Abaalka weyn laga helo digriga ama xuska Alle

Abaalka weyn laga helo digriga ama xuska Alle

Xuska Alle ama digriga wuxuu ka mid yahay cibaadooyinka ugu qiimaha badan, qofka marka uu Alle xuso wuxuu helaa ajir badan aan lasoo koobi karin waana camal aad u fudud aan u baahnayn dadaal xoog badan.

Abaalka weyn laga helo digriga ama xuska Alle
Abaalka weyn laga helo digriga ama xuska Alle

Waxaad arkaysaa qofka maanta oo dhan inuu hadlo asoon hadalkaas ka faa’ideynin wax qiime leh haddana waxaad arkaysaa marka la dhaho Alle xus way ku adag tahay.

Xuska Alle waxaa kusoo arooray nusuus fara badan waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

Waana nusuus badan ka kooban aayado iyo axaadiis fara badan

Alle wuxuu yiri:

(الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ)

(Ee ah kuwa rumeeyay xaqa kuna xasishay quluubtoodu xuska Alle, xuska Alle ayayna ku xasishaa quluubtu)

Alle – cazza wajalla – wuxuu amray addoomihiisa inay badiyaan xuskiisa, wuxuuna u yabooay ajir weyn, wuxuu yiri:

{ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا اللَّهَ ذِكْرًا كَثِيرًا * وَسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا} ،

(Kuwa xaqa rumeeyow xusa Alle wax badan * weyneeyana aroortii iyo galabtii), wuxuu yiri:

{وَالذَّاكِرِينَ اللَّهَ كَثِيرًا وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللَّهُ لَهُمْ مَغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا}

(Iyo ragga in badan Alle xusa iyo haweenka in badan xusa, wuxuu Alle u darbay dambidhaaf iyo ajir weyn), wuxuu leeyahay Alle:

{إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ *الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ *أُولَئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا لَهُمْ دَرَجَاتٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ وَمَغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ}

(Mu’miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Alle la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Allana ay Iimaan u kordhiso, rabbigoodana uun tala saarta * ee ah kuwa ooga salaadda waxaannu ku arsaaqnayna wax ka bixiya * kuwaasaana ah mu’miniinta xaqa ah, waxayna mudan jannooyin rabbigooda agtiisa ah, iyo dambidhaaf iyo risqi sharaf leh).

Nabiga ummadda wuxuu jeclaysiiyay badinta xuska Alle wuuna ku boorriyay wuxuu yiri:

(ألا أنبِّئُكُم بخَيرِ أعمالِكُم ، وأزكاها عندَ مَليكِكُم ، وأرفعِها في درَجاتِكُم ، وخَيرٌ لكُم مِن إنفاقِ الذَّهبِ والورِقِ ، وخَيرٌ لكُم مِن أن تَلقوا عدوَّكُم ، فتضرِبوا أعناقَهُم ، ويضرِبوا أعناقَكُم ؟) ، قالوا : بلَى يا رسولَ اللَّهِ ، قالَ: (ذِكرُ اللَّهِ)

(Ma idin sheegaa camalka kan ugu khayr badan uguna daahirnimo badan rabbigiina xaggiisa uguna sarreeya darajooyinkiina idinkagana khayr badan bixinta dahabka iyo qalinka?) waxay dhaheen: haa rasuulkii allow, wuxuu yiri: (waa xuska Alle), markuu yimid nabiga asoo dhahayo rasuulkii allow waddooyinka islaamka ayaa iga batay ee ii sheeg arrin aan qabsado wuxuu yiri  rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(لَا يَزَالُ لِسَانُكَ رَطْبًا بِذِكْرِ اللَّهِ) .

(Carrabkaaga yuuna ka suulin inuu xuska Alle ku qoynaado).

عن أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ (رضي الله عنه)، أنه قَالَ: خَرَجَ مُعَاوِيَةُ (رضي الله عنه) عَلَى حَلْقَةٍ فِي الْمَسْجِدِ، فَقَالَ: مَا أَجْلَسَكُمْ؟ قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ (عز وجل)، قَالَ آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟ قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَمَا كَانَ أَحَدٌ بِمَنْزِلَتِي مِنْ رَسُولِ اللهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) أَقَلَّ عَنْهُ حَدِيثًا مِنِّي، وَإِنَّ رَسُولَ اللهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) خَرَجَ عَلَى حَلْقَةٍ مِنْ أَصْحَابِهِ، فَقَالَ: (مَا أَجْلَسَكُمْ؟) ، قَالُوا: جَلَسْنَا نَذْكُرُ اللهَ وَنَحْمَدُهُ عَلَى مَا هَدَانَا لِلْإِسْلَامِ، وَمَنَّ بِهِ عَلَيْنَا، قَالَ: (آللَّهِ مَا أَجْلَسَكُمْ إِلَّا ذَاكَ؟)، قَالُوا: وَاللهِ مَا أَجْلَسَنَا إِلَّا ذَاكَ، قَالَ: (أَمَا إِنِّي لَمْ أَسْتَحْلِفْكُمْ تُهْمَةً لَكُمْ، وَلَكِنَّهُ أَتَانِي جِبْرِيلُ فَأَخْبَرَنِي، أَنَّ اللهَ (عَزَّ وَجَلَّ) يُبَاهِي بِكُمُ الْمَلَائِكَةَ) .

Abuu Saciid Alkhudri -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri: Wuxuu usoo baxay Mucaawiye -Ilaahay raalli haka noqdee – xalaqo Masjidka ku sugnayd, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyay, waxay dhaheen waxaan u fariisanay xuska Alle – cazza wajalla-  wuxuu yiri: Allaan idinku dhaarshee ma idin fariisinin miyaa waxaan sidaas ahayn? waxay dhaheen: nama fariisinin waxaan sidaas ahayn, wuxuu yiri: aniga idinma dhaarinin tuhmo aan idin tuhunsanahay awgeed, ma jiro qof ku sugan meeshaan ka taaganahay rasuulka, oo iga xadiis yar rasuulka Alle, rasuulka Alle ayaa usoo baxay xalaqo asxaabtiisa ay fadhiyaan wuxuu yiri: (maxaa idin fariisiyay?) waxay dhaheen waxaan u fariisanay xuska Alle waxaanna ku shukrinaynaa Alle oo nagu hanuuniyay islaamka oo nagu galladaystay wuxuu yiri: (Allaan idinku dhaarshee ma idin fariisinin miyaa waxaan sidaas ahayn?) waxay dhaheen: nama fariisinin waxaan sidaas ahayn wuxuu yiri: (aniga idinma dhaarinin tuhmo aan idin tuhunsanahay awgeed, laakin Jabriil ayaa ii yimid wuxuu ii sheegay in Alle – cazza wajalla – uu malaa’igta idinkugu faano).

waxaa laga wariyay abuu Muusaa -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu nabiga yiri:

(مَثَلُ الَّذِي يَذْكُرُ رَبَّهُ وَالَّذِي لَا يَذْكُرُ رَبَّهُ مَثَلُ الْحَيِّ وَالْمَيِّتِ)،

(Tusaalaha kan xusaya rabbigiisa iyo kan aan xusin waa qof nool iyo qof dhintay oo kale), lafdi kale uu Muslin wariyay waxaa kusoo arooray:

(مَثَلُ الْبَيْتِ الَّذِي يُذْكَرُ اللّهُ فِيهِ، وَالْبَيْتِ الَّذِي لاَ يُذْكَرُ اللّهُ فِيهِ، مَثَلُ الْحَيِّ وَالْمَيِّتِ)

 (Tusaalaha guriga lagu xuso Alle iyo guriga aan lagu xusin waa sida wax nool iyo wax dhintay oo kale)

Waxaa laga wariyay Abu thar -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu rasuulka Alle maalin soo booqday wuxuu yiri Abu thar: hooyaday iyo aabbahay halugugu furtee rasuulkii allow hadalkee loogu jecel yahay Alle xagiisa – cazza wajalla)? wuxuu yiri:

(مَا اصْطَفَى اللَّهُ لِمَلاَئِكَتِهِ: سُبْحَانَ رَبِّي وَبِحَمْدِهِ، سُبْحَانَ رَبِّي وَبِحَمْدِهِ)

(Wixii Alle malaa’igtiisa u doortay: (سُبْحَانَ رَبِّي وَبِحَمْدِهِ، سُبْحَانَ رَبِّي وَبِحَمْدِهِ) (nasahnaanta rabbigayga iyo mahaddiisa, nasahnaanta rabbigayga iyo mahaddiisa), Waxaa laga wariyay Samura bin Jundub -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri rasuulka Alle

(أَحَبُّ الْكَلَامِ إِلَى اللهِ أَرْبَعٌ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، لَا يَضُرُّكَ بِأَيِّهِنَّ بَدَأْتَ)

(Hadal waxaa loogu jecel yahay Alle agtiisa afar: subxaanallaah walxamdulillaah walaa ilaaha illallaah wallaahu akbar, kuma dhibayso middaad ku bilowdo).

Wuxuu leeyahay nabigeena (…waxaa hormaray mufarridiinta) waxay dhaheen maxay yihiin mufarridiinta rasuulkii allow? wuxuu yiri: (ragga iyo dumarka in badan Alle xuso) sidaa awgeed xuska Alle wuxuu ahaa dardaaranka nabiga uu siiyay sayidkeena Mucaad -Ilaahay raalli haka noqdee – markuu maalin ku yiri: (mucaadow wallaahi aniga waanku jeclahay) wuxuu yiri Mucaad: hooyadayda iyo aabbahayga halagugu furtee anigana wallaahi waan ku jeclahay, wuxuu yiri: (waxaan kula dardaaramayaa mucaadow haka tagin salaad kaste dabadeeda inaad tiraahdo: igu kaalmeey Ilaahayow xuskaaga iyo mahaddaada iyo wanaagga cibaadadaada).

Xuska Alle waa cibaado la soconayso addoonka xaaladihiisa oo dhan, muslinkana waxaa la faray inuu waqti kaste guto qaab kastana u guto, wuxuu leeyahay Alle:

{إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لَآيَاتٍ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ * الَّذِينَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ قِيَامًا وَقُعُودًا وَعَلَى جُنُوبِهِمْ}،

(Abuuridda cirarka iyo dhulka iyo is khilaafidda habeenka iyo maalinta calaamooyin ayaa ugu sugan kuwa caqliga leh * Ee ah kuwa ku xusa Alle taagni iyo fadhi iyo jiifba)

Muslinka noloshiisa dhammaanteeda waa xus cibaadadiisa iyo camalkiisa salaadda waa xus wuxuu leeyahay Alle:

{وَأَقِمِ الصَّلَاةَ لِذِكْرِي}

(u oog salaadda xuskayga)

Wuxuu leeyahay Alle:

{ وَأَقِمِ الصَّلَاةَ إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنْكَرِ وَلَذِكْرُ اللَّهِ أَكْبَرُ}

(Oogna salaaddana maxaayeelay salaaddu waxay reebta xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Alle ayaana weyn).

: wuxuu ahaa rasuulka Alle markuu waabariisto mid yiraahdo:

(اللَّهُمَّ بِكَ أَصْبَحْنَا ، وَبِكَ أَمْسَيْنَا ، وَبِكَ نَحْيَا ، وَبِكَ نَمُوتُ ، وَإِلَيْكَ النُّشُورُ)  ، وَإِذَا أَمْسَى قَالَ : (اللَّهُمَّ بِكَ أَمْسَيْنَا ، وَبِكَ أَصْبَحْنَا ، وَبِكَ نَحْيَا ، وَبِكَ نموت ، وإليك المصير)

(Allow adaan kugu waabariisanay adaanna kugu galabaysanay, adaan kugu noolaanaynaa adaan kugu dhimanaynaa, xaggaagana ayaa loosoo faafayaa) markuu galabaysto wuxuu dhihi jiray: (Allow adaan kugu galabaysanay, adaanna kugu waabariisanay adaan kugu noolaanaynaa adaan kugu dhimanaynaa, xaggaagana ayaana loo dhamaanayaa), wuxuu yiri rasuulka:

(مَنْ قَالَ حِينَ يُصْبِحُ: اللَّهُمَّ مَا أَصْبَحَ بِي مِنْ نِعْمَةٍ أَوْ بِأَحَدٍ مِنْ خَلْقِكَ فَمِنْكَ وَحْدَكَ لَا شَرِيكَ لَكَ ، لَكَ الْحَمْدُ ، وَلَكَ الشُّكْرُ ، أَدَّى الشُّكْرَ ذَلِكَ الْيَوْمَ(

(Qofka dhaho markuu waabariisanayo: Allow wixii nimco aan haysto ama qof khalqigaaga ka mid ah uu haysto xaggaaga ayay ka ahaatay kaligaaga, mid wax kula wadaagana ma lihid, mahad iyo shukrina adaa iska leh, wuxuu gutay shugriga maalintaas)

 

qofka sidaas oo kale sameeyo markuu galabaysanayo wuxuu gutay shukriga  habeenkiisa, maxaa ka qurux badan inuu qofka maalintiisa ku bilowdo xuska Alle kuna khatimo xuska Alle inta u dhexeysanaya uu daa’imayo xuska mowlihiisa.

Sidaas oo kale waxaa jira adkaar la akhristo marka guriga laga baxayo iyo marka la galayo, wuxuu leeyahay  nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَنْ قَالَ إِذَا خَرَج مِنْ بيْتِهِ: بِسْم اللَّهِ توكَّلْتُ عَلَى اللَّهِ ، وَلا حوْلَ وَلا قُوةَ إلاَّ بِاللَّهِ ، يقالُ لهُ : هُديتَ ، وَكُفِيت ، ووُقِيتَ ، وتنحَّى عَنْهُ الشَّيْطَانُ)

(Qofka yiraahdo markuu gurigiisa ka baxayo: bismillaah waxaan talasaartay Alle, xaylad iyo awoodna ma jirto aan isaga ahayn, waxaa lagu dhahaa: waa lagu hanuuniyay, waana lagu dhowray, shayddaankana wuu kaa fogaanayaa)

وعن أُمِّ سلمةَ (رضي الله عنها)، قالت: (ما خرَجَ النبي (صلى الله عليه وسلم) مِن بيتي قطُّ إلا رفعَ طَرْفهُ إلى السماءِ وقال: (اللَّهُم اني أعوذُ بِكَ أن أَضِلَّ أو أُضَلَّ، أو أَزلَّ أو أُزَلَّ، أو أَظْلِمَ أو أُظلَمَ، أو أجهَل أو يُجْهَل عَلىَّ)

Waxaa laga wariyay Ummu salama – Ilaahay raalli haka noqdee – waxay tiri: nabiga gurigayga waligii kama bixin hadduu baxayana wuxuu eegi jiray cirka wuxuuna dhihi jiray: (Ilaahayow waxaan kaa magangalayaa inaan dhumo ama lay dhumiyo ama aan kufo ama lay kufiyo ama aan wax dulmiyo ama lay dulmiyo, ama aan xadgudub sameeyo ama xadgudub laygu sameeyo), waxaa ka mid ah adkaarta galidda guriga oraahda nabiga:

(إِذَا وَلَجَ الرَّجُلُ بَيْتَهُ ، فَلْيَقُلْ : اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ خَيْرَ الْمَوْلَجِ ، وَخَيْرَ الْمَخْرَجِ ، بِسْمِ اللَّهِ وَلَجْنَا ، وَبِسْمِ اللَّهِ خَرَجْنَا ، وَعَلَى اللَّهِ رَبِّنَا تَوَكَّلْنَا ، ثُمَّ لِيُسَلِّمْ عَلَى  أَهْلهِ)

(Markuu ninka gurigiisa galayo ha dhaho: Ilaahayow waxaan ku weyddiisanayaa galid khayr leh iyo bixid khayr leh, magaca Alle ayaan ku galnay magaca Alle ayaanna ku baxnay rabbigeenana waan talasaaranay kaddib ha salaamo ehelkiisa), wuxuu leeyahay rasuulka:

(أَيَعْجِزُ أَحَدُكُمْ أَنْ يَكْسِبَ، كُلَّ يَوْمٍ أَلْفَ حَسَنَةٍ؟) ، فَسَأَلَهُ سَائِلٌ مِنْ جُلَسَائِهِ: كَيْفَ يَكْسِبُ أَحَدُنَا أَلْفَ حَسَنَةٍ؟ قَالَ: (يُسَبِّحُ مِائَةَ تَسْبِيحَةٍ، فَيُكْتَبُ لَهُ أَلْفُ حَسَنَةٍ، أَوْ يُحَطُّ عَنْهُ أَلْفُ خَطِيئَةٍ) .

(Miyuu ka caajisayaa midkiina inuu kasbado maalin kaste kun xasano?) midaa weyddiiyay oo dadka la fadhiyay ka mid ah: sidee midkeena uu u kasbadaa kun xasano?  Wuxuu yiri: (boqol tasbiix ayuu tasbiixsanaa, waxaa loo qorayaa kun xasano waxaana laga tirayaa kun gef).

Sidoo kale waxaa jira adkaar la akhriyo marka wax la cunayo ama wax la cabbayo, sida magacaabidda marka la bilaabayo oo kale iyo mahdinta marka la dhameeyo waxaa laga wariyay Cumar bin Abii salamada -Ilaahay raalli haka noqdee – inuu yiri:

“كُنْتُ غُلاَمًا فِي حَجْرِ رَسُولِ اللَّهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) ، وَكَانَتْ يَدِي تَطِيشُ فِي الصَّحْفَةِ ، فَقَالَ لِي رَسُولُ اللَّهِ (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) : (يَا غُلاَمُ ، سَمِّ اللَّهَ ، وَكُلْ بِيَمِينِكَ ، وَكُلْ مِمَّا يَلِيكَ)” صحيح الخاري

(Waxaan ahaa cunug nabiga barbaarinayo gacantayda xeerada ayay dhex wareegsanaysay wuxuu igu yiri rasuulka: (yarow bismillaahi dheh midigtaadana ku cun, wixii kusoo xigana cun), wuxuu ahaa rasuulka markuu cunto cuno mid yiraahdo:

(الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَطْعَمَنَا ، وَسَقَانَا ، وَجَعَلَنَا مُسْلِمِينَ) .

(Waxaa mahad iska leh Allaha na quudiyay oo na waraabiyay nagana dhigay muslimiin).

Sidoo kale wuxuu noo jideeyay nabiga xuska Alle marka la galayo suuqa, wuxuu noo caddeeyay inuu ajir weyn leeyahay wuxuu yiri:

(مَنْ قَالَ حِينَ يَدْخُلُ السُّوقَ : لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ ، يُحْيِي وَيُمِيتُ ، وَهُوَ حَيٌّ لَا يَمُوتُ ، بِيَدِهِ الْخَيْرُ كُلُّهُ ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ، كَتَبَ اللَّهُ لَهُ أَلْفَ أَلْفِ حَسَنَةٍ ، وَمَحَا عَنْهُ أَلْفَ أَلْفِ سَيِّئَةٍ ، وَبَنَى لَهُ بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ)

(qofkii dhaho markuu suuqa galayo: Ilaah kale ma jiro Alle kaligiisa mooyee mid wax la wadaagana ma  laha, waxaa u sugnaaday mulkiga iyo mahadda wuu nooleeyaa wuuna dilaa, waana nool yahay mana dhinto, khayrka oo dhan gacantiisa ayuu ku jiraa, wax kastana wuu karaa, Ilaahay wuxuu u qoraa malyan xasano wuxuuna ka tiraa malyan gef, wuxuuna ugu dhisaa guri jannada).

Sidoo kale waxaa ku habboon muslinka inuu xuso Alle markuu arko wax uu ka helayo, wuxuu dhahayaa: maa shaa allaah awood ma jirto Alle mooyee, wuxuu yiri Alle:

{ولولا إذ دخلت جنتك قلت ما شاء الله لا قوة إلا بالله}

(Maxaadan markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe mooyee)

Sidoo kale marka la arko dadka Ilaahay ibtileeyay waxaa ku habboon inuu Alle ugu mahdiyo si qarsoodi ah, wuxuu leeyahay nabigeena:

(مَنْ فَجِئَهُ صَاحِبُ بَلَاءٍ ، فَقَالَ : الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي عَافَانِي مِمَّا ابْتَلَاكَ بِهِ ، وَفَضَّلَنِي عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقَ تَفْضِيلًا ، عُوفِيَ مِنْ ذَلِكَ الْبَلَاءِ ، كَائِنًا مَا كَانَ) .

(Qofkuu kasoo hor baxo mid balo hayso oo dhaho: Alxamdulillaah Allaha iga dhowray waxa uu kugu ibtileeyay igana faddilay in badan ka mid ah kuwa uu abuuray, waxaa laga dhowrayaa baladaas, wax kaste ha haato).

Mu’minka sidoo kale wuxuu ugu magangalayaa rabbigiisa xus marka kurbo ay jirto, wuxuu yiri Alle:

{وَذَا النُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَى فِي الظُّلُمَاتِ أَن لَّا إِلَهَ إِلَّا أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ * فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ وَكَذَلِكَ نُنجِي الْمُؤْمِنِينَ}

(Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu tagay isagoo caraysan una maleeyay inaanan ciriiriyayn korkiisa oo uu ku dhawaaqay mugdiyada dhexdooda Ilaah aan adi ahayn ma jiro nasahnaantaada anigu waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah * Waana ajiibnay kana korinay murugtii, saasaana u korinaa mu’miniinta), wuxuu dhihi jiray nabiga waqtiga kurbada:

(لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ العَظِيمُ الحَلِيمُ ، لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ رَبُّ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ ، وَرَبُّ العَرْشِ العَظِيمِ)

 (Alle kale ma jiro Allaha weyn oo dulqaadka badan mooyee, Ilaah kale ma jiro Allaha cirarka iyo dhulka rabbi u ah mooyee, ahna rabbiga carshiga weyn).

wuxuu leeyahay Alle:

{اللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ الْحَدِيثِ كِتَابًا مُتَشَابِهًا مَثَانِيَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ ذَلِكَ هُدَى اللَّهِ يَهْدِي بِهِ مَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ}

(Allaa soo dejiyay kan ugu fiican hadal, kitaab buu soo dejiyay isu eg, oo soo noqnoqda, lana jiriiracyoodo maqaarka kuwa ka baqa rabbigooda, markaasuu la jilci maqaarkooda iyo quluubtoodu xusuusta Alle, arrintaasuna waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Alle dhumiyana ma jiro cid hanuunin), wuxuu leeyahay Alle subxaanahu wataacaalaa:

(وَاذْكُرْ رَبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعًا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ وَلَا تَكُنْ مِنَ الْغَافِلِينَ)

(ku xus rabbigaaga naftaada khushuuc iyo cabsi adoo ku sugan, iyo qaylo la’aan, aroor iyo galabba, hana noqon kuwa halmaama), wuxuu leeyahaya Alle:

{وَمَنْ يَعْشُ عَنْ ذِكْرِ الرَّحْمَنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ}.

(Ruuxii ka jeedsada xuska Allaha Raxmaanka (Quraanka) waxaannu la xiriirinaa shaydaan oo saaxiib u noqon).

 

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More