Xadiiska qeybaha iimaanka sheegay

Xadiithkan waxaa lagu tiriyaa axaadiithta ugu caansan Islaamka waa xadiith kutub badan kusoo arooray.

Xadiiska qeybaha iimaanka
Xadiiska qeybaha iimaanka

Wuxuu tilmaamayaa ilaamka inuu dhowr waxyaabo u qaybsamo oo ay ka mid yihiin falaka suuban oo uu qofka sameeyo wanaagga uu ku hadlo dhammaan waxay soo hoos galayaan iimaanka.

Laakin waxaa shardi ag qofka inuu haysto meesha ugu sarreysa oo ah shahaadateenka.

Wuxuu yiri rasuulka SCW :

(الإِيمَانُ بِضْـعٌ وَسَبْعُـونَ، أَوْ بِضْـعٌ وَسِتُّـونَ شُعْبَةً، فَأَفْضَلُهَا قَوْلُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّه، وَأَدْنَاهَا إِمَاطَةُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ ، وَالْحَيَاءُ شُعْبَةٌ مِنَ الإِيمَانِ)

(Iimaanka waa toddobaatan iyo dhowr ama lixdan iyo dhowr qeyb, waxaa ugu fiican oraahda laa ilaaha illallaah, waxaana ugu hooseeya in jidka qashinka laga leexiyo, xishoodkana waa qeyb ka mid ah iimaanka).

Xishoodka oo ka mid ah falalka qofka uu sameeyo oo inta badan dabciga raacsan ayaa soo galaya.

Marka qofka muslinka fal kaste oo wanaagsan marka uu sameeyo iimaankiisa ayaa ku kordha.

Xadiithka wuxuu ka mid yahay daliilyada tilmaamaya inuu iimaanka u qaybsamo seddex tiir rumeynta qalbiga iyo ku dhawaaqa carrabka iyo ku camalfalka diinta.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More