Sedex malyan xasano sida quraanka looga helo

Sedex malyan xasano sida quraanka looga helo

Sida la og yahay kitaabka quraanka waa kitaabka ugu dambeeyay Alle SW soo dejiyo.

Quraanka wuxuu wataa wax badan oo faa’ido aan lasoo koobi karin.

Asoo ah kitaab shareeco xambaarsan hadana waa kitaab cibaado  oo daawo laga helo.

Qofka markuu ku dadaalo wax badan ayuu garaa.

Sedex malyan xasano sida quraanka looga helo
Sedex malyan xasano sida quraanka looga helo

Ma ogtahay akhrinta juzka qur’aanka kariimka ah in ay ka dhalanayso ku dhawaad ​​120,000 oo xasano, tobanka juzna ay yihiin malyan iyo wax ka badan, khitmadiisana ay tahay saddex milyan oo xasano, ma ogtahay in aad ku hesho ajar weyn uma baahnid wax ka badan 30 daqiiqo maalin kasta…, Ilaahay ha nagu hanuuniyo inaad akhrido kitaabkiisa ajirkiisana inaan helno.

هل تعلم أن قراءة الجزء الواحد من القرآن الكريم تنال به 120 ألف حسنة تقريبا، والعشرة أجزاء مليون حسنة وزيادة، والختمة ثلاثة ملايين حسنة، هل تعلم أنك لتحصل على هذا الأجر العظيم لا تحتاج يوميا لأكثر من 30 دقيقة…، وفقنا إياكم لتلاوة كتابه، وتحصيل ثوابه.

Did you know that reading one part of the Holy Qur’an results in approximately 120,000 good deeds, and ten parts are a million good deeds and more, and the end is three million good deeds? Did you know that to obtain this great reward you do not need more than 30 minutes daily. May God guide us to read his book and receive his reward.

 

Alle (SW) wuxuu yiri:

(إِنَّ هَٰذَا  الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا)

(Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn). 

Wuxuu yiri Alle:

(وَنُنَزِّلُ مِنَ  الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا)

(Waxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn).

(إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ  كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ  *  لِيُوَفِّيَهُمْ أُجُورَهُمْ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضْلِهِ ۚ إِنَّهُ غَفُورٌ شَكُورٌ) ‎

(Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. * Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane).

Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yiri:

(منْ قرأَ حرفًا من  كتابِ اللهِ فله به حسنةٌ ، والحسنةُ بعشرِ أمثالِها لا أقولُ آلم حرفٌ ، ولَكِن ألِفٌ حرفٌ، ولامٌ حرفٌ، وميمٌ حرفٌ)

 

 

(Qofkii xaraf ka akhriyo kitaabkii Ilaahay waxaa ugu sugnaatay xasano, xasanadana toban la mid ah ayay u dhigantaa, ma oranayo Alif laam miim waa xaraf , laakinse alifka waa xaraf laamkana waa xaraf miimkana waa xaraf)  xadiiska Tirmithi ayaa wariyay.

Wuxuu kaloo yiri (SCW):

(اقْرَؤُوا  القُرْآنَ فإنَّه يَأْتي يَومَ القِيامَةِ شَفِيعًا لأَصْحابِهِ)

(Akhriya Quraanka wuxuu imaanaya maalinta qiyaamaha asoo u shafeecaya dadkiisa) xadiiska Muslin ayaa wariyay

Wuxuu kaloo yiri (SCW):

(يقالُ لصاحِبِ القرآنِ اقرَأ وارقَ ورتِّل كما كُنتَ ترتِّلُ في الدُّنيا فإنَّ منزلتَكَ عندَ آخرِ آيةٍ تقرؤُها)

(Qofka Quraanka yaqaana waxaa lagu dhahaa akhri oo fuul oo tartiil ku akhri sidaad adduunka tartiil ugu akhrin jirtay darajadaada waxay gaaraysaa darajada aayadda ugu dambeyso aad akhrinayso) xadiiska imaam Axmed iyo qaar ka mid sunanka ayaa soo saaray.

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

(الماهِرُ بالقرآنِ مع السفرَةِ الكرامِ البرَرَةِ ، والذي يقرؤُهُ ويتَعْتَعُ فيهِ وهو عليه شاقٌّ لَهُ أجرانِ)

(Qofka taf ku ah quraanka wuxuu la jirayaa malaa’igta sharafta badan, qofka akhrinaya asoo gagafaya oo dhib kala kulmaya labo ajir ayuu leeyahay).

Marka sedex malyan xasano wa yar ma aha qofka markuu dhamaan akhriyo, sedex malyan xasano wax badan ayaad ku helaysaa aakhiro, dambi badan ayaa lagaaga tirtirayaa.

Sedex malyan xasano  waxaa ku helaysaa fadliga Alle haddii aad quraanka akhriso.

 

Fadliga Akhriska Quraanka Kariimka Laga Helo Adduun Iyo Aakhiro

 

Fadliga akhriska quraanka axaadiista ugu muhiimsan kusoo aroortay

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More