Ninkayga naagtii uu furay ayuu wali jecel yahay mana i qiimeeyo

Ninkayga naagtii uu furay ayuu wali jecel yahay mana i qiimeeyo

Su’aasha:

Asc walal nin ayan guursaday oo naag kale qabay nagtisa markay ogatay way is dagaleen furiin ayay ka dalbatay sedex ayuu ku furay, wadaado badan ayuu weydiiyay waxaa loo shegay qofkii sedex naagta ku furo inay xaaran ka tahay ila nin kale ay ka guursato, waxayna uga digeen inay maxlal raadiso waxay u sheegeen taas inay xaaran tahay laakin isaga jeclaa wuxuu la heshiiyay nin ay qaraabo yihiin inuu mudo yar guursado kadib uu furo iyadana ma aysan ogeyn ninkii ayaa doontay oo ninkeedi hore la soo heshiyay way ogalaatay way is guursadeen laba bil maraky is qabeen ninkayga ayaa ka dalbaday inuu iska furo naagta wuxuu u sheegay inuu jecel yahay oo uu la aqalgalay diyaarna uma aha inuu furo iyada ma rabin ninkeeda hore inay u noqoto markaas ninkayga wuu xanaaqay dagaal ayuu la galay ninkii qaraabadiisa ahaa oo nagtiisa guursaday wuxuu aadaynaagtii wuxuu u sheegay in guurka uu qorshe ahaa oo isaga ka dambeeyay guurkana waxaa loogu talagalay xalaalayn isaga iyo ninkana ay ku soo heshiiyeen waxay u sheegtay inaysan shaqo ku lahayn taas mana laga yaabo inay iska furto cunug ayayna u dhashay ninkayga wali taas ayuu ka xanaaqsan yahay wuxuu dareemayaa in la siray ninka naagtiisa guursaday inuu khiyaanay markaas anoo igu soo jeestay ima rabo uurna waan u leeyahay wuxuu leeyahay ninkaas inaan ka aarsado waaye naagtaasna inaan kasoo celiyo waaye ila taliya maxaan sameeyaa.

Ninkayga naagtii uu furay ayuu wali jecel yahay mana i qiimeeyo
Ninkayga naagtii uu furay ayuu wali jecel yahay mana i qiimeeyo

Jawaabta:

Ninkaas wuxuu sameeyay qalad weyn marka hore ma ahayn inuu nin kale la heshiiyo oo naatiisa uu u xalaaleeyo waayo taas waa xaaraan, culimada qaar waxay qabaan nikaaxa maxlalka inuusan ansaxaynin.

Midda kale waxaa kugu habboon inaad gurigaaga ku dadaasho iyo caruurtaada, hadduu xaqaaga ku siinayo naagtaas isagay u taalaa wuxuu ku samaynayo waayo nin ayay leedahay oo ka difaaci karo, waxaan filayaa ma awoodo inuu soo celiyo, adiga waajibkaaga zowjiga kasoo bax ilmahaaga ku dadaal gurigaaga ilaalso marka ugu dambayso inshaa Allaah waad guulaysanaysaa.

 

Riyada islaamo suufi ah oo durbaan tumanaya

That man made a big mistake at first it was not to agree with another man and legalize it for him because that is forbidden, some scholars think the marriage of the court should not be approved.

The other is for you to strive for your house and for your children, if he gives you your right to that woman it is up to him what he will do to her because she has a husband who can defend her, I expect he is not able to restore it, you are obliged to take out your duty of the adultery out of your child and strive to protect your house in the end in the hope of Allah you will succeed.

Riyada galmada qaldan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More