Malabka lagu cayilo sida loo diyaariyo

How to prepare fattening honey

Madaawaadkan waa la tijaabiyay qofka caataha ah wuxuu ku cayilaa muddoo yar seddex usbuuc ilaa seddex bilood in u dhexeysa.

Malabka lagu cayilo sida loo diyaariyo
Malabka lagu cayilo sida loo diyaariyo

waxaa laysku daraa waxyaalahan soo socda

Shan qaaddo malab saafi ah
labaatan xabbo timir mirta laga bixiyay
shan qaaddo qombo shiidan
hal qaaddo iyo bar saliid
shan qaaddo sokor
hal koob xulbo
Shan qaaddo waaweyn caano booro
labo qaaddo fustuq shiidan
Shan qaaddo boodro shukulaato
Labo qaaddo loos
Labo qaaddo sisin
Nus koob biyo

Saliidda ayaan dabka saaraynaa kaddib waxaa lagu darayaa timita, waa la walaaqayaa ilaa ay ka noqdaan sida cajiin oo kale
kaddib waxaa lagu darayaa qumbaha iyo malabka iyo boodrada hsukulaatada iyo caana booraha kaddib waa la walaaqayaa mar kale kaddib biyo ayaa lagu darayaa markaas ayaa la walaaqayaa.
kaddib looska iyo fustqa ayaan ku dareynaa iyo xulbada shiidan markaas ayaan walaaqaynaa ilaa ay isqabsadaan
nus saac ayaan ku haynaynaa dabka markaas ayaan ka dejinaynaa meel ayaan dhigaynaa ilaa ay ka qaboobaan.
kaddib dhalo ayaan ku shubaynaa maalin kaste afar qaaddo ayaan ka cunaynaa.

waa madaawaad oo lagu cayilo oo la tijaabiyay waana daawo iyo nafaqo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More