Abaalka dadka dhulka fasahaadiya iyo kuwa musuqmaasuqa ku dhaqma

Fasahaadka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha halleeya umadaha, fasahaadka waxaa soo gala waxyaalo badan waxaa ka mid ah musuqmaasuqa, khiyaanada, xumaanta, fisqiga, qisha, beenta, dhamaan waxay ka mid yihiin qalabka dhulka lagu fasahaadiyo.

Abaalka dadka dhulka fasahaadiya iyo kuwa musuqmaasuqa ku dhaqma
Abaalka dadka dhulka fasahaadiya iyo kuwa musuqmaasuqa ku dhaqma

Diinta Islaamka dadka dhulka fasahaadiya digniin culus ayay u jeedisay, nusuus badan ayaa kusoo arooraty abaalka ay heli doonaan dadkaas, nusuustaas waxay isugu jiraan axaadiis iyo aahayado;

wuxuu yiri Alle:

{وَلاَ تُفْسِدُوا فِي الأَرْضِ بَعْدَ إِصْلاحِهَا}

(Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyay kadib), wuxuu leeyahaya Alle:

{إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَادًا أَنْ يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُمْ مِنْ خِلافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ}

(Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo Rasuulkiisa oo la Socda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la Waro, ama loo gooyo Gacmahooda iyo Lugabooda Isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna waa inay Mudan yihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna), wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ}

(Hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jecla Fasaadiyaashee), wuxuu leeyahay rasuulka:

(خيركُم منْ يرُجى خيرُه ، ويؤمنُ شرُّهُ ، وشرُّكم من لا يُرجى خيرُهُ ، ولا يؤمنُ شرُّهُ)

(Kiina ugu khayrka badan waa kan khayrkiisa la rajeeyo shartiisana laga nabadgalo, kiina ugu sharta badan waa kan khayrkiisa aan la rajeynin shartiisana aan laga nabadgalin).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَالْعَصْرِ * إِنَّ الْإِنْسَانَ لَفِي خُسْرٍ * إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ} .

(Waxaan ku dhaartay waqtiga casarka ah * In Dadku khasaaro ku sugun yahay * Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee Camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna dardaarma Samirka).

Waxaa ka mid ah sidoo kale: dhibka in loo geysto waddooyinka, waa dambi weyn, wuxuu leeyahay rasuulka:

(لاَ ضَررَ ، وَلاَ ضِرَار )

(dhib jiro isdhibna ma jiro), wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَنْ آذَى الْمُسْلِمِينَ فِي طُرُقِهِمْ ، وَجَبَتْ عَلَيْهِ لَعْنَتُهُمْ)

(Qofkii ku dhibo muslimiinta jidkooda lacnadooda ayaa ku dhacayso).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(إِنَّ أَبْغَضَكُمْ إِلَيَّ المَشَّاؤُونَ بِالنَّمِيمَةِ المُفَرِّقُونَ بَيْنَ الأَحِبَّةِ المُلْتَمِسُونَ لِلْبُرّاءِ العَنَتَ)

(Kuwiina loogu neceb yahay xagayga waa kuwa isku dirka wada oo kala geeya dadka isjecel dadka bariga ahna dhib u raadiya).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا}

(Qofkii ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol ciriiri ah).

Waxaa ka mid ah: ayaandarrada maalinta qiyaame, wuxuu leeyahay Alle:

{إِنَّ الَّذِينَ يَأْكُلُونَ أَمْوَالَ الْيَتَامَى ظُلْمًا إِنَّمَا يَأْكُلُونَ فِي بُطُونِهِمْ نَارًا وَسَيَصْلَوْنَ سَعِيرًا}،

(Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonta Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali Saciiro), wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَن أخذَ مِنَ الأرضِ شَيئًا بِغيرِ حَقّهِ خُسِفَ به يومَ القيامةِ إلى سبعِ أرضينَ) ..

(Qofkii dhul si xaqdarro wax uga qaata waxaa lala goynayaa ilaa maalinta qiyaame toddoba dhul).

Wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الْأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ}

(Hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jecla Fasaadiyaashee)

Wuxuu leeyahay Alle asoo kazoo guurinaya sayidkeena Muuse asoo la hadlaya walaalkiisa Haaruun (nabadgalyo korkooda ha ahaatee):

{وَأَصْلِحْ وَلَا تَتَّبِعْ سَبِيلَ الْمُفْسِدِينَ}،

(Wanaaji hana raacin Jidka Mufsidiinta)
Wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَلا تَعْثَوْا فِي الأرْضِ مُفْسِدِينَ}،

(hana xumaynina dhulka idinkoo fasaadinaya)
Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(فَأَمَّا مَن ابْتَغَى وَجْهَ اللَّهِ، وَأَطَاعَ الْإِمَامَ، وَأَنْفَقَ الْكَرِيمَةَ، وَيَاسَرَ الشَّرِيكَ، وَاجْتَنَبَ الْفَسَادَ، فَإِنَّ نَوْمَهُ وَنُبْهَهُ أَجْرٌ كُلُّهُ)

(qofkii Alle wejigiisa doona oo adeeca imaamka, oo bixiya hanti wanaagsan wadaagahana si fudud kula dhaqma kana fogaada fasahaadka hurdadiisa iyo soo jeedkiisa dhamaan waa ajir)

Wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee):

(لعنةُ اللهِ على الرّاشِي والمُرْتَشِي)،

(Lacnadda Alle ha ku dhacdo kan laaluushka bixiya iyo kan qaata) wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee):

(إِنَّ رِجَالًا يَتَخَوَّضُونَ فِي مَالِ اللَّهِ بِغَيْرِ حَقٍّ ، فَلَهُمُ النَّارُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)،

(Niman ugu dhex tiinbada hantida Alle si xaqdarro ah naar ayaa u sugnaatay) wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee):

(لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ لَحْمٌ نَبَتَ مِنْ سُحْتٍ، النَّارُ أَوْلَى بِهِ)،

(Jannada ma galo hilib booli ka dhashay, naarta ayaa ku habboon)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ}

(Eebana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna Eebe waa arkaa)
Wuxuu leeyahay (caza wa jalla):

{إنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا}

(Eebana wuxuu u Yahay Korkiina Ilaaliye)
wuxuu leeyahay Alle (SW):

{أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ}.

(Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada).)

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{فَلَوْلا كَانَ مِنَ الْقُرُونِ مِن قَبْلِكُمْ أُوْلُوا بَقِيَّةٍ يَنْهَوْنَ عَنِ الْفَسَادِ فِي الأَرْضِ إلَّا قَلِيلًا مِّمَّنْ أَنجَيْنَا مِنْهُمْ} ،

(maxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.)
Wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَمَا كَانَ رَبُّكَ لِيُهْلِكَ القُرَى بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا مُصْلِحُونَ}.

(Eebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax wanaajin.)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More