Injineerada Turkiga lagu dilay qaraxa Ex-control

Turkish engineers who lost their lives in the bombing at Ex-control in Somalia

Injineerada Turkiga lagu dilay qaraxa Ex-control

Wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta Ex-control ayay joogeen labadan qof waxay u yimaadeen dalka Soomaaliya si ay u dhisaan waddadan isku xirta xamar iyo afgooye oo loo yaqaano Ex-control.

Injineerada Turkiga lagu dilay qaraxa
Injineerada Turkiga lagu dilay qaraxa

laakin dugaagta soomaaliyeed oo jirka dadka leh ayaa meesha ku laayay labadan qof iyo dad badan rayid ah oo meesha joogay haween iyo caruur isugu jira.

soomaaliya waa dal maanta dad caqli lahayn ku badan yihiin kuwaasoo isku sheega inay siyaasadda ku jiraan qaarna sheegta inay aqoon leeyihiin qaarna diin sheegta qaarna madax iska dhiga.

laakin meesha waxaa ka cad inaysan joogin dad caqli leh iskaba  daayee dad diin leh inay joogaan.

qof naftiisa usoo huray inuu kaa saaro dulliga aad ku jirto  maxaad u dilaysaa oo maxaad ka rabtaa.

qof dalkaaga dhisaya ma abaalkiisu dil baa? soomaaliyeey caqligiina aaway. sawirada laga soo qaaday qaraxa Ex-control looma adkaysan karo waa sawiro aad looga naxo waxay tilmaamayaan meesha ay joogaan dadka soomaaliyeed

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More