Riyada timo dhaadheer oo kuu soo baxay

Su’aasha:

Asc waa idin salaamay dhamaan hawl wadeenada mareegtan

Marka labaad, waxaan idinka codsanayaa inaad iisoo fasirtaan riyo aan habeen dhawayd ku riyooday, riyadaasi waxay ahayd: Waxaa iisoo baxay timo aad u dhaadheer oo aanan hore u lahaan jirin, timahaas aad ayaan ugu farxay riyada dhexdeeda waayo kolba dhinac ayaan u feedhaa oo aan u kala seexiyaa intaan galfeedh qaato. waxaanay ahaayeen timo madawo oo dhaadheer oo kuwa dumarka oo kale ah.

Riyada timo dhaadheer oo kuu soo baxay
Riyada timo dhaadheer oo kuu soo baxay

Jawaabta:

Riyada timaha aadka u dheer ee ninka waxay tilmaamayaan siyaado arsaaqda sidoo kale barako xagga cimriga iyo nimcooyin badan, timaha guud ahaan marka ay dheer yihiin waa wax fiican,  sidoo kale farxadda waxay tilmaamysaa guul iyo wanaag inaad heli doonto.

Timaha waa qurux oo  Ilaahay dadka siiyo rag iyo dumar ayay qurux u yihiin inkastoo gabdhaha ay aad u jecel yihiin hadana marka riyo lagu arko waxaa lagu fasiraa quruxdaan wax ka duwan hanti magac iyo arsaaq iyo guul, marka waa riyo fiican.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More