Qofka markuu dhib galo kaliya cibaadada ku dadaalo

Su’aasha:

Asc Daruur.com. waxa jirta arrin aan layaabay oo naftayda kusugan! Hadii ay dhibaato ilasoo daristo ama mushkiladi isoo foodsaarto oo aan dareemo murug, walwel iyo walaac ilaahay ayaan isku xidhaa, salaaddaydu qushuuc ayay leedahay inbadan ayaan ducaystaa, qur,aanka ayaan aad u akhristaaa, sadaqada ayaan labaxaa, noloshu macno badan ayay ii samaysaa. Hadaba marka dhibkii aan kujiray ilaahay iga dulqaado ninkiiba ma ihi, qur,aan akhriskaygu hoos ayuu udhacaa, sidoo kale ducaydii, salaaddaydu sidii hore uma khusuuc badna waxaana dhacda in gaabis badani igu yimaaado! Waxaan is waydiiyay sababta sidani ay udhacayso . Arrintaa talo igasiiya walaal

Qofka markuu dhib galo kaliya cibaadada ku dadaalo
Qofka markuu dhib galo kaliya cibaadada ku dadaalo

Jawaabta:

Arrinta aad sheegtay waa sifada dadka badankooda ay ku sifaysan yihiin quraankana in badan tilaamay aayadahaas waxaa ka mid ah oraahda Alle:

(وَإِذَا أَنْعَمْنَا عَلَى الْإِنسَانِ أَعْرَضَ وَنَأَىٰ بِجَانِبِهِ وَإِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ فَذُو دُعَاءٍ عَرِيضٍ) ‎

(Markaan u nicmeyno aadanaha wuu jeedsadaa oo is dadbaa (daacadduu ka tagaa) markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa isagoo baryo badan).

wuxuu leeyahay Alle asoo tilmaamaya dabciga aadanaha:

 

(وَإِذَا مَسَّ الإِنْسَانَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُ نِعْمَةً مِنْهُ نَسِيَ مَا كَانَ يَدْعُو إِلَيْهِ مِنْ قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَنْدَادًا لِيُضِلَّ عَنْ سَبِيلِهِ)

 

(Markuu aadanaha taabto dhib wuxuu baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga baadiyeeyo (kaasi) jidka Eebe,)

wuxuu leeyahay:

(وَإِذَا مَسَّ النَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا رَبَّهُمْ مُنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا أَذَاقَهُمْ مِنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِنْهُمْ بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ)

(hadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood.)
wuxuu leeyahay (SW):

(وَإِذَا مَسَّكُمُ الضُّرُّ فِي الْبَحْرِ ضَلَّ مَنْ تَدْعُونَ إِلَّا إِيَّاهُ فَلَمَّا نَجَّاكُمْ إِلَى الْبَرِّ أَعْرَضْتُمْ وَكَانَ الْإِنْسَانُ كَفُورًا)

(markuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebe mooyee, markuu idiin soo koriyo Barrigana waad jeedsataan aadanahana waa Gaalnimo badane)
Wuxuu leeyahay (SW):

(وَإِذَا مَسَّ الإِنْسَانَ الضُّرُّ دَعَانَا لِجَنْبِهِ أَوْ قَاعِدًا أَوْ قَائِمًا فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُ ضُرَّهُ مَرَّ كَأَن لَّمْ يَدْعُنَا إِلَى ضُرٍّ مَّسَّهُ كَذَلِكَ زُيِّنَ لِلْمُسْرِفِينَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ)

(Markuu Taabto aadanaha dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Na baryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qurxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen)
Wuxuu leeyahay:

 

(قُلْ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ تَدْعُونَهُ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً لَّئِنْ أَنجَانَا مِنْ هَذِهِ لَنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ)

(Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo Badda ood u Baridaan Isdullayn iyo Qarsoodi, Idinkoo dhihi Hadduu naga koriyo Tan waxaan ka mid Noqonaynaa kuwa Mahadiya)
wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(مَنْ سَرَّهُ أَنْ يَسْتَجِيبَ اللهُ لَهُ عِنْدَ الشَّدَائِدِ وَالكَرْبِ، فَلْيُكْثِر الدُّعَاءَ فِي الرَّخَاءِ)

 

(Qofkii ay faraxadgalinayso inuu Alle ka ajiibo xilliga dhibaatada iyo kurbada ha badiyo ducada xilliga barwaaqada)

Wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(تَعرَّفْ إلى اللهِ في الرخاءِ يعرفُك في الشدَّةِ)

(garo Alle waqtiga barwaaqada wuxuu u garanayaa waqtiga dhibaatada).

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(مَنْ سَرَّهُ أَنْ يَسْتَجِيبَ اللهُ لَهُ عِنْدَ الشَّدَائِدِ وَالكَرْبِ، فَلْيُكْثِر الدُّعَاءَ فِي الرَّخَاءِ)

 

(Qofkii ay farxadgalinayso inuu Alle ka ajiibo xilliga dhibaatada iyo kurbada ha badiyo ducada xilliga barwaaqada)

Marka qofka muslinka waxaa laga rabaa mar walba inuu Ilaahay ku xirnaado oo xusuustiisu ay badnaato, dhib ma laha mararka qaar inuu qofka camal badan la imaan waayo, waxaa shardi ah waajibaadka ku saaran inaad ka soo baxdo wixii sunna ahna haddaad la imaanayso inaad daa’imto xataa hadday yar yihiin mana aha inaad iska badiso maxaayeelay taas waxay kuu keeni kartaa inaad gabi ahaanba ka tagto.

Marka naftaada dib ugu laabo amuuraha siday u kula mudan yihiin u kala hormari.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More