Diinta marka laysku qasbo waxa dhacayo

Diinta islaamka waa diin xaq ah oo ka timid xagga Alle, qofka laguma qasbi karo, maxaayeeley qofkii lagu qasbo gaalnimo ayuu qarsanayaa Allana qof hoos gaal ka ah ma rabo, maxaayeelay waa munaafuq, illeen munaafuqiinta hoose ayay gaalo ka yihiin cabsi darteed ayay u qarsadeen gaalnimada, haddii diinta aad xoog dad ugu qasabto waxaad badinaysaa munaafuqiinta.

Diinta marka laysku qasbo waxa dhacayo
Diinta marka laysku qasbo waxa dhacayo

Nusuus badan ayaa tilmaantay diinta inaan laysku qasbaynin taas macanaheeda ma ah in qofka uu xor yahay aakhirinada layka cafinayo.

waxaan arkaynaa islaamka inuusan qof ku qasbin inuu soo galo, wuxuu siiyay dadka ikhtiyaar wuxuu yiri Alle:

(لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ)

(Qasab ma aha diinta galiddeedu, hanuunka  waa ka cadaaday (soocan yahay) baadida), wuxuu yiri Alle:

(وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَآمَنَ مَن فِي الْأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعًا أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ)

(Hadduu doono rabbigaaga waxaa rumayn lahaa waxa dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa dad ku qasbi ilaa ay ka noqdaan mu’miniin). 

Wuxuu leeyahay Alle :

فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنتَ مُذَكِّرٌ * لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ}،

(Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow) * Mana tihid mid xoog ku leh (qasab))

Wuxuu leeyahay Alle:

{إِنْ عَلَيْكَ إِلا الْبَلاغُ}.

(korkaaga ma aha waxaan gaadhsiin ahayn)

qofka marka diinta qasab lagusoo galiyo hoos ayuu munaafuq ka ahaanayaa korna muslin marka qofka dhib weyn ayuu u keenayaa islaamka waa sida dadka sacuudiga lagu sameeyay oo kale dhamaan dumarka marka ay kasoo tagaan sacuudiga oo ay aadaan dalalka gaalada hor ayay ka bilaabayaan xumaanta qaar hilibka doofaarka ayay cunayaan qaar khamriga ayay hor ka bilaabaan, gabdho badan ayaa sacuudi ka cararay sidaas darteed, marka qofka waxaa la rabaa inuu dar alle u rummeeyo asoon qof kaga baqanaynin

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More