Timaha jirka dumarka iyo yaraanta naasaha xiriirka ka dhexeeyo

Timaha jirka dumarka iyo yaraanta naasaha xiriirka ka dhexeeyo

Su’aasha:

sc dhib i haysto kaso ah jirkayga timo badan ayu leeyahay xaad kaliya ma aha timo badan waliba meelo aan ka xishoonayo, taas waxay ii keenya murug iyo fikir marka aan guursado ninka sideen u hortaga timaha nagaha waxan maqlay qurux ma aha naagta jirka timaha ku leh raga ma jecla waxaa kaloo i haysta naasso aad u yaryar oo xabadka ku salaaxan sida ninka midaas iyadana murug la mid ah ayay igu haystaa naaska oo sidaas ah iyo timaha jirka xiriir miyaa ka dhexeeyo,waxan idinkaga bahanahy talo fican inad i sisan oo niyada i dejisa dhibka ahystanaya iga qada.

Timaha jirka dumarka iyo yaraanta naasaha xiriirka ka dhexeeyo
Timaha jirka dumarka iyo yaraanta naasaha xiriirka ka dhexeeyo

Jawaabta:

Waxaad ogaataa marka hore dhib kaste in xal loo heli karo, laakin dabciga aadanaha ayaa ah marka uu dhib arko aad buu u qasmaa wuuna jahwareeraa.
Marka aan usoo laabano dhibka ku haysta, midka timaha iyo naasaha xiriir ayaa ka dhexeeya sida la og yahay, waxay u noqonaysaa arintaas hormoonada jirka, taasna daawo ayaa loo heli karaa, marka baaritaan fiican la sameeyo.
Waxaa kaloo lagu xallin karaa haddaadan rabin dhakhtar inaad aaddo, in timaha aad u adeegsato daawooyinka timaha suuliya , hadda wax badan ayaa la heli karaa oo timaha lagaga nadiifin karo jirka meel walba, midda naaska ku saabsan markaad guursato waa laga yaabaa naasaha inay is baddalaan, waxaa kaloo aad cuni kartaa xulbada maxaayeelay waxay leedahay waxaaylo siyaada koriinka jirka siiba naasaha dumarka, iskana yareey fikirka badan niyaddaada khayr u sheeg.

 

 

Hair removal creams
This method is completely painless and therefore preferred by many women.

It is worth noting that some types of hair removal creams may be unsafe for use in sensitive areas, so it is important to read the warnings before using them.

It is also important to follow the instructions carefully when using hair removal creams for sensitive areas, in addition to the need to stop using it if you notice the appearance of allergy symptoms, which include the following:

  • Redness in the sensitive area.

  • Swelling.

  • The appearance of a skin rash.

 

Kareemada timaha laga suuliyo

Habkani gabi ahaanba waa mid aan xanuun lahayn, sidaas darteedna ay door bidaan dumar badan.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah kiriimyada timaha lagu suulinayo laga yaabo inaysan ammaan u ahayn isticmaalka meelaha xasaasiga ah, (sida shuunka iyo kilkilaha) markaa waa muhiim inaad akhrido digniinaha kahor intaadan isticmaalin.

Waxa kale oo muhiim ah in si taxadar leh loo raaco tilmaamaha marka la isticmaalayo kiriimyada timaha kasuulinta meelaha xasaasiga ah, marka lagu daro baahida loo qabo joojinta isticmaalka haddii aad aragto calaamadaha xasaasiyadda, oo ay ku jiraan kuwan soo socda:

  1. Inay guduutaan meelaha xasaasiga ah.

  2. Bararja jirka meelaha la mariyay.

  3. Finan maqaarka kasoo baxo.

 

Waxan ahay marwo naasaha ayaa iga dhacay talo isiiya

 

You might also like
1 Comment
  1. Magaca Muxamed ayaa ugu badnaaday yurub wiilasha lagu dhalay
    Armaan says

    Wll ugu horrayn taladaa lagu siiyay ee dhinacyada badan taabatay ilaahay hakugu anfaco, midkale hadaan kuusii raaciyo sida laguu sheegayba xidhiidh wuu ka dhexeeyaa timaha iyo naasaha waayo waxa jira hormoon loo yaqaano estrogen waa hormoonka dumarka oo ka mas,uul ah waxyaabo badan oo ay kamidyihiin qaabaynta xubnaha Taranka ee dumarka, timaha kasoo baxaya meelo kala duwan oo jidhka ah iwm. Marka xaaladdaada marka la fiiriyo waxaa macquul ah inay jirto isku dheelitirnaan la aan dhanka hormoonnada ah markaa way fiicnaan lahayd inaad marto baadhitaan. Sidoo kale waxaa muhiim ah inaad naftaada dajiso oo aanad isku mashquulin waxa dhici doona mustaqbalka naftaadana ku kalsoonaw, niyad jabka iyo diiqaddu xaaladda uunbay kugusii adkaynayaan waxna kuumasoo kordhinayaan aan ka ahayn dhibaato.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More