَئِنْ أَصَابَكُمْ فَضْلٌ مِنَ اللَّهِ لَيَقُولَنَّ كَأَنْ لَمْ تَكُنْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُ مَوَدَّةٌ يَا لَيْتَنِي كُنْتُ مَعَهُمْ فَأَفُوزَ فَوْزًا عَظِيمًا)

(Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) cabsin (dib marin) hadday idinku dhacdo musiibo (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii nmiceeyay Alle haddaanan la joogin * Hadduu idin soo gaadho fadli xagga Alle ka yimid wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna jeceyl shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon liibaano liibaan wayne),
wuxuu yiri Alle:

(إِنْ تَمْسَسْكُمْ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ وَإِنْ تُصِبْكُمْ سَيِّئَةٌ يَفْرَحُوا بِهَا وَإِنْ تَصْبِرُوا وَتَتَّقُوا لا يَضُرُّكُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئاً إِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ)

(hadday idin taabato xasano (wanaag) way xumeysaa hadday idinku dhacdo xumaanna way ku farxaan, haddaad samirtaan ood dhawrsataan idinkama dhibayso dhagartoodu waxba, Ilaahayna waxay sameynayaan wuu koobay)

(وَلَا يَحِيقُ الْمَكْرُ السَّيِّئُ إِلَّا بِأَهْلِهِ)

(Dhagarta xunna kuma dhaco waxaan ahayn dadkeeda).

Ilaahay wuxuu ku ciqaabay kuwa munaafuqnimada weyn ku jira jahawareer iyo xasilloonidarro iyo cabsi iyo argagax mar kaste, wuxuu yiri:

(مُذَبْذَبِينَ بَيْنَ ذَلِكَ لَا إِلَى هَؤُلَاءِ وَلَا إِلَى هَؤُلَاءِ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَلَنْ تَجِدَ لَهُ سَبِيلًا)

(Waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaanna lama jiraan, cidduu dhumiyay Alle uma heshid waddo (cid hanuunin). wuxuu yiri Alle:

(يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ هُمُ الْعَدُوُّ فَاحْذَرْهُمْ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ)

(Qaylo kasteba waxay u maleeyaan korkooda inay tahay, iyagaana cadowga ah, Alle ha lacnado ee xaggee loo duufsan).

Ilaahay wuxuu ka leexiyay quluubtooda inay wax ka fahmaan Alle iyo rasuulkiisa, hanuunka ma gaaro quluubtooda, khayrkana ma galo, wuxuu yiri Alle:

(ذلِكَ بِأَنَّهُمْ آمَنُوا ثُمَّ كَفَرُوا فَطُبِعَ عَلى قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لا يَفْقَهُونَ)

(Saas waxaa ugu wacan inay (afka ka) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen, quluubtoodana waa la daboolay wax xaq ahna ma kasayaan) Ciqaabtooda Aakhiro Ilaahay wuu ka hadalay wuxuu yiri:

(وَمِمَّنْ حَوْلَكُمْ مِنَ الْأَعْرَابِ مُنَافِقُونَ وَمِنْ أَهْلِ الْمَدِينَةِ مَرَدُوا عَلَى النِّفَاقِ لَا تَعْلَمُهُمْ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ سَنُعَذِّبُهُمْ مَرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَى عَذَابٍ عَظِيم)

(Gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye munaafiqiin ah, reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidiin annagaase og, waxaannu cadaabi labo jeer, markaasaa loo celin cadaab weyn)

wuxuu yiri Alle:

(إِنَّ اللّهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا)

(Ilaahayna wuxuu ku kulmin munaafiqiinta iyo maalada Jahannamo dhammaan), wuxuu leeyahay Alle – subxanahu -:

(إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا * إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا وَأَصْلَحُوا وَاعْتَصَمُوا بِاللَّهِ وَأَخْلَصُوا دِينَهُمْ لِلَّهِ فَأُولَئِكَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ وَسَوْفَ يُؤْتِ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ أَجْرًا عَظِيمًا)

(munaafiqiintu waxay ku sugnaanayaan dabaqa hoose ee Naarta umana heleysid gargaare * kuwa toobadkeenay ee wanaajiyay camalka, oo isku dhawray Alle, oo u kali yeelay diintooda (Cibaadadooda) Ilaahay kuwaasi waxay la jirayaan mu’miniinta, wuuna siin doonaa Alle Mu’miniinta ajir wayn)

 

Qofka munaafuqa qaabka uu u dhaqmo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More