Wiil ku riyooday asoo nabi Muxammad (SCW) dhar u dhaqaya

Wiil ku riyooday asoo nabi Muxammad (SCW) dhar u dhaqaya

Su’aasha:

Asc walaal waxaan ku riyooday aniga oo ii yimid nabi muhhamed scw oo la i dhahay waa nabi muhhamed wuxuu ahaa nin qurux badan oo xoog wayn
Markaas wixii ka dambeeyey aniga waxaan dhar u dhaqaayay nabiga hooyo fiiri ayaan dhahay nabiga ayaa dhar u dhaqayaa hooya waxay itiri cid kaa nasiib badan malahan yaa aniga i gadhiga cml ayay tiri markaas wixii ka dambeeyey qalad yar ayaaan sameeyey waxaan soo xasuustay in nabiga uu aniga ila joogo waan cararay waana u tagay qaladkii ayaan u sheegay lugahana waan u riix riixayay nabiga hadana aniga iyo gabar baa nabiga wuxuu na dhahay dhar ii dhaqa haye ayaa dhahnay waana bilownay aniga meelo kle ayaa ku mushquulay gabadhiina way dhaqday lkn aniga asga oo xoogaa yar aan ka dhaqay ayaan u keenay nabiga scw wuxuu i yiri si niyad ah u maadan dhaqin intaas bis wye wax kle malahan ii fasir.

Wiil ku riyooday asoo nabi Muxammad (SCW) dhar u dhaqaya
Wiil ku riyooday asoo nabi Muxammad (SCW) dhar u dhaqaya

Jawaabta:

Riyada aad aragtay waxay tilmaamaysaa in si fiican aadan ugu dadaalin sunnada nabiga (SCW) sidoo kale ku dhaqanka diinta  inaadan ku ahayn sidii la rabay, waxaa lagugu baraarujinayaa inaad diinta ku dhaqanto, teeda kale nin nasiib badan ayaad tahay riyadana waa xaq, inshaa Allaah khayr badan ayuu Ilaahay ku siin doonaa adduun iyo aakhiraba Ilaahay ku shugri, nabi Muaxamad (SCW) in riyo lagu arko waa wax qaali ah aan la heli karin.

 

Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More