Fasirka riyada jaridda cirrada ama timaha cad

Su’aasha:

Asc wllo

Asc xalay waxan ku riiyooday anoo Abahay la jooga kana jaraya Ciro timaha oo korkiisa ku yaalo marka maxay noqon karta asagana wuxuu leeyahay iga dhaaf ha iga jarin. Waad mahadsan tahay si deg deg iga soo jawab wallo hadad awooda.

Fasirka riyada jaridda cirrada ama timaha cad
Fasirka riyada jaridda cirrada ama timaha cad

Jawaabta:

Timaha cad riyada marka lagu arko waxaa lagu fasiraa haybad iyo qiime qofku leeyahay, marka riyada waxay tilmaamaysaa inaad samaynayso falal aan aabbahaaga raalli ka ahayn oo qiimaha familka hoos u dhigaya, ama wanaag aabahaaga leeyahay ayaad ka qaadi rabtaa.

Cirrada waxyaabo badan ayaa lagu fasiraa laakin riyadan qaabka ay u socoto waa sida aan kuu soo sheegnay.

Ibnu Siiriin asoo ka hadlaya fasirka timaha cad marka lagu riyoodo wuxuu yiri:

(من رأى في المنام أن شعره أبيض وكان كبيرا في السن فهذا يدل على الاحترام والوقار والمكانة المميزة بين الناس)

(Qofkii hurdada ku arko asoo timihiisa cad ah oona ah qof da’ weyn taas waxay tusinaysaa tixgalin iyo weyni iyo heerka uu dadka dhexdooda ka taagan yahay)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More