Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

Riyada:

Walaal xalay ayaan riyooday, riyadiina waa tan:
” nabi muxamed scw ayay laba nin oo mushrikiinta kamid ahi ay arrin ku dirqinayeen waliba waxay ahayd sidaan filayo inay kulahaayeen cidkale nagula duul nabiguna waa ka diidayay waliba si deggan oo dabacsan ayuu ula hadlayay balse way aqbali la,aayeen kadib nabigu scw waa uu cadhooday labadii nin mid kamid ah ayuu dhulka sixun ugu dhuftay waliba si cajiib ah! Way cabsadeen kadibna way iska tageen aniguna markaan arrintaa arkay aad baan ugu farxay dadkale oo muslimiin ah oo hareerahayga maraya ayaan kulahaa miyaydaan arkayn siduu nabigu ninkaa gaalka ah uu ugalay aadna waan u faraxsanaa markaas. Muddo kadib waxaan is arkay anigoo dhexjooga masjid jimcana way ahayd, sheekh aan garanayo ayaa minbarka fuulay qudbadii markuu bilaabay ayaa codkiisa caadi loo maqli waayay kadibna dadkii ayaa buuqay iyagoo leh sheekh laguma maqlo, runtii waan yaabay waayo dadkani iyadoo qudbadii socoto ayay hadlayaaan, waxyar kadib wiil yaroo dhalinyaro ah ayaa istaaagay oo makaroofanka u hagaajiyay sheekhii codkiiisiina caadibaa loo maqlay”

Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya
Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

Fasirka:

Riyada waa riyo bishaaro wadata, waana riyo xaq ah, qofkii Riyo nabi Muxammad ku arko waa qof nasiib badan leh waayo nabiga (SCW) ayaad ku dhex aragtay, waxay xambaarsan tahay macne aad u weyn, macnahaas wuxuu la xiriiraa xaaladda ay ku jirto umadda muslinka, iyo guusha ay heli doonto, iyo in gaalada laga adkaan doono, waxaa laga yaabaa inay tilmaamayso dagaallada waaweyn ay dunidu qarka u saaran tahay, oo guusha islaamka ka dhalan doonto, markay gaalada isku dhacaan, sida hadda reer galbeedka iyo Ruushka oo kale, waa riyo macne weyn wadata.

Waxaa kaloo kuu sii dheer nin nasiib badan ayaad tahay inshaa Allaah waad arki doontaa nabiga (SCW) taasna jannada ayay noqonaysaa haddii Alle idmo, Ilaahay dhammaanteena ha nagu arsaaqo Jannatulafirdow :

Waxay dhahaan culimada:

(رؤية النبي صلى الله عليه وسلم في المنام ـ على صورته المعروفة في السنة والسيرة النبوية ـ لا تستوي مع رؤية غيره من البشر، وهي من المبشرات التي تفرح القلب، وتسعد النفس، فهي تنطوي على بشرى عظيمة، وهي رؤيته صلى الله عليه وسلم في اليقظة)

(In nabiga (SCW) riyo loogu arko qaabkiisa lagu yaqaano sunnada iyo siirada nabawiga, uma dhigmayo aragtida dadka kale, waxay ka mid tahay bishaarooyinka oo qalbiga farxadgaliya, oo nafta ka farxiya, waxay wadataa bishaaro weyn oo ah in nabiga (SCW) soojeed lagu arko)

Nabiga (SCW) xadiis saxiix ah oo Bukhaari wariyay ayuu ku yiri:

(مَن رَآنِي في المَنامِ فقَدْ رَآنِي؛ فإنَّ الشَّيْطانَ لا يَتَمَثَّلُ في صُورَتِي، ومَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ).

(qofkii riyo igu arko wuu i arkay, shaydaan qaabkayga iskama dhigo, qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).  raadraac

(قال ابن حجر: “فيه إشارة إلى أن الله سبحانه وتعالى وإن أمكن الشيطان من التصور في أي صورة أراد، فإنه لم يمكنه من التصور في صورة النبي صلى الله عليه وسلم”).

(Wuxuu yiri Ibnu Xajar: “waxaa ku sugan tilmaan in Alle (SW) hadduu u suurtagaliyay shaydaanka inuu qaab kaste iska soo dhigo uma suurtagalinin inuu qaabka nabiga (SCW) iska soo dhigo)

Marka riyada aad aragtay wax weyn ayay tilmaamaysaa oo la xiriira mustaqbalka umadda islaamka iyo gaalada loollanka ka dhexeeya, loollankaas wuxuu ku dhamaanayaa gaalada in laga adkaado oo dhulka lala galo, oo islaamka uu kor noqdo, inshaa Allaah middaasna aad bay usoo dhowdahay, isbaddalada hadda adduunka ka socda ayaa tilmaan u ah, caalamka wuxuu ku dhow yahay in dagaal weyn uu lugaha la galo dagaalkaas meelo badan ayuu ka dilaacaa, wax badan ayaa burburaya, dalalka adduunka gumeystay oo hanti badan ka boobay ayaana ugu daran dhibka dagaalkaas uu geysan doono, siiba dalalka reer galbeedka, iyo dowladda Maraykanka oo ay u badan tahay inay burburto sanadahan soo socda.

Riyada nabi Muxammad (SCW) waa riyo xaq ah qofka markuu ku arko sifadiisa iyo qaabka uu yahay, shaydaanka ma awoodo inuu isku ekeeysiiyo nabi Muxammad (SCW) .

Riyada qof waardiye ka ah Madiinada Rasuulka (SCW)

 

Riyada Malaku Jibriil halkan ka daawo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More