Islaamka islaweynida meesha uu geeyay

Islaamka islaweynida meesha uu geeyay

Islaweynida waa maxay iyo kibirka, islweynida waa xaqqa in la dafiro dadkana la yaso , nusuus badan ayaa kusoo aroortay , halkan yaad ka arkaysaa qaar ka mid ah nusuustaas, Islaweynida waa wax aad u xun

Islaamka islaweynida meesha uu geeyay
Islaamka islaweynida meesha uu geeyay

Alle wuxuu kitaabkiisa kariimka ah ku yiri:

{سَأَصْرِفُ عَنْ آيَاتِيَ الَّذِينَ يَتَكَبَّرُونَ فِي الأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَإِنْ يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لا يُؤْمِنُوا بِهَا وَإِنْ يَرَوْا سَبِيلَ الرُّشْدِ لاَ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلاً وَإِنْ يَرَوْا سَبِيلَ الْغَيِّ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلاً ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِينَ}

 (Waxaan ka leexiyaa aayaadkayga kuwa isugu kibriya dhulka si xaq darro, hadday arkaan aayaad kasta ma rumeeyaan hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan waddo, hadday arkaan waddada baadidana waxay ka yeeshaan jid, waxaana ugu wacan inay beeniyeen aayaadkanaga oy ahaayeen kuwo halmaamay)

wuxuu leeyahay Alle:

{فَأَمَّا عَادٌ فَاسْتَكْبَرُوا فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَقَالُوا مَنْ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةً  أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَهُمْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُمْ قُوَّةً  وَكَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ * فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِي أَيَّامٍ نَّحِسَاتٍ لِّنُذِيقَهُمْ عَذَابَ الْخِزْيِ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَخْزَى وَهُمْ لَا يُنصَرُونَ }

(Reer Caad iyagu waxay isugu kibriyeen dhulka si xaq darro ah, waxayna dheheen yaa naga xoog badan miyeyna arag Allaha abuuray inuu ka xoog badan yahay waxayna ahaayeen kuwo aayaadkanaga inkirsan * Waxaanna ku dirnay korkooda dabayl qaylo daran toddobo maalmood oo u xun (iyaga) si aan u dhadhansiino cadaabka dulliga nolosha adduun, cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro)

wuxuu leeyahaya Alle subxaanahu:

{وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ عَتَتْ عَنْ أَمْرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِ فَحَاسَبْنَاهَا حِسَابًا شَدِيدًا وَعَذَّبْنَاهَا عَذَابًا نُّكْرًا* فَذَاقَتْ وَبَالَ أَمْرِهَا وَكَانَ عَاقِبَةُ أَمْرِهَا خُسْرًا}  

 (Maxay badan tahay magaalo ka madaxtaagtay amarka Alle iyo rusushiisa, markaas ayaan xisaabinay xisaab daran cadaab adagna cadaabnay * waxayna dhadhamisay ciribta xaalkeeda xumaantiisa, ciribteediina ku dambaysay khasaare)

wuxuu yiri Alle:

{وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلائِكَةِ اسْجُدُوا لآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلاَّ إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ}

(Xus markaan ku niri malaa’igta u sujuuda Aadam, markaasay sujnudeen Ibliis mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka mid noqday galaada).

Dadka islaweyn waxaa lagu gartaa astaamahooda xun aakhiro, sidii loogu garan jiray adduunka, wuxuu yiri Alle:

{وَنَادَى أَصْحَابُ الأَعْرَافِ رِجَالاً يَعْرِفُونَهُم بِسِيمَاهُمْ قَالُوا مَا أَغْنَى عَنكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ}

 (Waxay u dhawaaqayaan dadka Acraafku rag ay ku garan calaamaddooda, waxayna ku oran waxba idiinma tarin badnaantiina (kulankiinna) iyo waxaad isku kibrinayseen)

wuxuu yiri:

{إِنَّ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا لاَ تُفَتَّحُ لَهُمْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ وَلاَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّى يَلِجَ الْجَمَلُ فِي سَمِّ الْخِيَاطِ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُجْرِمِينَ}

(Kuwa beeniyay aayadkanaga oo iska kibriyay looma furo iridaha cirka mana galaan Janada intuu ka galo Rati irbad dulkeed saasaana ku abaalmarinaa dambiilayaasha), wuxuu yiri Alle:

{وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ تَرَى الَّذِينَ كَذَبُوا عَلَى اللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسْوَدَّةٌ أَلَيْسَ فِي جَهَنَّمَ مَثْوًى لِّلْمُتَكَبِّرِينَ}

(Maalinta qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been abuurtay Alle oo wajiyadoodu madow ah, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is kibriya), wuxuu yiri rasuulka:

(احْتَجَّتِ الجَنَّةُ والنَّارُ ، فقالتِ النَّارُ : فِيَّ الجَبَّارُونَ وَالمُتَكَبِّرُونَ ، وَقَالتِ الجَنَّةُ: فِيَّ ضُعَفَاءُ النَّاسِ وَمَسَاكِينُهُمْ ، فَقَضَى اللهُ بَيْنَهُمَا: إنَّكِ الجَنَّةُ رَحْمَتِي أرْحَمُ بِكِ مَنْ أشَاءُ ، وَإنَّكِ النَّارُ عَذَابِي أُعَذِّبُ بِكِ مَنْ أشَاءُ ، وَلِكلَيْكُمَا عَلَيَّ مِلْؤُهَا)

(Waxaa dooday jannada iyo naarta, waxay tiri naarta: waxaa igu sugan kuwa kibirka badan oo islaweyn, jannadana waxay tiri waxaa igu sugan dadka taagta daran oo masaakiinta ah, Alle ayaa kala xukumay: adiga jannada ah waxaad tahay naxariistayda qofkaan rabo ayaan ugu naxariisanayaa, adiga naarta ah waxaad tahay cadaabkayga qofkaan rabo ayaan ku cadaabayaa mid kastana waa inaan buuxiyaa), wuxuu yiri rasuulka:

(… أَلا أخْبِرُكُمْ بِأهْلِ النَّارِ؟ كُلُّ جَوَّاظٍ … مُتَكَبِّرٍ).

(… Ma idin sheegaa dadka naarta galaya? Mid kastoo calool weyn… oo islaweyni badan)

wuxuu yiri rasuulka:

( لا يَدْخُلُ الجَنَّةَ مَنْ كَانَ فِي قَلْبِهِ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ مِنْ كِبْرٍ) فَقَالَ رَجُلٌ: إنَّ الرَّجُلَ يُحِبُّ أَنْ يَكُونَ ثَوْبُهُ حَسَنًا ، وَنَعْلُهُ حَسَنةً ، فَقَالَ : (إنَّ اللهَ جَمِيلٌ يُحِبُّ الجَمَالَ ، الكِبْرُ : بَطَرُ الحَقِّ ، وَغَمْطُ النَّاسِ )

 (Jannada ma galayo qof qalbigiisa wax yar kibir ku jiro) nin ayaa yiri: qofka wuxuu jecel yahay inay maradiisa fiicnaato kabtiisana fiicnaato, wuxuu yiri: (Ilaahay waa qurux badan yahay wuuna jecel yahay quruxda, kibirka waa dafiridda xaqqa iyo yasidda dadka),

wuxuu yiri Alle:

{إِنْ فِي صُدُورِهِمْ إِلاَّ كِبْرٌ مَا هُمْ بِبَالِغِيهِ}

(Kuma jiro laabtooda waxaan kibir ahayn mana gaarayaan)

wuxuu yiri Alle:

{…. وَإِذَا قِيلَ لَهُ اتَّقِ اللَّهَ أَخَذَتْهُ الْعِزَّةُ بِالْإِثْمِ}

(…marka lagu yiraahdo ka dhawrso Alle waxaa qabata isla weyni dambi dartiis), qofka islaweyn wuxuu ku soconayaa daganaantiisa xun iyo islaweynidiisa liidato inuu diido xaqqa, uma kordhiso in xaqqa loogu yeero waxaan ahayn kibir iyo kadsoomid, naftiisa wuxuu galinayaa halaag, wuxuu yiri Alle:

{فَحَسْبُهُ جَهَنَّمُ وَلَبِئْسَ الْمِهَادُ}

(Waxaa ku filan Jahannamo iyadaana u xun gogol),

فعن إِيَاسُ بْنُ سَلَمَةَ بْنِ الْأَكْوَعِ (رضي الله عنه) ، أَنَّ أَبَاهُ حَدَّثَهُ أَنَّ رَجُلًا أَكَلَ عِنْدَ رَسُولِ اللهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) بِشِمَالِهِ ، فَقَالَ (صلى الله عليه وسلم) : (كُلْ بِيَمِينِكَ) ، قَالَ : لا أَسْتَطِيعُ ، قَالَ (صلى الله عليه وسلم) : (لا اسْتَطَعْتَ) ، مَا مَنَعَهُ إِلَّا الْكِبْرُ ، قَالَ : فَمَا رَفَعَهَا إِلَى فِيهِ).

Waxaa laga wariyay Iyaas bin Salama bin Al-akwac in abbihiisa u sheegay in nin ku cunay nabiga agtiisa gacantiisa bidix, wuxuu rasuulka yiri: (ku cun midigtaada) wuxuu yiri: ma awoodo, wuxuu yiri rasuulka: (ha awoodin kama reebin waxaan ahayn kibir), wuxuu yiri: afkiisa uma qaadin).

Ilaahay wuu raabay asoo ka hadlaya Luqmaan markuu wiilkiisa ku yiri:

{وَلا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلا تَمْشِ فِي الأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتالٍ فَخُورٍ}

(Hana ka jeedin wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Alle ma jecla mid kastoo islaweyn oo faan badan),.

wuxuu yiri Alle:

{وَلاَ تَمْشِ فِي الأْرْضِ مَرَحًا إِنَّكَ لَنْ تَخْرِقَ الأْرْضَ وَلَنْ تَبْلُغَ الْجِبَال طُولاً * كُل ذَلِكَ كَانَ سَيِّئُهُ عِنْدَ رَبِّكَ مَكْرُوهًا}.

(Hana ugu soconin dhulka kibir Illeen ma jeexi kartid dhulka kumana gaaraysid buuraha dherere * dhammaan waxaasna xumaantiisu rabbigaaga agtiisa waa lagu neceb yahay).

wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(خَرَجَ رَجُلٌ مِمَّنْ كَانَ قَبْلَكُمْ فِى حُلَّةٍ لَهُ يَخْتَالُ فِيهَا، فَأَمَرَ اللَّهُ الأَرْضَ فَأَخَذَتْهُ ، فَهُوَ يَتَجَلْجَلُ فِيهَا إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ)

 (Nin ayaa soo baxay oo ka mid ah dadkii idinka horreeyay isagoo xiran iskujoog oo uu ku faanayay, Ilaahay wuxuu amray dhulka wuuna qabtay ilaa maalinta qiyaame wuu ku socdaa),

sidey isaga weynaysiiyeen mushrikiinta inay la fariistaan dadka saboolka saxaabada ah, Salmaan iyo Suhayb iyo Bilaal iwm. – Ilaahay dhammaan raalli haka noqdee -, Mushrikiinta waxay ku dhaheen rasuulka: eryi kuwan yayna nagusoo dhiirranin, Ilaahay wuxuu soo dejiyay:

{وَلاَ تَطْرُدِ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ}

 (Hana eryin kuwa baryaya rabbigooda aroor iyo galabba iyagoo dooni wajigiisa).

wuxuu yiri Abuu Hureyra – Ilaahay raalli haka noqdee -:

(شَرُّ الطَّعَامِ طَعَامُ الْوَلِيمَةِ ، يُدْعَى لَهَا الأَغْنِيَاءُ ، وَيُتْرَكُ الْمَسَاكِينُ).

 (Waxaa ugu shar badan cuntada waliimada waxaa loo yeeraa dadka hantida leh waxaa laga tagaa dadka masaakiinta…).

, wuxuu ahaa rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – midka salaanta ku bilaabo  qof weyn iyo qof yarba waxaa kusoo arooray xadiiskan:

(أَنَّ رَسُول اللَّه (صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) مَرَّ عَلَى غِلْمَانٍ فَسَلَّمَ عَلَيْهِمْ).

(In rasuuulka Alle uu soo maray ilmo wuuna salaamay).

wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَنْ هَجَرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلاَثٍ فَهُوَ فِي النَّارِ ، إِلاَّ أَنْ يَتَدَارَكَهُ اللَّهُ بِكَرَامَتِهِ)

 (Qofkii ka hijroodo walaalkiisa wax ka badan seddex wuxuu ku sugan yahay naarta, in Alle karaamadiisa la gaaro mooyee), wuxuu yiri rasuulka:

(لاَ يَحِلُّ لِمُسْلِمٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلاَثِ لَيَالٍ ، يَلْتَقِيَانِ فَيُعْرِضُ هَذَا وَيُعْرِضُ هَذَا ، وَخَيْرُهُمَا الَّذِي يَبْدَأُ بِالسَّلاَمِ)

(Uma bannaana muslinka inuu ka hijroodo walaakiisa seddex habeenood wax ka badan, way kulmayaan kan wuu jeedsanayaa kanna wuu jeedsanayaa, waxaa ugu khayr badan midkooda salaanta bilaabaya),

wuxuu yiri Alle:

{إِنَّهُمْ كانُوا إِذا قِيلَ لَهُمْ لا إِلهَ إِلاَّ اللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ}

(Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Alle mooyee ilaah kale ma jiro kuwa iskibriya),

wuxuu yiri Alle:

{الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْرِفُونَهُ كَمَا يَعْرِفُونَ أَبْنَاءَهُمْ وَإِنَّ فَرِيقًا مِنْهُمْ لَيَكْتُمُونَ الْحَقَّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ}

(Kuwaan siinay kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan caruurtooda. koox ka mid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og),

wuxuu yiri Alle:

{أَفَكُلَّمَا جَاءَكُمْ رَسُولٌ بِمَا لاَ تَهْوَى أَنفُسُكُمُ اسْتَكْبَرْتُمْ فَفَرِيقاً كَذَّبْتُمْ وَفَرِيقاً تَقْتُلُونَ}.

(Markastoo uu idiinla yimaado rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan).

Islaweynida waxay sabab u tahay gaalnimada iyo beeninta kuwa wax beeniyay ee ummadihii hore, wuxuu yiri Alle asoo ka hadlaya Nuux – nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

{وَإِنِّي كُلَّما دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوا أَصابِعَهُمْ فِي آذانِهِمْ وَاسْتَغْشَوْا ثِيابَهُمْ وَأَصَرُّوا وَاسْتَكْبَرُوا اسْتِكْباراً}

(Markasta oo aan u yeerana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan iswenayn), wuxuu yiri Alle asoo ka hadlaya qoom Huud:

{فَأَمَّا عَادٌ فَاسْتَكْبَرُوا فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَقَالُوا مَنْ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةً}

(Reer Caad iyagu way isugu kibriyeen dhulka si xaq darro ah, waxayna dheheen yaa naga xoog badan), wuxuu yiri asoo ka hadlaya qoom Saalix:

{قَالَ الْمَلأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُواْ مِن قَوْمِهِ لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُواْ لِمَنْ آمَنَ مِنْهُمْ أَتَعْلَمُونَ أَنَّ صَالِحًا مُّرْسَلٌ مِّن رَّبِّهِ قَالُواْ إِنَّا بِمَا أُرْسِلَ بِهِ مُؤْمِنُونَ * قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُواْ إِنَّا بِالَّذِيَ آمَنتُمْ بِهِ كَافِرُونَ}

(Waxayna ku dheheen madaxdii iskibrisay oo qoomkiisa ka mid ah kuwii tabarta yaraa oo rumeeyay ma waxaad ogtihiin in saalax laga soo diray xagga Alle, waxayna dheheen Annagu waxa lalasoo diray waan rumaysan nahay * waxayna dheheen kuwii iskibriyay annagu waxaad rumeeyseen waan ka gaaloownay), wuxuu yiri asoo ka hadlaya qoom Shucayb:

(قَالَ الْمَلأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُواْ مِن قَوْمِهِ لَنُخْرِجَنَّكَ يَا شُعَيْبُ وَالَّذِينَ آمَنُواْ مَعَكَ مِن قَرْيَتِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا)

(Waxay dheheen madaxdii iskibrisay oo qoomkiisii ah waxaannu kaa bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku rumeeyay magaaladanada ama waxaad ku soo noqon diintanada)

wuxuu yiri rasuulka:

(يُحْشَرُ الْمُتَكَبِّرُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَمْثَالَ الذَّرِّ فِي صُوَرِ الرِّجَالِ ، يَغْشَاهُمُ الذُّلُّ مِنْ كُلِّ مَكَانٍ…)

(Waxaa lasoo kulminayaa kuwa islaweyn maalinta Qiyaame iyagoo la mid ah quraanshada oo leh qaab niman waxaa daboolaya dulli oo uga imaanaya meel walba), wuxuu yiri Alle:

{تِلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ}

(Taasi waa daartii Aakhiro waxaanna u yeelnay kuwaan Doonayn sarraynta (kibirka) dhulka dhexdiisa iyo fasaad, ciribta (fiicanna) waxaa leh kuwa dhawrsada)

 

Abaalka dadka dhulka fasahaadiya iyo kuwa musuqmaasuqa ku dhaqma

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More