Aayadaha iyo axaadiista iyo gabayada qiimaha waqtiga kusoo arooray

Waqtiga wuxuu ka qaalisan yahay dahabka iyo dhaymanka, waqtiga waa nolosha, qofkii waqtigiisa iska lumiyo cimrigiisa ayuu ku khasaariyay.

Aayadaha iyo axaadiista iyo gabayada qiimaha waqtiga kusoo arooray
Aayadaha iyo axaadiista iyo gabayada qiimaha waqtiga kusoo arooray

Qofka fiirfiirya quraanka kariimka wuxuu ogaanaa inuu waqtiga aad ugu dadaalay, afar suuradood oo ka mid ah suuradaha quraanka kariimka waxaa loo bixiyay magacyada waqtiyada qaar, waa suraatu alfajr, iyo sauuratu allayl, iyo suuratu adduxaa, iyo suuratu alcasr, sidoo kale Alle (SW) wuxuu ku dhaartay waqtiyada taasoo ku soo aroortay meelo badan, wuxuu leeyahay Alle:

وَالْفَجْرِ * وَلَيَالٍ عَشْرٍ * وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ}،

(Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga * Iyo Habeennada Tobanka ah (Arrafo) * Iyo Tirada siman iyo tan is dheer)
Wuxuu leeyahay (SW):

{وَالضُّحَى * وَاللَّيْلِ إِذَا سَجَى}،

(Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka * Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado) wuxuu leeyahay (SW):

{وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَى * وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّى}

(Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo * Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto))

Waqtiga aad buu u muhiimsan yahay, qiime weyn ayuu ku leeyahay nolosha aadanaha, wuxuuna ka mid yahay nimcooyinka ugu waaweyn oo Alle (caza wa jalla) nagu galladaystay, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَسَخَّرَ لَكُمُ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ دَائِبَيْنِ وَسَخَّرَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ * وَآتَاكُمْ مِنْ كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ وَإِنْ تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لاَ تُحْصُوهَا}.

(idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta * idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaan Nicmada Eebana ma koobi Kartaan)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(اغتنِمْ خمسًا قبل خمسٍ: شبابَك قبل هَرَمِك، وصِحَّتَك قبل سَقَمِك، وغناك قبل فقرِك، وفراغَك قبل شُغلِك، وحياتَك قبل موتِك)

(shan ka faa’ideyso shan intaysan kuu imaanin: dhalinyarnimadaada duqnimadaada kahor, caafimaadkaaga jirradaada kahor, hodonnimadaada saboolnimadaada kahor, firaaqadaada mashquulkaaga kahor, noloshaada geeradaada kahor), wuxuu leeyahay Xasan Alabasri (Alle ha u naxariistee): Aadamow waxaad tahay uun maalmo maalin hadday tagto qeyb ayaa kaa tagtay.

Wuxuu yiri shaacirka waa Axmed Showqi:

دَقَّـاتُ قَلْبِ المَرْءِ قَائِلَة لَهُ * إِنَّ الحَيَاةَ دَقَائِقٌ وَثَــــوَانِ

Garaaca wadnaha qofka wuxuu ku leeyahay *
Nolosha waa daqiiqooyin iyo sikinno,

wuxuu yiri gabyaaga waa  Cubeydullaahi bin Axmed Almiikaali:

عُمرُ الفتى ذكرُهُ لا طولُ مُدّتِهِ * وَمـَوتُـهُ خِــزْيُـهُ لا يـومُــه الـدَّانِـي
فَأَحْيِ ذِكرَك بِالإِحسانِ تُودِعُهُ * تَجـمع بِـذَلِـكَ في الدُنيا حَياتانِ

Cimriga qofka waa xuskiisa ee dheeraanta muddadiisa ma aha *
Geeridiisana waa hooggiisa ee ma aha maalintiisa dhow
Xuskaaga ku nooleey wanaag aad meel dhiganayso *
Taas waxaad isugu keenaysaa adduunyada labo nolol

فقد سئل نبينا (صلى الله عليه وسلم): يا رسولَ اللَّهِ أيُّ النَّاسِ خيرٌ؟ قالَ (صلى الله عليه وسلم): (مَن طالَ عمرُهُ ، وحَسنَ عملُهُ)، قيلَ: فأيُّ النَّاسِ شرٌّ؟ قالَ : (مَن طالَ عمرُهُ وساءَ عملُهُ).

Waxaa la weyddiiyay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee): rasuulkii Allow dadka yaa ugu khayr badan? Wuxuu yiri (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee): (qofkii cimrigiisa dheeraado camalkiisana wanaagsanaado) waxaa la yiri: dadka yaa ugu shar badan, wuxuu yiri: (qofkii cimrigiisa dheeraado oo camalkiisa xumaado)

wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَى أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ * وَلَن يُؤَخِّرَ اللَّهُ نَفْسًا إِذَا جَاءَ أَجَلُهَا وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ}،

(Bixiya wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubanna aan ka mid noqdee * Naf malageed galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(نِعْمَتَانِ مَغْبُونٌ فِيهِمَا كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ الصِّحَّةُ وَالْفَرَاغُ)،

(labo nimco dad badan ayaa lagu kadiyay caafimaadka iyo faraaqada), wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لَا تَزُولُ قَدمَا عَبْدٍ يَوْمَ الْقِيَامَةِ حَتَّى يُسْأَلَ عَنْ أَرْبَعِ خِصَالٍ: عَنْ عُمُرُهِ فِيمَا أَفْنَاهُ ؟ وَعَنْ شَبَابِهِ فِيمَا أَبْلَاهُ؟ وَعَنْ مَالِهِ مِنْ أَيْنَ اكْتَسَبَهُ وَفِيمَا أَنْفَقَهُ؟ وَعَنْ عَلِمهِ مَاذَا عَمِلَ فِيهِ؟)،

(Addoonka labadiisa cagood ma suulayaan maalinta qiyaame ilaa laga weyddiiyo afar waxyaabood: cimrigiisa muxuu ku dhammeeyay? Dhalinyarnimadiisa muxuu ku baabi’iyay? hantidiisa intuu ka keenay xaggee buuna ku bixiyay? Aqoontiisa muxuu ku sameeyay?), wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(تصدَّقوا قَبْلَ أن لا تَصَدَّقوا).

(sadaqeysta intaydan laydinka rumaysanin sadaqada (inta laydinka reebin)).

wuxuu yiri gabyaaga waa  Yaxyaa bin Hubeyra Albaghdaadi:

وَالوَقْتُ أَنْفَسُ مَا عُنِيتَ بِحِفْظِهِ * وَأَرَاهُ أَسْهَلَ مَا عَلَيْكَ يَضِيعُ

Waqtiga waa kan ugu qaalisan inaad ilaaliso ay tahay *
Waxaan u arkaa inuu yahay ka ugu fudud oo kaa lumayo

 

 

Waqtiga Salaada Prayer Times In World

 

Salaada Subax Waqtiga Aan Soo Kaco Ma Dukan Karaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More