Sadaqada qof kaste waajibka ku ah maxay tahay

Sida la og yahay nomcooyinka Alle siiyay dadka lama soo koobi karo, sidaa awgeed waxaad ogaataa in qofka korkiisa ay tahay maalin kaste sadqo oo laga rabo inuu bixiyo.

Sadaqada qof kaste waajibka ku ah maxay tahay
Sadaqada qof kaste waajibka ku ah maxay tahay

Taas waxaa caddeeyay xadiis saxiix ah oo nabiga (SCW) kasoo arooray wuxuu yiri:

(ليس مِن نفسِ ابنِ آدَمَ إلَّا عليها صدقةٌ في كلِّ يومٍ طلَعَت فيه الشَّمسُ، قيل: يا رسولَ اللهِ ومِن أينَ لنا صدقةٌ نتصدَّقُ بها؟ فقال: إنَّ أبوابَ الخيرِ لكثيرةٌ: التَّسبيحُ والتَّحميدُ والتَّكبيرُ والتَّهليلُ والأمرُ بالمعروفِ والنَّهيُ عنِ المنكَرِ ، وتُميطُ الأذى عن الطَّريقِ ، وتُسمِعُ الأصَمَّ ، وتَهدي الأعمى ، وتدُلُّ المستدِلَّ على حاجتِه وتسعى بشدَّةِ ساقَيْكَ مع اللَّهفانِ المستغيثِ وتحمِلُ بشدَّةِ ذراعَيْكَ مع الضَّعيفِ فهذا كلُّه صدقةٌ منك على نفسِك)

 (naf aadane ma jirto aan sadaqo laga rabin maalin kaste ay qorraxda soo baxdo, waxaa la yiri: Rasuulkii Allow halkeen ka keenaynaa sadaqo aan bixino, Wuxuu yiri: albaabada khayrka way badan yihiin: tasbiixda waa sadaqo mahadda waa sadaqo takbiirta waa sadaqo tahliisha waa sadaqo, reebidda xumaanta waa sadaqo  inaad jidka dhibka ka leexiso waa sadaqo inaad fahansiiso dhogoolaha waa sadaqo inaad hanuuniso indhoolaha waa sadaqo, inaad tusto midka rabo in xaajadiisa la tuso iyo inaad u degdegto qofka dhibban oo gargaarka u baahan oo aad ku xambaarto awoodda gacmahaaga midka tabarta yar waxaanoo dhan, waa sadaqo oo aad naftaada ku sadaqeysanayso).

Marka waxaad arkaysaa waddooyinka khayrka inay badan yihiin xataa haddii aadan haysanin hanti inaad sadaqo baxsan karto.

Qofka muslin jidad badan ayaa u furan wuxuu sameyn karaa waxyaabo badan oo ajar weyn uu ka heli karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More