Riyada dumar aad u badanoo safaf dhaadheer

Su’aasha:

Asc nabadgalyo korkiina ha ahaato goor walba
waadku mahadsantihiin sida fiican ee dagdaga ah eed noogu fasirtan nooguna soo jawaabaysaan Allah macak
waxaan ku riyooday anagoo wado socda ayaan loo sii maro xaafadayda ayaan waxaan wadada ku arkay dumar badan oo carab iyo African ba isugu jira oo laba safoo dhaadheer oo kala danbeeya ku jira oo wadadii xidhay oo xagayga usoo socda waan yaabay waxanoo dumaroo ajaanibihi waa maxay markaasi ayaan idhi malaha waa macalimiin dibada laga keensaday oo hadana badanaa waxaan u arkay dabaal dag ama soo dhawayn intii aanan soo gaadhin ayaan xagayga Danbe eegay mise waaba rag iyaguna wadadii xidhay oo safafdhadheer galay oon ana u dhaxeeya raga iyo dumarka
waxaan soo gaadhay dumarkii waa dumar aad u qurux badan sifiican u xijaaban oo caraba iyo African bilaa xijaaba qaarkod lkn Asturan
way isalaameen iayagoo qoslaya
oo aad u faraxsan ana waan salamay
waxan waydiiyay miyaad dabaal dagaysaan
waxay igu yidhaah deen cadceedaanu isu dhigaynaa
waan dhaafay
Allah mahadle.

Riyada dumar aad u badanoo safaf dhaadheer
Riyada dumar aad u badanoo safaf dhaadheer

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa mustaqbal fiican oo wata raaxo iyo barwaaqo, dumarka waxaa lagu fasiraa adduunyada, dumar kala duwan ayaad sheegaysaa carab iyo Africa isugu jira, taas macanaheeda waa nolol iyo raaxo iyo hanti kala nooc ah, marka qaabka riyada ay tahay waa riyo tilmaamaysa adiga mustaqbalkaaga iyo waxa aad heli doonto, waa riyo bishaaro ah oo guul ku dambaynaysa inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More