Sababaha janada lagu galo oo kooban

Sababaha janada lagu galo oo kooban

Marka hore waxaad ogaataa Jannada dhab ahaan in lagu galo naxariista Alle.

Camalka waa sabab kaliya, ee ha u malaynin camalaaga inuu jannada ku geynayo.

Ilaahay SW ayaa ku waanfujinaya camalka suubaan oo jannada lagu gali karo.

Markaas khaatumada ayaa laguu toosinayaa markaas ayaad galaysaa janada.

Halkaan ayaan kugu soo arooriyay sababaha janada lagu galo sabab kaste waxaa laga soo qaaday nusuusta sharciga islaamka.

Waxaad ogaataa sababta janada lagu galo kaliya camalka ma aha waxaa jiro sabao kale oo badan laakin

sababka ugu weyn waa naxariista Alle sw.

Jannada waa qaali
Jannada waa qaali

Waxaa jira xadiis saxiix ah ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu leeyahay rasuulka (scw):

سَدِّدُوا وقارِبُوا، وأَبْشِرُوا، فإنَّه لَنْ يُدْخِلَ الجَنَّةَ أحَدًا عَمَلُهُ قالوا: ولا أنْتَ؟ يا رَسولَ اللهِ، قالَ: ولا أنا، إلَّا أنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ منه برَحْمَةٍ، واعْلَمُوا أنَّ أحَبَّ العَمَلِ إلى اللهِ أدْوَمُهُ وإنْ قَلَّ.

Is toosiya oo dhexdhexeysta oo bishaaraysta qof ma jiro camalkiisa janada galin karo, waxay dhaheen xataa adigaa? rasuulkii Allow wuxuu yiri: xataa aniga haddii Alle naxariistiisa igu daboolo mooyee ogaada camalka Alle loogu jecel yahay waa midka si joogto ah loo qabto xataa ahdduu yar yahay.
Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim

Sababaha janada lagu galo oo kooban
Sababaha janada lagu galo oo kooban

– Sababaha Janada Lagu Galo

– 1 – . Inaad ilaahay Dartii wax usamayso .

أن تعمل لله
– 2 – . Inaad ilaahay Dartii wax ubixiso.

أن تنفق لله

– 3 – . Akhlaaqda wanaagsan.

الأخلاق الفاضلة

– 4 – . Dadka oo loo samo Falo.

الإحسان إلى الناس
– 5 – . Dhib oo wadada Laga Fogeeyo.

إماطة الأذى عن الطريق

– 6 – . Ilaahay Dartii oo La isku jeclaado.

الحب في الله

– 7 – . Xishoodka.

الحياء

– 8 – . ilaahay oo in Badan La Xuso.

ذكر الله كثيرا

– 9 – . Alle Dariska oo loo sama Falo.

فعل الخير الله لإجل الله
– 10 – . Nimcooyinka ilahay ku siiyay oo luugu mahad naqo.

الشكر على النعم التي من الله بها

– 11 – . Salaada oo La badiyo.

كثرة الصلاة

– 12 – . Ilaaahay Dartii oo dhulka La isku dhigo.

التواضع لله

– 13 – . Qaraabada oo La xiriiriyo

صلة الأرحام

– 15 – . Labada waalid oo Baari loo noqdo.

بر الوالدين

– 16 – . Quraanka kariimka ah oo la aqriyo Lugana Camal Falo.

قراءة القرآن الكريم والعمل به

– 17 – . Wanaaga oo La isfaro, Xumaantana La iska reebo.

الأمر بالمعرف والنهي عن المنكر

– 18 – . Xayawaanka oo loo naxariisto.

الرفق بالحيوان
– 19 – . salaada gadaasheed oo ilaahay La xuso.

ذكر الله بعد الصلوات
– 20 – . Nabiga oo La Adeeco Amarkiisana la qaato.

طاعة رسول الله والامتثال لأمره

– 21 – . Sabirka.

الصبر

– 22 – . Runta.

الصدق

– 23 – . Shanta salaadood oo la Ilaaliyo.

المحافظة على الصلوات الخمس

– 24 – . Dadka Buka oo La booqdo.

عيادة المرضى
– 25 – . Ducada in ilaahay La baryo.

التضرع إلى الله
– 26 – . Salaanta oo La faafiyo.

إفشاء السلام

– 27 – . Quraanka oo La barto Dadkana La sii baro.

تعلم القرآن وتعليمه للناس

– 28 – . Nabiga oo Lagu saliyo

الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم

– 29 – . In La isku kaalmaysto wanaaga iyo Alle Ka cabsiga.

التعاون على البر والتقوى
– 30 – . Dadka oo Diinta ilaahay loogu Yeero.

دعوة الناس إلى دين الله تعالى

– 31 – . Ilaahay oo wax wanaagsan Laga malaysto.

حسن الظن بالله تعالى

Janada waxaa ugu fiican fardowso waa janada ugu qaalisan Ilaahay hana geeyo janadaas.

 

Salaatu leylka fadligeeda iyo faa’idada ku jiro

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More