Islaamka iyo himada sare

Himada sare waxay ka mid tahay waxyaalaha diinta islaamka ay ku boorrisay dadka, qof inuu meel sare ka fikiro, dadkana wax u qabto intuu aduunka joogo.

Islaamka iyo himada sare
Islaamka iyo himada sare

wuxuu leeyahay rasuuulka (SCW):

(فَإِذَا سَأَلْتُمُ اللَّهَ فَسَلُوهُ الفِرْدَوْسَ ؛ فَإِنَّهُ أَوْسَطُ الجَنَّةِ ، وَأَعْلَى الجَنَّةِ ، وَفَوْقَهُ عَرْشُ الرَّحْمَنِ ، وَمِنْهُ تَفَجَّرُ أَنْهَارُ الجَنَّةِ)

(Haddaad Alle weyddiinaysaan weyddiista Fardows, waa jannada ugu fiican uguna sarreysa waxaa korkeeda ah carshiga raxmaanka, waxaana kasoo burqada webiyada).

wuxuu leeyahay rasuulka:

(سَلُوا اللَّهَ عِلْمًا نَافِعًا ، وَتَعَوَّذُوا بِاللَّهِ مِنْ عِلْمٍ لَا يَنْفَعُ)

(Weyddiiya Alle cilmi waxtar leh, kana magangala cilmi aan waxtaraynin)

 Ducadiisa waxaa ka mid ahayd:

(اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لاَ يَنْفَعُ… )

(Ilaahayow waxaan kaa magangalayaa cilmi aan wax taraynin).

wuxuu yiri Alle:

{فَأَمَّا الزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَاءً وَأَمَّا مَا يَنفَعُ النَّاسَ فَيَمْكُثُ فِي الْأَرْضِ}

(Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka).

Wuxuu ku caddeeyay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – qiimaha himada sare oraahdiisa:

(إِنَّ اللَّهَ كَرِيمٌ يُحِبُّ الْكَرَمَ ، وَمَعَالِيَ الْأَخْلَاقِ ، وَيُبْغِضُ سَفْسَافَهَا)

(Alle waa deeqsi deeqsinimadana wuu jecel yahay iyo akhlaaqda sarsare wuxuuna nacayaa midda liidata),

Camalka suuban malagu khasaaro Alle ayaa kaa abaal marinaya aayadaha kusoo arooray iyo axaadiista aad bay u badan yihiin

wuxuu leeyahay nabigeena:

(إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ إِذَا عَمِلَ أَحَدُكُمْ عَمَلا أَنْ يُتْقِنَهُ)

(Wuxuu jecel yahay Alle midkiina hadduu camalfalo inuu sugo).

wuxuu leeyahay nabigeena:

(سَبْعٌ يَجْرِي لِلْعَبْدِ أَجْرُهُنَّ مِنْ بَعْدِ مَوْتِهِ ، وهُو فِي قَبْرِهِ : مَنْ عَلَّمَ عِلْمًا ، أَوْ كَرَى نَهْرًا ، أَوْ حَفَرَ بِئْرًا ، أَوْ غَرَسَ نَخْلا ، أَوْ بَنَى مَسْجِدًا ، أَوْ وَرَّثَ مُصْحَفًا، أَوْ تَرَكَ وَلَدًا يَسْتَغْفِرُ لَهُ بَعْدَ مَوْتِهِ)

(Toddoba ajarkooda addoonka waa u soconaa geeridiisa kaddib asoo qabrigiisa ku jira: qofkii aqoon dadka bara ama webi qoda ama waasiciya, ama ceel qoda, ama timir tilaala ama masjid dhisa ama musxaf dhaxalsiiya ama wiil u dambidhaafaya ka taga geeridiisa kaddib)

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

{أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَى * وَإِبْرَاهِيمَ الَّذِي وَفَّى * أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَى * وَأَنْ لَيْسَ لِلْإِنْسَانِ إِلَّا مَا سَعَى * وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَى * ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاءَ الْأَوْفَى}

(Miyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse) * Iyo kii (Nabi Ibraahim) ee oofiyay (wixii lafaray) * Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin * Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin * Camalkiisana la arki doono * Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More