Camalka aakhiro waxtaro iyo falka qofka naarta geeyo

Aduunkan aan ku nool nahay waxaa taallo shaqo, shaqadaas ayaa natiijo ka imaanayso, natiijada waxay ku xiran tahay shaqadaas waxay ay tahay, khayr ama shar.

Camalka aakhiro waxtaro iyo falka qofka naarta geeyo
Camalka aakhiro waxtaro iyo falka qofka naarta geeyo

Cibaadada haddaysan saameynin qofka akhlaaqdiisa oo dhaqankiisana aysan toosinin wax ay u tarayso malaha adduunka, aakhirana wax miro ay leedahay ma jiraan, nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu leeyahay:

(أَتَدْرُونَ مَنِ الْمُفْلِسُ؟) قَالُوا: المُفْلِسُ فِينَا يَا رَسُولَ اللَّهِ مَنْ لَا دِرْهَمَ لَهُ وَلَا مَتَاعَ ، قَالَ (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) : (المُفْلِسُ مِنْ أُمَّتِي مَنْ يَأْتِي يَوْمَ القِيَامَةِ بِصَلَاتِهِ وَصِيَامِهِ وَزَكَاتِهِ ، وَيَأْتِي قَدْ شَتَمَ هَذَا وَقَذَفَ هَذَا، وَأَكَلَ مَالَ هَذَا، وَسَفَكَ دَمَ هَذَا، وَضَرَبَ هَذَا فَيَقْعُدُ فَيَقْتَصُّ هَذَا مِنْ حَسَنَاتِهِ ، وَهَذَا مِنْ حَسَنَاتِهِ ، فَإِنْ فَنِيَتْ حَسَنَاتُهُ قَبْلَ أَنْ يُقْتَصّ مَا عَلَيْهِ مِنَ الخَطَايَا أُخِذَ مِنْ خَطَايَاهُمْ فَطُرِحَ عَلَيْهِ ثُمَّ طُرِحَ فِي النَّارِ)

(Ma ogtihiin qofka waxba haysanin, waxay dhaheen qofka waxba haysanin rasuulkii Allow waa qofka aan lahayn lacag iyo alaab, wuxuu yiri (qofka waxba haysanin ummaddayda waa qofka la imaanayo maalinta qiyaame salaaddiisa iyo soonkiisa iyo sakadiisa, wuxuu imaanayaa asoo midkan soo caayay kanna soo qadfiyay kan hantidiisana soo cunay, kan dhiiggiisana soo daadiyay, kanna soo garaacay, wuu fariisanayaa midkan wuxuu ka goosanayaa xasanaadkiisa midkanna wuxuu ka goosanayaa xasanaadkiisa, markay xasaandkiisu dhamaadaan intaan laga goosanin wixii gafaf uu galay waxaa lasoo qaadayaa gafafkooda isaga ayaa lagu tuurayaa kaddibna naarta ayaa lagu tuurayaa).

ولما سُئل (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ): يَا رَسُولَ اللَّهِ ، إِنَّ فُلَانَةَ يُذْكَرُ مِنْ كَثْرَةِ صَلَاتِهَا ، وَصِيَامِهَا ، وَصَدَقَتِهَا ، غَيْرَ أَنَّهَا تُؤْذِي جِيرَانَهَا بِلِسَانِهَا ، قَالَ : (هِيَ فِي النَّارِ) ، قَال: يَا رَسُولَ اللَّهِ ، فَإِنَّ فُلَانَةَ يُذْكَرُ مِنْ قِلَّةِ صِيَامِهَا ، وَصَدَقَتِهَا ، وَصَلَاتِهَا ، وَإِنَّهَا تَصَدَّقُ بِالْأَثْوَارِ مِنَ الْأَقِطِ ، وَلَا تُؤْذِي جِيرَانَهَا بِلِسَانِهَا ، قَالَ : (هِيَ فِي الْجَنَّةِ).

Marka la weyddiiyay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – oo lagu yiri: rasuulkii allow heblaay waxaa laga sheegaa inay wax badan dukato wax badanna soonto wax badanna sadaqaysato laakin deriskeeda ayay afkeeda ku dhibaysaa, wuxuu yiri: (naarta ayay galaysaa) wuxuu yiri: rasuulkii allow heblaay waxaa laga sheegaa yaraanta soonkeeda iyo sadaqadeeda iyo salaaddeeda waxay sadaqaysataa caanaha eedagga, deriskeedana kuma dhibto afkeeda wuxuu yiri: (jannada ayay galaysaa).

Alle wuxuu yiri:

{لَيْسَ الْبِرَّ أَنْ تُوَلُّوا وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَلَكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ وَآتَى الْمَالَ عَلَى حُبِّهِ ذَوِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَالسَّائِلِينَ وَفِي الرِّقَابِ وَأَقَامَ الصَّلَاةَ وَآتَى الزَّكَاةَ وَالْمُوفُونَ بِعَهْدِهِمْ إِذَا عَاهَدُوا وَالصَّابِرِينَ فِي الْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ وَحِينَ الْبَأْسِ أُولَئِكَ الَّذِينَ صَدَقُوا وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُتَّقُونَ}.

(Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan qorrax ka soo bax iyo qorrax u dhac, laakin samafale waa ruuxii rummeeya Alle, iyo Qiyaame iyo malaa’igta iyo kitaabka (kutubta Alle), iyo nabiyada, oo siiya xoolaha isagoo jecel qaraabada, iyo agoonta, iyo masaakiinta, iyo musaafirka, iyo kuwa tuugsada  qoor xureyn, oogana salaadda, bixiyana zakada, oofiyana ballanqaadkooda, markay ballamaan, oo ku adkeysta  dhibka iyo rafaadka iyo waqtiga dagaalka, kuwaasina waa kuwa ka runsheegay Iimaankooda waana kuwa dhawrsada).

Shaki kama taagna salaadda inay tahay faq ka dhexeeya addoonka iyo khaaliqiisa (SW), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(قَالَ اللهُ تَعَالَى: قَسَمْتُ الصَّلاَةَ بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي نِصْفَيْنِ، وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ الْعَبْدُ: {الْحَمْدُ للهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: حَمِدَنِي عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: أَثْنَى عَلَيَّ عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ}، قَالَ: مَجَّدَنِي عَبْدِي، فَإِذَا قَالَ: {إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ}، قَالَ: هَذَا بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي، وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ: {اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ صِرَاطَ الَّذينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ}، قَالَ: هَذَا لِعَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ).

(Wuxuu yiri Allaha sarreeya: salaadda waxaan u qaybiyay labo qeyb aniga iyo addoonkayga naga dhexeeya, addoonkaygana waxaa u sugnaaday wuxuu weyddiiyo, markuu dhaho : (Mahad oo dhan waxaa iska leh Ilaahay, oo ah rabbiga uumanka), Allaha sarreeya wuxuu dhahaa: addoonkayga waa igu mahdiyay, markuu dhaho (Naxariis guud iyo mid gaarba leh), Allaha sarreeya wuxuu dhahaa addoonkayga wuu i ammaanay, markuu dhaho (Boqorka Maalinta abaalmarinta), wuxuu dhahaa: addoonkayga wuu i weyneeyay, markuu dhaho : (Adiga uun baan ku caabudaynaa, adiga uun baanna ku kaalmaysanaynaa) tan aniga iyo addoonkayga ayay naga dhexaysaa, waxaa u sugnaaday addoonkayga wuxuu weyddiisto, markuu dhaho: (Ee nagu hanuuni jidka toosan Jidka kuwa aad u nicmaysay, aan ahayn kuwa aad u carootay, iyo kuwa dhunsanba) wuxuu yiri tan addoonkaygaa iska leh waxaana u sugnaaday wuxuu weyddiisto).

wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah:

{وَاسْجُدْ وَاقْتَرِبْ}،

(sujuud oo u dhowoow),

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(عَلَيْكَ بِكَثْرَةِ السُّجُودِ، فَإِنَّكَ لا تَسْجُدُ للهِ سَجْدَةً إلا رَفَعَك اللهُ بِهَا دَرَجةً، وَ َحطَّ بِهَا عَنْكَ خَطِيئَةً).

(Waa inaad badidisaa sujuudda, sujuudda ood u sujuuddo Alle darajo ayuu kugu siinayaa gafna waa kaaga tirtirayaa)

Sidoo kale in lagu waajibiyo salaadda socdaalka micraajka waa farxadgalin nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) u sugan, markay qabsadeen dhibaatooyin daran sanadkaas oo lagu magacaabay sanadka murugta; taas waxay tilmaamaysaa salaadda inay qalbiga dejiso, laabtana farxadgaliso, ishana qaboojiso, waana gargaar ka timid xagga Alle (cazza wa jalla) waqtiga dhibaatada, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَلَقْد نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ* فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُنْ مِنَ السَّاجِدِينَ * وَاعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّى يَأْتِيَكَ اليَقِينُ}

(Waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun) * ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda * Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu)),

wuxuu leeyahay Alle (SW):

 

{وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ}،

(Kaalmaysta sabarka iyo salaadda),

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(وجُعِلَت قُرَّةُ عَيني في الصَّلاةِ)

(farxaddayda salaaddaa la dhex yeelay),

wuxuu ku dhihi jiray nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) sayidkeena Bilaal (Alle raalli haka noqdee):

(يَا بِلالُ، أَقِمِ الصَّلاةَ، أَرِحْنا بها)

(Bilaalow salaadda aqin oo noogu raaxeey)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More