Waa maxay iimaanka jannada lagu galo

Waa maxay iimaanka jannada lagu galo

Iimaanka dad badan muslin ah waxay u malaynayaan wax iska caadi oo afka kaliya laga dhaho.

Waa maxay iimaanka jannada lagu galo
Waa maxay iimaanka jannada lagu galo

iimaanka oo Ilaahay ku sheegay diintiisa kaas ma aha, waa iimaan buuxa oo qofka janna ku galayo, iimaanka noocaas ah waa kan jannada sabab kuugu noqon kara, dad badan ayaa jira oo iimaanka sheegto laakin waaqaca caddeuynayo inaysan iimaan dhab ah haysanin, waxaa ka mid ah dadka isdila oo hantida iska booba, waxaa ka mid ah soomaalida oo masaajidda oo dhan buuxiyay laakin dhammaantooda ilaa iyo hadda aan ka istaagi karin inay qof dilaan ama hanti boobaan, wadanka intaasoo sano sidaas ayuu la khariban yahay, marka aan kuusoo duuduubo iimaanka jannada lagu galo waa kan kugu xambaaraya inaad sameyso wixii Alle ku faray oo dhan sidoo kale inaad ka harto wixii Alle kaa reebay oo dhan.

aan wada eegno nusuusta kusoo aroortay iimaanka dhabta ah;

waa maxay iimaanka dhabta ah:

 Alle wuxuu ku yiri kitaabkiisa kariimka ah:

(إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ يَهْدِيهِمْ رَبُّهُمْ بِإِيمَانِهِمْ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهِمُ الأَنْهَارُ فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ)

 (Kuwa Rumeeyay Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan),

taasna waa marka uu weyddiiyay sayidnaa Jibriil iimaanka, wuxuu yiri:

(…أَنْ تُؤْمِنَ بِاللَّهِ ، وَمَلَائِكَتِهِ ، وَكُتُبِهِ ، وَرُسُلِهِ ، وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ ، قَالَ: صَدَقْتَ)

(Inaad rumeyso Ilaahay iyo malaa’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro, iyo inaad rumeyso qadarka khayrkiisa iyo shartiisa, wuxuu yiri: run ayaad sheegtay)

Marka la weyddiiyay Xasan Albasri – Ilaahay ha u naxariistee -: mu’min miyaad tahay? Wuxuu ku yiri: imaanka waa labo, haddii aad i weyddiinayso iimaanka Ilaahay iyo malaa’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo jannada iyo naarta iyo soo saaridda iyo xisaabta aniga mu’min ayaan ahay, haddii aad i weyddiinayso oraahda Alle – tabaaraka watacaalaa -:

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ *الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ * أُولَئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا)

(Mu’miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Alle la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Allena ay iimaan u kordhiso, Allahoodana uun tala saarta * ee ah kuwa ooga salaadda waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya * kuwaas waa mu’miniinta dhabta ah),

wuxuu leeyahay nabigeena- naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(لَا إِيمَانَ لِمَنْ لَا أَمَانَةَ لَهُ ، وَلَا دِينَ لِمَنْ لَا عَهْدَ لَهُ)

(Imaan ma laha qofaan amaano lahayn, diinna ma laha qofaan ballan lahayn), sidoo kale iimaanka iyo xishoodka way isku xiran yihiin, wuxuu yiri rasuulka- naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(الْحَيَاءُ وَالْإِيمَانُ قُرِنَا جَمِيعًا، فَإِذَا رُفِعَ أَحَدُهُمَا رُفِعَ الْآخَرُ)

(Xishoodka iyo iimaanka waa laysku xiray haddii midkooda la qaado midka kalena waa la qaadayaa),

waxaa laga wariyay Safwaan bin Suleym – Alle ha u naxariistee -inuu yiri waxaa lagu yiri rasuulka Alle:

أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ جَبَانًا؟ فَقَالَ: ( نَعَمْ ) ، فَقِيلَ لَهُ: أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ بَخِيلًا؟ فَقَالَ: ( نَعَمْ ) ، فَقِيلَ لَهُ: أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ كَذَّابًا؟ فَقَالَ: ( لَا)

(Mu’minka ma noqdaa fuley? Wuxuu: yiri (haa), waxaa lagu yiri: mu’minka ma noqdaa bakhayl? wuxuu yiri (haa), waxaa lagu yiri: mu’minka beenlow ma noqdaa? Wuxuu yiri: (maya))

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{وَمَن يُؤْمِن بِاللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُ}

(Qofkii Alle rummeeyo qalbigiisuu hanuunin), wuxuu leeyahay nabigeena:

(عَجَبًا لِأَمْرِ الْمُؤْمِنِ ، إِنَّ أَمْرَهُ كُلَّهُ خَيْرٌ  وَلَيْسَ ذَاكَ لِأَحَدٍ إِلَّا لِلْمُؤْمِنِ ، إِنْ أَصَابَتْهُ سَرَّاءُ شَكَرَ ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ ، وَإِنْ أَصَابَتْهُ ضَرَّاءُ صَبَرَ ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ)

(Waxaa la yaab leh arrinka Mu’minka, dhab ahaantii dhammaan arrinkiisa oo dhan waa khayr, taasna uma sugna qof aan mu’min ahayn, haddii wanaag soo gaaro wuu mahadiyaa taasna khayr ayay u tahay, haddii uu dhib ku dhacona wuu sabraa taasna khayr ayay u tahay).

wuxuu leeyahay nabigeena:

(لاَ يَزْنِي الزَّانِي حِينَ يَزْنِي وَهُوَ مُؤْمِنٌ ، وَلاَ يَشْرَبُ الخَمْرَ حِينَ يَشْرَبُ وَهُوَ مُؤْمِنٌ ، وَلاَ يَسْرِقُ حِينَ يَسْرِقُ وَهُوَ مُؤْمِنٌ ، وَلاَ يَنْتَهِبُ نُهْبَةً ، يَرْفَعُ النَّاسُ إِلَيْهِ فِيهَا أَبْصَارَهُمْ حِينَ يَنْتَهِبُهَا وَهُوَ مُؤْمِنٌ)

(Ma sinaysto qofka sinaysta markuu sinaysanayo asoo mu’min ah, ma xado markuu xadayo asoo mu’min ah, ma boobo boob ay dadka indhaooda la raacayaan markuu boobayo asoo mu’min ah),

wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَى أَن يَكُونُوا خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِّن نِّسَاءٍ عَسَى أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ  وَلَا تَلْمِزُوا أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ بِئْسَ الِاسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الْإِيمَانِ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ}

(Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin)

wuxuu leeyahay Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن تَنصُرُوا اللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ }

(Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, cagihiinana  wuu sugi), wuxuu leeyahay subxaanahu:

{ إِنَّا لَنَنْصُرُ رُسُلَنَا وَالَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ يَقُومُ الْأَشْهَادُ}

(Annagaa u gargaari Rasuuladanada iyo kuwa rumeeyay xaqa nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu), wuxuu leeyahay Alle:

{وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ}

(Waxaana korkanaga ah u gargaarka Mu’miniinta

xadiiska qudsiga waxaa ksuoo arooray:

(إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ)

(haddii Ilaahay addoonka jeclaado Jibriil ayuu u dhawaaqayaa: Ilaahay wuxuu jecel yahay hebel jeclow, waxaa jeclaanaya Jibriil, wuxuu u dhawaaqayaa Jibriil dadka cirka ku sugan: Ilaahay wuxuu jecel yahay hebel jeclaada, waxaa jeclaanaya dadka cirka ku sugan, kaddib oggolaansho ayaa dhulka loo keenayaa),

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ الرَّحْمَنُ وُدًّا}

(Kuwa Xaqa rumeeyay ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaanka Jacayl)

Alle wuxuu ku leeyahay:

 (لَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْت سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا ، وَلَئِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ، وَلَئِنْ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ)

(… kama suulo addoonkayga inuu iigu soo dowaado sunnooyinka ilaa aan ka jeclaado, markaan jeclaadana waxaan noqonayaa maqalka uu wax ku maqlo, aragga uu wax ku arko, iyo gacantiisa uu fidinayo iyo lugtiisa uu ku soconayo, hadduu wax i weyddiiyo waan siinayaa, hadduu magangalyo i warsadana waan magangalinayaa).

wuxuu leeyahay nabigeena:

(أَلا أُخْبِرُكُمْ بِشَيْءٍ إِذَا نَزَلَ بِرَجُلٍ مِنْكُمْ كَربٌ أَوْ بَلاءٌ مِنْ بَلايَا الدُّنْيَا دَعَا بِهِ يُفَرَّجُ عَنْهُ؟) ، فَقِيلَ لَهُ : بَلَى ، فَقَالَ : (دُعَاءُ ذِي النُّونِ : {لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنْتُ مِنْ الظَّالِمِينَ} ، فذلك للمؤمنين عامة

(Ma idin sheegaa wax haddii qofka kurbo ku dhacdo ama balo oo ka mid ah balada adduunka oo uu ku ducaysto, lagaga qaado?) waxaa lagu yiri: noo sheeg, wuxuu yiri: (ducada Thinnuun): (Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah), wuxuu yiri Alle markaas kaddib:

{فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ وَكَذَلِكَ نُنجِي الْمُؤْمِنِينَ}

(Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu’miniinta)

wuxuu leeyahay nabigeena:

(الْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ النّاسُ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ ، والمُؤْمِنُ مَنْ أَمِنَهُ النَّاسُ عَلَى أَمْوَالِهِمْ وَأَعْرَاضِهمْ)

(Muslinka waa midka ay dadka ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa mu’minkana waa kan dadka u nabadgaliya hantidooda iyo sharftooda)

wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَنْ قَتَلَ مُعَاهَدًا لَمْ يَرِحْ رَائِحَةَ الجَنَّةِ ، وَإِنَّ رِيحَهَا تُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ أَرْبَعِينَ عَامًا)

(Qofkii dilo mucaahad jannada ma urinayo iyadoo carafteeda laga helayo meel loo socdo afartan sano),

wuxuu yiri:

(وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ، وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ ، وَاللَّهِ لاَ يُؤْمِنُ ، قِيلَ : مَنْ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: الَّذِي لاَ يَأْمَنُ جَارُهُ بَوَائِقَهُ)

(Wallaahi ma rummaynayo, wallaahi ma rummaynayo wallaahi ma rummaynayo, waxaa lagu yiri: waa kuma rasuulkii Allow?, wuxuu yiri: midka deriskiisa aan ka nabadgelin shartiisa),

wuxuu yiri Alle:

{وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا * إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنْكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا}.

(Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan qafaalka ah * Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Alle, mana idinka doonayno Abaalmarin iyo Mahadnaq Midna).

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{ إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ يَهْدِيهِمْ رَبُّهُم بِإِيمَانِهِمْ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ}

(Kuwa Rumeeyay Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan), wuxuu leeyahay:

{وَبَشِّرِ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ}

(Ugu bishaaree kuwa rumeeyay (xaqa) Camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto dhexdooda Wabiyaalkii), wuxuu leeyahay:

{وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أُولَئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ}

 (Kuwa rumeeyay (xaqse) oo camal wanaagsan sameeyay kuwaasi waa asaxaabta Jannada wayna kuwaari dhexdeeda), wuxuu leeyahay cazza wajalla:

{إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا}

(Kuwa rumeeyay (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa Camalka),

(Kuwa rumeeyay (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso degid, (martiqaad)), waxaa ku sugan xadiiska qudsiga: in Alle (caza wajalla) yiri:

(أعدَدتُ لِعبادي الصَّالِحين ما لا عينٌ رأَتْ، ولا أذُنٌ سَمِعَت، ولا خَطَر على قلْبِ بشَرٍ)

(Waxaan u diyaariyay addoomahayga suubban wax aan il arkin dhegna maqlin qalbi basharna kusoo dhicin), kaddib wuxuu akhriyay rasuulka:

{ فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَا أُخْفِيَ لَهُمْ مِنْ قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ }

(Ma oga Naf waxa loo qariyay kuwaas oo indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis). nusuustan faraha badan iyo kuwo kale si fiican ayay u qeexeen iimaanka dhabta ah waxa uu yahay, qofka u malaynaya inuu iimaan haysto ha u noqdo nusuustan.

Fasirka xadiiska dumarka caqliyarida iyo diin yarida ku tilmaamay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More