Riyada anoo Ilaahay isu dhul dhigaya

Su’aasha:

Asc Allah mahadleh
Riyadani waa wiil aan saxibo nahay xagiisa

waxaan ku riyoodey anigoo socda oo magaalada ka baxaya oo illaahey la Hadlaya oo leh ilaahow nafteydaan dulmiyey adaan kuu tukan waayey adaan ku caasiyey Lakin illahow cid ma dulmin cid ma dhibaateyn dadkii wey isdulmeen sidaasaan magaalada uga baxayaa dabadeed waan daaley lug ayaa I xanuuntey dabadeed waxaa laygu idhi waa runtaa adigaba dulmigaa aadamigu isku sameynayo wuu kugu dhacay waataa Lugtu ku xanuunayso Lakin waxaanu kuugu badalney waxaan aadamaha kale lasiin.

Riyada anoo ilaahay isu dhul dhigaya
Riyada anoo ilaahay isu dhul dhigaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad Alle u dhowaan doonto oo aad noqon dooto addoon suuban waa riyo aad u wanaagsan oo tusinaysa towbad iyo cibaado suuban Ilaahay khayr badan haku siiyo riyada waa riyo aad iyo aad u qiima badan.

Riyada waxaa kaloo ay wadataa in lagaaga digayo meesha aad joogto ama dadka aad saaxiibo la tahay inay xun yihiin inaad iska ilaaliso wixii diintaada dhib u keenaya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More