Xadiiska dadka muslinka jacayl ku dhex abuuraya

Xadiiska dadka muslinka jacayl ku dhex abuuraya

 

Xadiiska dadka muslinka jacayl ku dhex abuuraya
Xadiiska dadka muslinka jacayl ku dhex abuuraya

Xadiiskan wuxuu ka mid yahay axaadiista aadka ugu saameyn badan xagga bulshada iyo in dadka wax loo taro, haddii dadka ay ku dhaqmi lahaayeen xadiiskan lama arkeen labo qof is neceb, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(أَحَبُّ النَّاسِ إِلَى اللَّهِ أَنْفَعَهُمْ لِلنَّاسِ ، وَأَحَبُّ الْأَعْمَالِ إِلَى اللَّهِ سُرُورٍ تُدْخِلُهُ عَلَى مُسْلِمٍ ، أَوْ تَكْشِفُ عَنْهُ كُرْبَةً ، أَوْ تَقْضِي عَنْهُ دِينًا ، أَوْ تطردُ عَنْهُ جُوعًا ، وَلِأَنْ أَمْشِيَ مَعَ أَخٍ لِي فِي حَاجَةٍ أَحَبُّ إِلَيَّ مِنْ أَنْ أَعْتَكِفَ فِي هَذَا الْمَسْجِدِ – يَعْنِي مَسْجِدَ الْمَدِينَةِ – شَهْرًا ، وَمَنْ كَفَّ غَضَبَهُ سَتَرَ اللَّهُ عَوْرَتَهُ ، وَمَنْ كَظَمَ غَيْظَهُ ، وَلَوْ شَاءَ أَنْ يُمْضِيَهُ أَمْضَاهُ ، مَلَأَ اللَّهُ (عَزَّ وَجَلَّ) قَلْبَهُ أَمْنًا يَوْمَ الْقِيَامَةِ ، وَمَنْ مَشَى مَعَ أَخِيهِ فِي حَاجَةٍ حَتَّى أَثْبَتَهَا لَهُ أَثْبَتَ اللَّهُ (عَزَّ وَجَلَّ) قَدَمَهُ عَلَى الصِّرَاطِ يَوْمَ تَزِلُّ فِيهِ الْأَقْدَامُ) .

(Dadka waxaa loogu jecel yahay xagga Alle kuwa ugu dadka anafac badan, camalna waxaa loogu jecel yahay Alle agtii qof muslin aad farxad galinayso, ama aad kurbo ka feydayso, ama aad deyn ka gudayso, ama aad gaajo ka eryinayso, inaan ula socdo walaalkayga dantiisa ayaa loogu jecel yahay inaan masjidkan bil ku ictikaafo – wuxuu ka wadaa msajidkiisa-, qofkii caradiisa celiyo Alle ayaa cawradiisa asturaya qofkii cabburiyo ciilkiisa hadduu rabi lahaa inuu fuliyo fulin karo Alle ayaa ka buuxinaya xabadkiisa amni maalinta qiyaame, qofkii ula socdo walaalkiisa dan ilaa uu u xasiliyo Alle ayaa ku sugaya cagtiisa siraadka maalinta ay ku sanbariiraxdaan cagaha).

marka xadiiskan qofka ku camal falo, qof kaste wuxuu noqonayaa mid u taraya kan ka liita, naxariis ayaa dadka ku dhex faafaysa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More