Islaamka iyo cadaaladda iyo sinnaanta

Islaamka Iyo Cadaaladda Iyo Sinnaanta

Diin ma jirto ka wanaagsan islaamka, diinta islaamka waa xaq wixii kasoo harayna waa baadil, diinta islaamka waa diin ku dhisan cadaalad sidoo kale dadka waxay amartay inay ku dhaqmaan cadaaladda, dad badan ayaa maanta soo gala diinta islaamka taasna waxaa ugu wacan xaqqa iyo cadaaladda ay wadato.

Islaamka iyo cadaaladda iyo sinnaanta
Islaamka iyo cadaaladda iyo sinnaanta

Maanta qofka caqliga leh marka uu wax yar ka akhriyo diinta islaamka isla markii wuu ku qancaa, maxaayeelay caqliga saliimka ayay waafaqsan tahay.

 

wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ}

(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay)

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ: إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ ، وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى عَجَمِيٍّ ، وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ ، وَلَا لِأَحْمَرَ عَلَى أَسْوَدَ ، وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ ، إِلَّا بِالتَّقْوَى ، إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ … )

Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badan).

Alle wuxuu yiri:

{وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُواْ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَى}

(Haddaad hadlaysaanna caddaalad fala), wuxuu yiri:

{وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُواْ بِالْعَدْلِ}

(Haddaad kala Xukumaysaan dadka inaad ku kala xukuntaan caddaalad), wuxuu yiri Alle:

{وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى}

(Yuuna idinku xambaarin dad nacaybkooda inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw dhawrsashada)

 

Kalitalisnimada Cudur Nafsi Ah Miyaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More