Qofka munaafuqa qaabka uu u dhaqmo

Qofka munaafuqa qaabka uu u dhaqmo

 

Quraanka kariimka si faahfaahsan ayuu u caddeeyay siduu u dhaqmo qofka munaafuqa ah.

Qofka munaafuqa qaabka uu u dhaqmo
Qofka munaafuqa qaabka uu u dhaqmo

(وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ قَالُوا إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ * أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَكِنْ لَا يَشْعُرُونَ)

(Marka lagu dhaho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay hagaajiyeyaal * iyagaa fasaadiyeyaal ah laakin ma dareemayaan)

wuxuu leeyahay Alle –subxaanahu -:

(لَوْ خَرَجُوا فِيكُمْ مَا زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا وَلَأَوْضَعُوا خِلَالَكُمْ يَبْغُونَكُمُ الْفِتْنَةَ وَفِيكُمْ سَمَّاعُونَ لَهُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ)

(Hadday baxaan dhexdiinna waxaan xumaan ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo idiin dhagaysan Allana waa ogyahay daalimiinta)
wuxuu leeyahay Alle:

(وَقَالُوا لَا تَنْفِرُوا فِي الْحَرِّ قُلْ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرًّا لَوْ كَانُوا يَفْقَهُونَ)

(Waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo ayaa ka kulayl daran hadday wax kasayaan)
Wuxuu leeyahay Alle:

(قَدْ يَعْلَمُ اللَّهُ الْمُعَوِّقِينَ مِنْكُمْ وَالْقَائِلِينَ لِإِخْوَانِهِمْ هَلُمَّ إِلَيْنَا وَلَا يَأْتُونَ الْبَأْسَ إِلَّا قَلِيلًا)

(Dhab ahaan ayaa Alle u ogyahay kuwa reebayaalka ah (ku cabsiinta dagaalka) oo idinka mid ah iyo kuwa ku dhaba walaalahooda (munaafiqiinta ah) noo imaada dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee).

qaababka fasahaadka waxaa ka mid ah: dadka xaqooda in laga naaqusiyo ama la liido, wuxuu yiri Alle:

(وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ)

(Hana ka nusqaaminina dadka waxooda hana xumaynina dhulka idinkoo fasaadinaya)

wuxuu yiri Alle:

(ِإِنَّ الْمُنَافِقِينَ يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَهُوَ خَادِعُهُمْ وَإِذَا قَامُوا إِلَى الصَّلَاةِ قَامُوا كُسَالَى يُرَاءُونَ النَّاسَ وَلَا يَذْكُرُون اللَّهَ إِلَّا قَلِيلًا)

(Munaafiqiintu waxay dhagri Alle (isku dayi) isna dhagri buu ku abaalmarin markay u istaagaan salaaddana waxay istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi dadka mana xusaan Alle wax yar mooyee) wuxuu yiri Alle:

(وَمَا مَنَعَهُمْ أَنْ تُقْبَلَ مِنْهُمْ نَفَقَاتُهُمْ إِلَّا أَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَبِرَسُولِهِ وَلَا يَأْتُونَ الصَّلَاةَ إِلَّا وَهُمْ كُسَالَى وَلَا يُنْفِقُونَ إِلَّا وَهُمْ كَارِهُونَ)

(Uma diidin in laga aqbalo waxbixintooda waxan ahayn ku gaaloowgooda ay ku gaalooween Alle iyo rasuulkiisa, mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neceb mooyee),

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More