Timaha cuncunaayo waxa keeno iyo daawada

Timaha cuncunaayo waxa keeno iyo daawada

Su’aasha:

Wll wnku salamay waxaa aad ii cun cuna timaha salkooda marka maxaa keena timaha salkooda inay cun cunaan ma jirtaa dawo ama saliid cun cunkaasi baa bi ineyso ta kale timaha waan dhaqaa markasta lkn waana jara marka maxaa arintan keeni karaa ileedahay sxb.

Timaha cuncunaayo waxa keeno iyo daawada
Timaha cuncunaayo waxa keeno iyo daawada

Jawaabta:

Cuncunka timaha wuxuu ka imaanayaa maqaarka madaxa, taasna sababo badan ayaa keeni kara waxaa ka mid ah xasaasiyad ka dhalan karta shaambooyinka qaar, ama in maqaarkaas jirro ku dhacdo sida fin ama nabar inuu kasoo baxo, waxaa kaloo keeni kara qofka inay ku dhacdo qorrax xooggan, taas iyadana waxay keenaysaa cuncun daran, ama qofka madaxiisa inuu aad u qalallan yahay oo saliid la’aan yahay, ama madaxa inuu u xiran yahay oo aysan hawo gaaraynin, dadka koofiyadda aan dhigin ama cimaabadda mar walba madax ugu duubnaato.

Dhamaan sababaha aan kuu soo sheegay way keeni karaan inuu madax ku cuncuno.
Daawada waxaa la xaddidi karaa marka la ogaado sababta keentay cuncunka.

Waxaa jirta shaambo loogu talaggalay jirrooyinka ku dhaca timaha waxaa ka mid ah shaambada la dhaho: Nizoral Shampoo
Sidoo kale saliid macsarada way u roon tahay iyo saliidda looska.

 

Canbaarta waxa keeno iyo daawada lagu daaweeyo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More