Fadliga soonka uu leeyahay iyo ceddeynta xadiiska من صام رمضان

Fadliga soonka uu leeyahay iyo ceddeynta xadiiska من صام رمضان

Soonka wuxuu ka mid yahay camalka niyadda laga qabto, qofka marka uu sooman yahay lama ogaan karo inuu si dhab u sooman yahay, kaliya waxaa daalacanaya Allaha abuuray, maxaayeelay qofka asoon loo jeedin ayuu cunto cuni karaa ama wuxuu cabbi karaa biyo, laakin qofka marka uu dar Alle u soomo taas waxay ka dhigan tahay inuu kasoo baxay waajib aad u weyn oo nafta aadanaha ku culus.

Sidaa awgeed xadiiska rasuulka (SCW) wuxuu leeyahay:

(مَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا ، غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ)

(Qofkii u soomo Ramadaan iimaan iyo ajar raadis waxaa loo dhaafayaa wixii hormaray dambigiisa)

Fadliga soonka uu leeyahay
Fadliga soonka uu leeyahay

Soonka marka uu yahay dar Alle wuxuu sabab u noqonayaa dambiyadaada hore in lagu dhaafo sidoo kale in lagu waafajiyo daacada Alle msutaqbalka.

wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كلُّ عملِ ابنِ آدمَ يُضاعفُ، الحسنةُ بعشرِ أمثالِها، إِلَى سَبْعِمائةِ ضِعفٍ، قال اللهُ تعالى: إِلَّا الصَّوْمَ؛ فإنَّه لِي، وَأَنَا أَجْزِي بِهِ، يَدَعُ شَهْوَتَهُ وَطَعَامَهُ مِنْ أَجْلِي)،

(Camal kaste u sugan aadanaha waa la laballaabayaa xasanada toban la mid ah ayay u dhigantaa ilaa toddobo boqob laballaab, wuxuu yiri Allaha sarreeya: soonka mooyee; anaa iska leh anigaana ka abaalmarinaya, qofka dartayda ayuu uga tagayaa shahwadiisa iyo cuntadiisa),
Sidoo kale soonka wuxuu qofka baraa sabarka, wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(صَوْمُ شَهْرِ الصَّبْرِ وَثَلَاثَةِ أَيَّامٍ مِنْ كُلِّ شَهْرٍ صَوْمُ الدَّهْرِ)

(soonka bisha sabarka iyo seddex maalbood laga soomo bil kaste waa soonka daharka (waqtiga))

 

Maalin ramadaan qofka soonka si kutalogal gal ah u jabiya

 

Soonka qofka janaabada qabo halkan ka daawo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More