Riyada qof waardiye ka ah Madiinada Rasuulka (SCW)

Riyada qof waardiye ka ah Madiinada Rasuulka (SCW)

Riyada:

Walaal riyo ayaan kuriyooday, riyadaa si marka loo fiiriyo waa riyo cajiib ah oo macno samaynaysa sikale marka loo fiiriyana waxaad moodaa inay tahay riyo waaqica khilaafsan, marka hadii ay fasir leedahay waa sax hadii kalena waad iska dhaafi kartaa akhii.
RIYADA : waa aniga iyo 3 ama 4 nin oo asxaabtayda kamid ah qaarkoodna aanu meel kawada shaqayno, waxaanu joognaa wakhtigii rasuulka SCW gaar ahaan magaalada madiina lkn nabiga ma arkayno. Waxa Amar nalagu siiyay magaalada madiina inaan waardiye ka qabanno wakhti habeen ah, annagoo waardigii kujirna ayaa waxa hortayada kasoo muuqday gaadhi cad oo dhankayaga usoo socda, markuu nagusoo dhawaaday ayaan ku dhaqaaqnay waanan joojinnay, qaar saaxiibbaday kamid ah ayaa dirawalkii si kulul ula hadlay waxaanan Amar kusiinnay gaadhiga xaga danbe inuu furo waanu furay. Waxaan aragnay kartoomo daawo ka buuxdo waliba ” folic acid ” oo loowaday dumar xaamilo ah. Nimankii asxaabtayda ahaa waxay damceen daawooyinkii inay qaataaan anigana sidoo kale damacaasi uu igu jiray, markaan bilaabay inaan kartoon gacanta kudhigo ayaa aayad qur,aan ah dhagta la igaga akhriyay! Aayaddasi waxay kujirtaaa suuratul nisaa waana aayadda uu ilaahay leeyahay ” kuwa xoolaha agoonta dulmi ku cunaya wuxuun bay cunayaan naar caloolohoda waxayna gali doonaan saciira ” kadib waan joojiyay wixii aan rabay inaan qaato saaxiibadayna waxaan kudhahay nimanyohow innaga daaya alaabtan yaynaan waxba ka qaadanin.

Riyada qof waardiye ka ah Madiinada Rasuulka (SCW)
Riyada qof waardiye ka ah Madiinada Rasuulka (SCW)

Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad diinta ku xiran tahay oona aad tahay qof Alle ka baqayo Ilaahay hakuu siyaadiyo taqwadiisa, sidoo kale ilaalinta magaalada Madiina waa ilaainta sunnadda nabiga (SCW) riyada waa riyo aad u qiima badan oo bishaaro weyn xambaarsan, ku dadaal khayrka Ilaahay ku siiyay.

Nabiga (SCW) xadiis saxiix ah oo Bukhaari wariyay ayuu ku yiri:

(مَن رَآنِي في المَنامِ فقَدْ رَآنِي؛ فإنَّ الشَّيْطانَ لا يَتَمَثَّلُ في صُورَتِي، ومَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ). المصدر

(qofkii riyo igu arko wuu i arkay, shaydaan qaabkayga iskama dhigo, qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).

رؤية المدينة المنورة في المنام، تكون بشارة بقدوم الخير الكثير والرزق الواسع، وأيضاً تدل على أنه سيحدث الكثير من الأخبار التي تكون سارة للغاية.

Riyo nabi Muxammad (SCW) oo nin mushrik dhulka ku dhufanaya

 

This dream indicates that you are connected to the religion and that you are a person who fears Allah and may Allah increase His piety, and the protection of the city of Medina is the observing of the tradition of the Prophet (sw).

The dream is a very valuable dream that carries great good news, strive for the good that Allah has given you.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More