Suuratu Yaasiin waxtarka ay leedahay marka al akhristo

Suuratu Yaasiin waxtarka ay leedahay marka al akhristo

Suurada Yaasiin waa suurad maki ah waxay ka hadashaa waxyaalaha ay ka hadlaan suuradaha Maka kusoo degay, qofka akhrista yaasiin wax badan ayuu ka faa’ideysanaa, culimada qaar tajribo waxay ku ogaadeen in suuradda yaasiin ay faa’idooyinkan leedahay:

Suuratu Yaasiin waxtarka ay leedahay marka al akhristo
Suuratu Yaasiin waxtarka ay leedahay marka al akhristo

Qofka qalbigiisa waxay ka saartaa cabsida iyo walwalka
Ilmaha yaryar marka lagu akhriyo deganaan iyo hurdo ayay siisaa
Qofka waxay u dhoweysaa daacada Alle (SW)
Dadka niyadjabka hayo waxay siisaa qaboobanaan.
Guriga lagu akhriyo khayr kama dhamaado
Suurada yasin qofka waxay ka feydaa kurbada wuxuu dareemayaa amaan iyo nabadgalyo xagga qalbiga, sidoo kale qofka sixirka hayo marka lagu akhriyo daawo ayay u tahay.

Xadiis ayaa kusoo arooray yaasin in lagu akhrinayo qofka dhimanayo xadiiskaas ruwaat kala duwan ayaa wariyay qaar waa daciif qaarna waa saxiix, waxaa jira mid uu wariyay Safaariini oo uu ku wariyay kitaabkiisa sharx kitaab alshihaab wuxuuna ka wariyay Macqil bin Yasaar (RC) in uu yiri nabiga (SCW):

(اقرؤوا يس على موتاكُم)  التخربج هنا

(Ku akhriya Yaasiin kuwiina meydka ah)

Muslimiinta aad bay ugu dadaalaan akhriska yaasin dadka qaar meel bay ku qoraan waxaa ka mid ah fartan aan u jeedno. Farta qurxoon waxay ka mid tahay waxyaalaha aadka loo xiiseeyo.
qoraalka marka far qurux badan lagu qoro si fiican ayuu dadka usoo jiitaa.
Dadka aad bay ugu kala duwan yihiin quruxda farta.

Suuratu Yaasiin khad qurxoon ku qoran
Suuratu Yaasiin khad qurxoon ku qoran

Qofkan eeg siduu qalin caadi ah ugu qoray suuratu Yaasiin wuxuu u qoray sida uu musxafka u qoran yahay si la mid ah, taas waxay tilmaamaysaa dadka inay Yaasiin aad u akhristaan.

 

Nabiga Csw gargaar mala weydiisan karaa maxaase dhacaya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More