Ku dhawaad 15-sano ayaan la daalaadhacayaa qaraw iyo jir jajab

Su’aasha:

Iga gudooma salaan la isku salaamo tan dunida guudkeeda ugu wanaagsan. Salan kadib, howsha aad dadkiina u haysaan, ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karin Allaha idinka siiyo.

Intaa kadib, waxaan ku dhawaad 15-sano la daalaadhacayaa qaraw aanan garanayn waxaan ku fasiro. Markaan habeenkii sariirta tego, waxaan ahay ruux uu xiskiisa shaqeeyo balse jismigiisa uu sariirta yaallo. Subixii waxaan soo toosaa anigoo daalan, xubnaha aanan qaadi karin, afka nab ku leh, il go’an sidii qof safar dheer soo galay oo kale, shaqada aanan niyad u hayn. Arimahaan marba waa si. Mararka qaar waxoogaa waan iska roonahay, mararka qaarna qadka ayaan ka baxaa.

Mararka qaar waxaan ku qarwaa anigoo wax dilaayo ama lay dilaayo. Dhowr jeer ayaan Quraan isa saaray, adkaartana inta badanaa waan aqristaa habeenkii, laakiin wax is bedel ah ma hayo. Marka bal waxaad igu dhaantaan oo talo, tusaale iyo cilm ah igu caawiya insha allaah. Mahadsanidiin.

Ku dhawaad 15-sano ayaan la daalaadhacayaa qaraw iyo jir jajab
Ku dhawaad 15-sano ayaan la daalaadhacayaa qaraw iyo jir jajab

Jawaabta:

Sababaha ugu muhimsan qarawga keena waa daalka daran qofka marka u si xun isu daaliyo wuxuu la kulmaa markuu hurdo qarow daran sidoo kale walwalka badan iyo fikirka joogtada ah, waxaa la rabaa marka aad sariirta gasho inaad iska joojiso fikirka aad ka fikirayso arrimaha aad soo martay ama waxa soo socda, waxaa kaloo keena qarawga qofka haddii uu soo maro arrimo xadgudub ah oo isaga lagu xadgudbay garaacid daran ama jirdil xoog leh ama arrin naxdin leh, waxaa kaloo keena qarowga qofka inuu isbaro dhafar badan iyo hurdo la’aan, waxaa kaloo keena qofka inuu daawado filimo cabsi leh ama murugo leh hurdada kahor.
Marka qofka habeenkii markuu maskax ahaan usoo jeedo wuxuu soo kacaa asoo daalan oo jirkiisa jajaban yahay.
Waxaa lagu daaweyn karaa qofka inuu ku dadaalo arrimaha aan soo sheegnay, waa inuu ka fogaadaa wixii sabab u noqon kara qarowga.
Waxaa kaloo laga rabaa qofka inuu iska ilaaliyo habeenkii shaaha ama qawxada, waxaa la rabaa inuu cabbo yansoon (Anise) sidoo kale waa inuu ku dadaalaa barbarooni iyo toon inuu ku darsado cashada uu cunayo, waxay ka mid yihiin waxyaalaha hurada degan qofka usoo jiida, waxaa ugu muhimsan inaad iska ilaaliso sababaha keena qarowga iyo wareerka hurdada.

Waxa ugu muhimsan waa adkaarta iyo quraanka iyo weysada iyo ducada, waa inaad ku dadaashaa marka aad seexanayso.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More