Qofka sinada galay towbada sidee looga aqbalaa

Su’aasha:

Asc
Wll aad baan idiinka mahad celinayaa sida quruxda, qaayahaleh ee aad noogu soo jawaab taan su’aalaha.
Waxa aan raba inaan idin waydiiyo su’aal aad u qiimo badan, waxayna u dhacaysaa sida tan.

Sabanadan dambe waxa aad u badatay faaxishada (zino) waxa ayna noqotay shay
Aad ugu badan dhalinta eega, dadka qaarna caado ayay ba ka dhigteen in ay sameeyaan oo xataa waxaaba loo samaystay meelo la isugu yimaado oo lagu tunto wixii la doonana lagu sameeyo.

Allah (SW) wuxuu yiri:

(الزّانِيَةُ وَالزّاني فَاجلِدوا كُلَّ واحِدٍ مِنهُما مِائَةَ جَلدَةٍ ۖ وَلا تَأخُذكُم بِهِما رَأفَةٌ في دينِ اللَّهِ إِن كُنتُم تُؤمِنونَ بِاللَّهِ وَاليَومِ الآخِرِ ۖ وَليَشهَد عَذابَهُما طائِفَةٌ مِنَ المُؤمِنينَ)

(Zaaniyadda & Zaaniga Garaaca mid kastoo ka mid ah Boqol Garaaca oo yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis diinta Eebe dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda Koox ka Mid ah Mu’miniinta.)

Hadaba wakhti xaadirkan la joogo oo zinadu aad u badan tahay ma jiro qof (100 jeedal) laga jaro ama ka reer soomaray oo dhagixii lagu dilayo) qof kasta oo zino ku dhacana qabiil kiisa difaacaya oo bud & qool la hortaagan,
Taasina waa caqabad kale.
Zinaduna waxay kamid tahay dunuubta waa wayn, inla sameeyo daaye, ha u dhawaanina (ZINO) ayaana la yiri.

Hadaba qofka zinaysta ee aan lamarin xukunkii zinada (kii reer leh & ka aan lahayn ba)

Sidee ayay uga gudmi (zino) qofka?
Waayo
Rasuulka scw qofka layimaada dambi (zino)
Xukunka zinada ayuu marin jiray sidaa ayayna kaga gudmaayay.

Hadaba xaalku waa sidee dadkan hada jooga maka fadli badan yihiin (azxabti) rasuulka scw?

Sidee wax loo wadaa?

Qofka sinada galay towbada sidee looga aqbalaa
Qofka sinada galay towbada sidee looga aqbalaa

Jawaabta:

Qofkii sino ku dhaco wuxuu galay dambi weyn diinta islaamka ciqaab ayay u samaysay xagga adduunka aakhirana naar ayaa loo diyaariyay, laakin qofkii ka towbad keena Alle towbadda waa ka aqbalayaa qofka uu doono, ee ma aha qofkii xadka aan lagu oogin towbaddiisa lama aqbalayo, waliba waxaa laga rabaa qofka muslinka hadduu sino ku dhaco inuu Alle u towbad keeno oo naftiisa uu asturo oo uusan qof u sheegin iskuma xirna oogidda xadka iyo aqbalidda towbada, waxaa laga yaabaa qofka asoo xadka lagu oogay hadana in aakhiro lagu ciqaabo taas Alle gacantiisa ayay ku jirtaa, culimada waxay ka doodaan xudduuda miyaa la dhihi karaa waa kafaaro dambiga lagu dhaafayo ama kafaaro ma aha.

Nabiga (SCW) samankiisa dadka xadka lagu oogay iyagaa is keeni jiray oo qiran jiray inay sino ku dhaceen mana badnayd tiradooda, diinta islaamka sinada xadkeeda waxay ku xirtay afar markhaati oo wada arkay in labada xubin ay isku jiraan shardigaas muxuu kuu tilmaamayaa ? wuxuu kuu tilmaamayaa in sinada ay aad u adag tahay dadka in lagu qabto, dadkii iyagoo wadar ah hal meel ku sameeya mooyee sida filimada la duubayo, marka islaamka wax kaste meel fog ayuu ka eegay, dadka wuxuu ku tarbiyeeyay inay sinada ka fogadaan cadaab aakhiro ayuu ku lifaaqay.

Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso kutubta tafaasiirta waaweyn sida dabari iyo qurdubi iyo shuruuxda axaadiista sida fatxulabaari oo kale.

 

Qofka zineysta iyo qofka aan waligiis zineysan balse filimaanta qaawan ku raaxeysta

الزنا مفسدته من أعظم المفاسد، وهو مناف لحفظ الأنساب، وحماية الفروج، وصيانة الحرمات، ويوقع أعظم العداوة والبغضاء بين الناس،

وهو من الجرائم التي أوجب الله تعالى الحد عقابا عليها.
وفي هذا الحديث يبين النبي صلى الله عليه وسلم أن للزنا عقوبة مقدرة، حددها الله تعالى في كتابه وعلى لسان نبيه،

والزاني إما أن يكون محصنا -أي: متزوجا أو سبق له الزواج- وإما أن يكون غير محصن؛

فإن كان محصنا فإن حده الرجم حتى الموت، كما جاءت بذلك سنة النبي صلى الله عليه وسلم، وإن كان غير محصن فحده أن يجلد مئة جلدة،

كما قال تعالى: {الزانية والزاني فاجلدوا كل واحد منهما مئة جلدة} [النور: 2]، وجاءت السنة بعقوبة زائدة على الجلد،

وهي التغريب والنفي من البلد التي ارتكب فيها الزنا لمدة عام، تأديبا له، وإبعادا له عن مألوفاته، وعما كان عليه،

ويكون النفي بحسب ما يراه الإمام مناسبا، ويصح أن يطلق عليه نفيا من حيث بعد المسافة.  المصدر

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More