Toobidda ama xijaamada maxay jirka u tartaa Cupping for the body

Su’aasha:

Asc d.m walaha qaaliga ah waxa aan rabay sharaxaad in la iga siiyo dawadii rasuulkeena scw ina baray ee toobniinka faaiidada ay leedahay xanunada ay dawada ka tahay se isha iyo sixirka wax ma ka tartaa mhdsndiiin.

Toobidda ama xijaamada maxay jirka u tartaa
Toobidda ama xijaamada maxay jirka u tartaa

Jawaabta:

Toobidda waa nooc ka mid ah daawada waxaana la sameyn jiray waagii hore ilaa iyo haddana waa laysku daaweeyaa, waxayna u kala baxdaa labo qeybood toobid qalallan iyo toobid qoyan midda qalaylka ah waa toobitaanka aan dhiig wadanin, tan qoyanna waa midda dhiig la socdo oo jirka la sarsaro.
Toobitaanka ama xijaamada waxaa lagu daaweeyaa cudurro badan waxaa ka mid ah jirrooyinka difaaca jirka sidoo kale dadka maskaxda ka daciifo ama dadka jirka xanuunka aan ka bixin ama dadka caajiska hayo, sidoo kale jirka waxay ka sifeysaa sunta soo gali karta guud ahaan xijaamada waa daawo fiican, laakin waxaa shardi ah qofka sameynaya waa inuu qibrad ballaaran u leeyahay sidoo kale qalabka uu adeegsanayo waa inuu ahaadaa qalab nadiif ah oo munaasib ah.
Diin ahaan axaadiis ayaa kusoo aroortay inay daawo tahay qaar waxay sheegeen inuu nabiga (SCW) isaga laftiisa is toobay qaar kalana way amaaneen xijaamada, waxaa ka mid axaadiista tilmaantay xadiiska Abuu Hureyra (RC) uu ka wariyay nabiga (SCW) inuu yiri:

(إن كان في شيء مما تداوون به خير فالحجامة)

(Haddii wixii aad isku daaweynaysaan uu khayr ku jiro waa toobidda).

 

الحجامة ومن يعمل بها الحجَّام، هي العلاج عن طريق مص وتسريب الدم عن طريق استعمال الكؤوس.

ويكون بطريقتين : الحجامة الرطبة والحجامة الجافة. وهي طريقة طبية قديمة كانت تستخدم لعلاج كثير من الأمراض.

علميًا، انتُقدت الحجامة بكونها علمًا زائفًا وممارستها دجل.

على الرغم من الادعاءت بمساهمتها في علاج بعض الحالات كارتفاع الحرارة،

وألم أسفل الظهر المزمن، والشهية الضعيفة، وضعف الهضم، وارتفاع ضغط الدم، والأنيميا، المصدر

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More