Islaamka meesha uu geeyay aqoonta

‏‏Islaamka meesha uu geeyay aqoonta

Aqoonta ama cilmiga waa wax aad u qiima badan oo qofka kaga sarreynayo dadka aan aqoonta lahayn, markaad eegto diinta islaamka waxaad arkaysaa sida ay ugu dadaashay aqoonta, bal aayadda ugu horreysa ee quraanka kariimka nabiga (SCW) kusoo degata waxay ku boorrinaysaa qofka inuu wax akhriyo, akhriskana waa furaha aqoonta.

Islaamka meesha uu geeyay aqoonta
Islaamka meesha uu geeyay aqoonta

Nusuus fara badan ayaa kusoo aroortay aqoonta iyo qiimaha ay leedahay wuxuu yiri Alle:

}يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ وَاللهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ{

(Ilaahay wuxuu kor yeelayaa kuwa xaqa rumeeyay iyo kuwa cilmiga leh daragooyin Allana waxa aad sameynaysaan waa og yahay)

wuxuu yiri Alle:

‏‏

{قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لاَ يَعْلَمُونَ}

(Dheh nabiyow ma siman yihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwa wax aan aqoonin)

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah – subxaanau wataacaalaa- :

{اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ * خَلَقَ الإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ * اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ * الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ * عَلَّمَ الإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ}

(Wax ku akhri Nabiyow magaca rabbigaaga ee abuuray (khaliqiga) * aadanahana ka abuuray xinjir *akhri rabbigaaga waa kan sharafta leh * ee baray sida qalinka wax loogu qoro * aadanaha baray waxuuna aqoonin),

wuxuu yiri Alle:

{أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ الْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَى إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الأَلْبَابِ}

(Qof og in waxa lagaaga soo dejiyay xagga rabbigaaga uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la’, waxaa uun waanada qaata kuwa caqliga leh)

wuxuu yiri Alle:

{فَإِنَّهَا لاَ تَعْمَى الأَبْصَارُ وَلَكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ}

(Aragga ma indhabeelo laakin waxaa indhabeela quluubta ku sugan laabta)

Sidaas awgeed qur’aanka wuxuu kor u qaaday qiimaha cilmiga, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay suldaan, wuxuu yiri:

{الَّذِينَ يُجَادِلُونَ فِي آيَاتِ اللَّهِ بِغَيْرِ سُلْطَانٍ أَتَاهُمْ كَبُرَ مَقْتًا عِنْدَ اللَّهِ وَعِنْدَ الَّذِينَ آمَنُوا}

 (Kuwa ku doodaya aayaadka Ilaahay xujo u timid la’aanteed waxaa ku waynaatay cadho Alle agtiisa iyo kuwa rumeeyay)

Wuxuu caddeeyay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – heerka aqoonta iyo fadliga raadinteeda, wuxuu yiri:

 

(مَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَطْلُبُ فِيهِ عِلْمًا ، سَلَكَ اللَّهُ بِهِ طَرِيقًا مِنْ طُرُقِ الْجَنَّةِ ، وَإِنَّ الْمَلائِكَةَ لَتَضَعُ أَجْنِحَتَهَا رِضًا لِطَالِبِ الْعِلْمِ ، وَإِنَّ الْعَالِمَ لَيَسْتَغْفِرُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَوَاتِ وَمَنْ فِي الأَرْضِ ، وَالْحِيتَانُ فِي جَوْفِ الْمَاءِ ، وَإِنَّ فَضْلَ الْعَالِمِ عَلَى الْعَابِدِ  كَفَضْلِ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ عَلَى سَائِرِ الْكَوَاكِبِ ، وَإِنَّ الْعُلَمَاءَ وَرَثَةُ الأَنْبِيَاءِ، وَإِنَّ الأَنْبِيَاءَ لَمْ يُوَرِّثُوا دِينَارًا وَلا دِرْهَمًا ، وَرَّثُوا الْعِلْمَ ، فَمَنْ أَخَذَهُ أَخَذَ بِحَظٍّ وَافِرٍ)

(Qofkii qaado jid uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay wuxuu galinayaa jid ka mid ah jidadka jannada, malaa’igta waxay u dhigayaan garbahooda qofka cilmiga raadinaya iyagoo raalli ka ah, siduu uga fadli badan yahay caalimka caabidka waa sida uu uga fadli badan yahay dayaxa habeenka uu dhammeystiran yahay xiddigaha oo kale, culimada waa kuwa dhaxalo anbiyada, anbiyada ma aysan dhaxalsiinin Diinaar ama Dirham waxay dhaxalsiiyeen aqoon, qofka qaato wuxuu qaatay sed badan).

Wuxuu leeyahay Imaam Cali –Ilaahay raalli haka noqdee-:

(العِلْمُ خَيْرٌ مِنَ المَالِ ؛ العِلْمُ يَحْرُسُكَ وَأَنْتَ تَحْرُسُ المَالَ ، وَالعِلْمُ حَاكِمٌ والمَالُ مَحْكُومٌ ، والمَالُ تُنْقِصُهُ النَّفَقَةُ، والعِلْمُ يَزْكُو بِالإِنْفَاقِ)  .

(Cilmiga wuxuu ka fiican yahay hantida, cilmiga wuu ku ilaalinayaa, hantidana adigaa ilaaliyo, cilmiga waa taliye hantidana waa loo taliyaa, hantida waxay ku naaqustaa waxbixinta, cilmigana waxbixinta ayuu ku kordhaa)

wuxuu nooga digay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee –  arrinkan oo dhan, wuxuu yiri:

(مَنْ طَلَبَ الْعِلْمَ لِيُمَارِيَ بِهِ السُّفَهَاءَ، أَوْ لِيُبَاهِيَ بِهِ الْعُلَمَاءَ، أَوْ لِيَصْرِفَ وُجُوهَ النَّاسِ إِلَيْهِ، فَهُوَ فِي النَّارِ).

(Qofkii raadiyo cilmi siduu ugula doodo caqlilaaweyaasha ama siduu ugu faano culimada ama siduu dadka isugu soo jeediyo naarta ayuu galayaa)

Sidaa awgeed wuxuu yiri sayidkeena Cumar – Ilaahay raalli haka noqdee -:

(تَعَلَّمُوا العِلْمَ ، وَتَعَلَّمُوا لَهُ السَّكِينةَ وَالوَقَارَ)

(Barta cilmiga una barta xasilloonida iyo deganaanshaha)

wuxuu leeyahay Alle – subxaanahu -:

 

{وَاتَّقُوا اللَّهَ وَيُعَلِّمُكُمُ اللَّهُ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ}

(Alle ka cabsada, Alle ayaa idin baraya, Allana waa kan og wax walba)

wuxuu leeyahay Alle markuu ka hadlayay addoonkii suubanaa suuratu Alkahf:

(فَوَجَدَا عَبْدًا مِنْ عِبَادِنَا آَتَيْنَاهُ رَحْمَةً مِنْ عِنْدِنَا وَعَلَّمْنَاهُ مِنْ لَدُنَّا عِلْمًا)

(Waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadeena oon siinay naxariis agteena ka ahaatay oo aan barnay cilmi xaggeena ka haaday), wuxuu leeyahay Alle:

(فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ وَكُلاًّ آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا)

(Waxaanna fahansiinnay sulaymaan, dhammaanna waxaan siinay xukun iyo cilmi), Wuxuu leeyahay Alle asoo ka hadlaya sayidnaa Yaxya – nabadgelyo korkiisa ha haaatee -:

(يَا يَحْيَى خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ وَآَتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيًّا * وَحَنَانًا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَاةً وَكَانَ تَقِيًّ)

(Yaxyow ku qaado kitaabka xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar * iyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade), wuxuu leeyahay Alle – subxaanahu -asoo ka hadlayo malaa’igta:

(سُبْحَانَكَ لاَ عِلْمَ لَنَا إِلاَّ مَا عَلَّمْتَنَ)

(Nasahnidaada Allow, cilmi ma lihin waxaad na barto mooyee)

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(إِنَّ الْهَدْيَ الصَّالِحَ، وَالسَّمْتَ الصَّالِحَ، وَالاقْتِصَادَ، جُزْءٌ مِنْ خَمْسَةٍ وَعِشْرِينَ جُزْءًا مِنَ النُّبُوَّةِ).

(Hanuunka suuban iyo qaabka wanaagsan iyo dhaqaalaysashada waa qeyb ka mid ah shan iyo labaatan qeybood nabinimada ka mid ah),

caalimka qofka wax weyddiinayo wuxuu u yahay dhakhtarka siduu u yahay qofka bukan, waxaa lagama maarmaan ah inuu u turo, inuu u kaxeeyo jidka toosan una caddeeyo waddada saxan

عَنْ مُعَاوِيَةَ بْنِ الحَكَمِ ، قَالَ: “بَيْنَمَا أَنَا أُصَلِّي مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذْ عَطَسَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ فَقُلْتُ : يَرْحَمُكَ اللَّهُ ، فَرَمَانِي الْقَوْمُ بِأَبْصَارِهِمْ ، فَقُلْتُ : وَاثُكْلَ أُمَّاهُ، مَا شَأْنُكُمْ تَنْظُرُونَ إِلَيَّ؟ فَجَعَلُوا يَضْرِبُونَ بِأَيْدِيهِمْ عَلَى أَفْخَاذِهِمْ فَلَمَّا رَأَيْتُهُمْ يُصْمِتُونِي سَكَتُّ، فَلَمَّا صَلَّى رَسُولُ اللَّهِ (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ)، فَبِأَبِي هُوَ وَأُمِّي ، مَا رَأَيْتُ مُعَلِّمًا قَبْلَهُ وَلا بَعْدَهُ أَحْسَنَ تَعْلِيمًا مِنْهُ ، وَاللَّهِ مَا قَهَرَنِي وَلا ضَرَبَنِي، وَلا شَتَمَنِي”.

Waxaa laga wariyay Mucaawiya bin Alxakam wuxuu yiri: “anoo la tukanaya nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – waxaa handhisay nin dadka ka tirsan waxaan dhahay: Ilaahay hakuu naxariisto, dadkii ayaa indhaha igu soo kuuray, waxaan dhahay: ba’ayeey maxaa idinku dhacay oo aad sidan igu soo fiirinaysaan? Waxay bilaabeen inay gacmahooda ku garaacaan bawdadooda, markaan arkay inay i aammusinayaan waan aammusay, markuu tukaday rasuulka Ilaahay – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – hooyadey iyo aabbahay halagu furtee, ma arkin macallin ka fiican hortiisa iyo gadaashiisaba xagga waxbaridda, wallaahi ma i dhibin mana i garaacin mana i caayin”

maxaa ka fiican markuu showqi yiri:

قُمْ للمُعَلِّمِ وَفّهِ التَّبْجِيلَ  * كَادَ المُعلمُ أن يكونَ رسُولاً

 

U istaag macallinka weyneyntiisana sii *

Macallinka wuxuu ku sigtay inuu rasuul noqdo

 

shicaarkeenana wuxuu ahaa:

نَبْنِـــي كَمَا كَانَتْ أَوَائِلُنَا * تَبْنِـــي ، وَنَفْعَلُ مِثْلَمَا فَعَلُوا

Waxaan u dhiseynaa sidey u dhisi jireen * dadkeeni hore waxaanna sameynaynaa waxay sameeyeen

sidaa awgeed waxaan u arkaynaa oraahda Alle:

(إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ)

 (Alle waxaa uun ka baqa addoomihiisa culimada)

wuxuu leeyahay Alle:

 

(أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ ثَمَرَاتٍ مُخْتَلِفًا أَلْوَانُهَا وَمِنَ الْجِبَالِ جُدَدٌ بِيضٌ وَحُمْرٌ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٌ * وَمِنَ النَّاسِ وَالدَّوَابِّ وَالأَنْعَامِ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهُ كَذَلِكَ إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ)

(Miyaadan arkayn in Alle ka soo dejiyay cirka biyo markaasna aan ku soo bixinnay miro kala duwan midabkoodu, buurahana waxaa ka mid ah waddooyin cad cad, iyo kuwo gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah * dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah midabo kala duwan saas oo kale Alle waxaa uun ka baqa addoomihiisa culimada Allanaha waa mid ciso leh oo dambidhaaf badan), wuxuu leeyahay Alle:

 (إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَاخْتِلاَفِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لآَيَاتٍ لأُولِي الأَلْبَابِ * الَّذِينَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ قِيَاماً وَقُعُوداً وَعَلَى جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ).

(Abuuridda cirirka iyo dhulka iyo is khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamooyin ayaa ugu sugan kuwa caqliga leh * ee ah kuwa ku xusa Alle taagni iyo fadhi iyo jiifba, oo ku fikira abuuridda cirirka iyo dhulka (iyagoo dhihi) rabbiyow umaadan abuurin kan  baadil (ciyaar) waad nasahan tahay ee naga kori cadaabka naarta)

(فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ)

(Ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn)

 

Forty Hadith of Al-Nawawi in one video translated to Somali

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More