Midnimada iyo diinta islaamka

Sida la og yahay awoodda waxay ku jirtaa midnimada, umad kaste markay isku xiranto ayay wax qabsan kartaa haddii umadda ay is khilaafto way tabarbeelaysaa, diinta islaamka aad ayay ugu boorrisay midnimada iyo in laysku xirnaado.

Midnimada iyo diinta islaamka
Midnimada iyo diinta islaamka

Aaayado badan ayaa lagu sheegay iyo axaadis fara badan qiimaha jamaacada iyo midnimada.

oraahda Alle:

{وَاعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ اللّهِ جَمِيعًا وَلاَ تَفَرَّقُواْ}

 (Xarigga Alle qabsada dhammaantiina hana kala tagina), wuxuu yiri Alle:

{وَأَطِيعُواْ اللّهَ وَرَسُولَهُ وَلاَ تَنَازَعُواْ فَتَفْشَلُواْ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ}،

(Adeeca Alle iyo rasuulkiisa hana murmina ood fashilantaan awooddiinana markaa ay tagto).

Aan ogaano kalayaaca iyo kalatagga inaysan ka mid ahayn diinta Ilaahay, wuxuu yiri Alle:

{إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُواْ دِينَهُمْ وَكَانُواْ شِيَعًا لَّسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ }

(Kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday kooxo, ka mid ma tahid),

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(…وَقَدْ تَرَكْتُ فِيكُمْ مَا لَمْ تَضِلُّوا إِنِ اعْتَصَمْتُمْ بِهِ ، كِتَابَ اللَّهِ ، وَأَنْتُمْ مَسْئُولُونَ عَنِّي…)

(… waxaan idin kaga tagay wax aydan ku lumaynin haddaad qabsataan, waa kitaabka Alle waana laydin weyddiin xaggayga …)

wuxuu yiri:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا}

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow adeeca Alle oo adeeca rasuulka iyo kuwa amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku dooddaan arrin u celiya Alle iyo rasuulka haddaad tihiin kuwo rumeeyay Alle iyo maalinta Dambe (qiyaamada) saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta)

wuxuu leeyahay Alle:

{فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّى يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنْفُسِهِمْ حَرَجًا مِمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا}.

)Rabbigaaga baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin naftooda dhib, waxaad xukuntay ooy hogaansamaan hogaansamid)

diintan way dhammaystiran tahay Alle kitaabkiisa kariimka ahwuxuu  ku yiri:

(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمْ الإِسْلامَ دِينًا)

(Maantaan idiin dhammeystiray diintiinna waxaanna idiin taamyeelay korkiinna nicmadayda islaamkana diin ahaan ayaan idkinkaga raalli noqday)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More