Salaatu leylka fadligeeda iyo faa’idada ku jiro

Salaatu leylka fadligeeda iyo faa’idada ku jiro

Su’aasha:

Asc salaatu leylka qiimaheeda iyo faa’iidada ku jirto maxay tahay

Salaatu leylka fadligeeda iyo faa'idada ku jiro
Salaatu leylka fadligeeda iyo faa’idada ku jiro

Jawaabta:

Walaal salaatu laylka waxay ka mid tahay acmaasha ugu fiican oo uu sameeyo qofka muslinka, aayado iyo axaadiis badan  ayaa kusoo arooray dhamaan halkan laguma soo koobi karo, waana sunno aad loo adkeeyay, Alle aad buu uga hadlay salaaddaas. Wuxuu yiri Alle (SW):

{يَا أَيُّهَا الْمُزَّمِّلُ * قُمِ اللَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا * نِصْفَهُ أَوِ انْقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا * أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ الْقُرْآنَ تَرْتِيلًا * إِنَّا سَنُلْقِي عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا}

( kan Isduuduubayow * Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee * Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar * Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican * Annagaa Kugu Dajin Hadal Culus (wayne))

Wuxuu yiri Alle (SW):

(إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا الَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا بِهَا خَرُّوا سُجَّدًا وَسَبَّحُوا بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ * تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ)

(waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn). *  dhinacyadooda ayaa ka fogaada jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya).

Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(أَفْضَلُ الصَّلَاةِ بَعْدَ الصَّلَاةِ المَكْتُوبَةِ الصَّلَاةُ في جَوْفِ اللَّيْلِ)

(Salaadda ugu fadli badan salaadda faradka kadib waa salaadda habeenkii)

Culimada waxay sheegaan inay leedahay fadaa’il badan waxaa ugu muhiimsan:

1- Nabiga (SCW) aad buu ugu dadaali jiray ilaa ay cagihiisa ka dhadhanbalmaan, aad buu ugu dadaali jiray qiyaam laylka.
2- Salaatulaylka waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu waaweyn oo jannada lagu galo.
3- Darajooyinka qofka muslinka ayay kor u qaadaysaa markuu jannada galo
4- Alle in badan ayuu quraanka ku amaanay dadka habeenkii tukada
5- salaatulaylka waa salaadda ugu fadliga badan faradka kadiib

 

Macnaha xadiiska (qofkii saf xiriiriyo Alle ayaa xiriirinaya)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More