Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya

Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya

Su’aasha:

Asc wrbrk wxn idiin waydinaya suu,aalo ninkayku wax iku idha marwalba kalmad aan dhibsado ooaah labawajilay iyo khayimad caruurna wn haysta guurigayku inu ika dumo majeceli sida uka dhadhicin kara shakhsiyadayda ama ma iskaka taga iso jawaba.

Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya
Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya

Jawaabta:

Labada qof is qaba diinta islaamka waxay fartay inay si wanaagsan iskula dhaqmaan hadal macaan inay iskula hadlaan qofba qofka kale inuu ilaaliyo dareenkiisa sidoo kale inuu tixgaliyo oo uu karaameeyo.

Waxaa kusoo arooray arrintaas aayado iyo axaadiis waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

Alle (SW) wuxuu yiri:

(وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ)

(kulana Noolaada si Fiican)

wuxuu yiri Alle (SW):

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَ‌حْمَةً إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُ‌ونَ} [الروم: 21]

(waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri)

wuxuu yiri Alle (SW):

( وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ) 

(Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah oo wanaag ku dhisan, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo)

wuxuu leeyahay nabiga (SCW):

(خَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِأَهْلِهِ، وَأَنَا خَيْرُكُمْ لِأَهْلِي)

(Kiina ugu khayrka badan waa kan ehelkiisa ugu khayrka badan anigaa idinkaga khayr badan ehelkayga).
wuxuu leeyahay rasuulka (SCW):

(إِنَّ أَحبَّكم إليَّ أَحَاسِنُكُمْ أَخْلاقًا ؛ الْمُوَطَّئُونَ أَكْنَافًا ، الَّذِينَ يَأْلَفُونَ وَيُؤْلَفُونَ…)

(Kuwiina loogu jecel yahay xagayga waa kuwa ugu akhlaaq fiican, oo degan oo dadka jecel iyagana la jecel yahay).

Marka waxaad ula hadashaa hab degan oo naxariis ku jirto inuu kaa joojiyo ereyada aad dhibsatay adigana isku day hadalo fiican inaad kula hadasho, gurigaaga ilaalso ilaalinta guriga waa wax weyn shaydaanka wuxuu ugu jecel yahay guriga muslinka inuu dumo, wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إنَّ إبْلِيسَ يَضَعُ عَرْشَهُ علَى الماءِ، ثُمَّ يَبْعَثُ سَراياهُ، فأدْناهُمْ منه مَنْزِلَةً أعْظَمُهُمْ فِتْنَةً، يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: فَعَلْتُ كَذا وكَذا، فيَقولُ: ما صَنَعْتَ شيئًا، قالَ: ثُمَّ يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: ما تَرَكْتُهُ حتَّى فَرَّقْتُ بيْنَهُ وبيْنَ امْرَأَتِهِ، قالَ: فيُدْنِيهِ منه ويقولُ: نِعْمَ أنْتَ)

(Ibliis wuxuu dhiganayaa kursigiisa biyaha, kaddib wuxuu soo dirayaa guutooyinkiisa, kan isaga ugu dhow waa kan ugu fidnada badan, midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: sidan iyo sidan ayaan sameeyay, wuxuu oranayaa wax ma aadan samynin, wuxuu yiri: kaddib midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: ma dhaafin ilaa aan ka kala geeyo isaga iyo naagtiisa, wuxuu yiri: wuu soo dhoweysanayaa wuxuu oranayaa: adigaa fiican),

Xataa hadduu isbadali waayo gurigaaga ilaalso, wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إنْ كَرِهَ منها خُلُقًا رَضِيَ منها آخَرَ)،

(Nin mu’min yuuna ka caroonin haweeney mu’minad ah haddii uu dabci ku naco mid kale ayuu kaga raalli noqonayaa),

Qof dhamaystiran ma jiro wuxuu yiri gabyaaga:

 

ومَنْ ذا الذي تُرْضَى سجاياهُ كلُّها *** كفى المرءَ نُبلاً أن تُعدَّ معايبُه
Waa kuma kan dabeecadihiisa dhan raalli laga yahay

 

Macalinka jaamacada oo aad iiga weyn ayaan jeclahay ila taliya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More