Riyada Hooyo oo aan sujuuda ka dhunkanaayo

Su’aasha:

Asc waaku salaamay sxb qaaliya intaas ka dib xaley waxaan ku riyooday Hooyadey oo intay ul iisoo qaadato i garaaci rabto anna intaan ushii ka qaaday aan sujuuda ka shumiyey ka dibna aan isla riyada dhexdeeda ku qiirooday ama ku dhex ooyey hooyana ila oysay maxaa lagu fasiri karaa.

Riyada Hooyo oo aan sujuuda ka dhunkanaayo
Riyada Hooyo oo aan sujuuda ka dhunkanaayo

Jawaabta:

Saaxiib waan ku salaamay, riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto ducada waalidkaaga sidoo kale guul aduun iyo liibaan aakhiro, waxaa kaloo riyada laga fahmayaa Ilaahay inuu kaa ilaalin doono wixii dhib iyo xumaan ah intaad aduunka joogto, sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa cimri dheer oo farxad la socoto, saaxiib riyada waa riyo aad u weyn oo fasir badan leh dhamaanna waa wax fiican, Ilaahay khayrka haku waafajiyo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More