Riyada fure masjidka dhexdiisa laygu siinayo

Su’aasha:

waxan xalay ku riyooday anoo ku jiro masjid waxaa ii imanaya imaamka maskidka wuxuu ii dhiibaa furaha masjidka wuxuu igu dhahaa sii hay meel aan dayaa anigana jeebka ayan galinaya furaha meesha waxaa jooga cunug yar oo masjidka dhexdiisa ku cayaaraha fadlan riyadan fasirkeda muxu noqon karaa.

Riyada fure masjidka dhexdiisa laygu siinayo
Riyada fure masjidka dhexdiisa laygu siinayo

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa arrimo badan kaa xirxirnaa inay kuu furmaan, sidoo kale haddii ciriiri aad ku jirtay faraj ayaad helaysaa.

Furaha wuxuu tilmaamayaa giil iyo hormar iyo faraj, haddii aad dhib ku jirtay dhibka ayaad ka baxaysaa sidoo kale wuxuu tilmaamayaa inaad mas’uul wax ka noqon doonto oo aad guul ka keeni doonto, riyada furaha waa sidaas ilmaha caayarayana waa farxad fiican iyo barwaaqo.

sidoo kale masjidka waa meel wanaagsan oo daahir ah oo muslimiinta xarun khayr u ah waa meel Alle lagu caabudo.

Riyada guud ahaan waa guul iyo bishaaro

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More