Riyada xaaska iyo caruurta gaari aan la saaranahay

Su’aasha:

asc waad mahadsan tihiin guud ahaan webka daruur Allah macak
marlabaad ayaad ku mahadsan tihiin sida fiican ee dagdag badan eed noogu adeegtaan
waxaan ku riyooday anoo guulaystay oo uu ilaahay ii rumeeyay qorshihii noloshayda
oo aan noqday hantiile caanoo dadkoo dhami hadal hayaan oo aad LA ii sharfaayo
waxaan u imid caruurtayda oo markaasi aad u waawayn 17 yrs ah waxay ahaayen dhawr wiil iyo hooyadood waxaan saarnayn gaadhigayga oo aad u qurux badan waxay ila ahayd wiilasha mid kamida inay iiga dacwonaysay iyadoo gaadhiga aktayda fadhida wiilkii ayaan ladagay oon WAX lahadlayay kabacdi gaadhigaan ku soo wada laabanay xaaskoo xaga hore ee gaadhiga fadhiday oo xojaaban si qurux badan a u labisan oo aad u qurux badan oo wajigeedu nuurka iyo iftiinka aad yaabto ayaan dhunkaday oon dhabanada iyo afka ka dhunkaday iyadoo qoslaysa oo faraxsan caruurtiina xaga danbe gaadhiga saaran tahay ayaan wada sheekaysanaynay oon wada qoslaynay anagoo faraxsan
Allah mahadleh.

Riyada xaaska iyo caruurta gaari aan la saaranahay
Riyada xaaska iyo caruurta gaari aan la saaranahay

Jawaabta:

Riyada way iska caddahay waxay cadaynaysaa riyooyinka badan aan kuu fasiray oo tilmaamayay inaad heli doonto nolol fiican iyo xaas wanaagsan oo ku jecel iyo ubad aad ku faraxdo.

Guud ahaan riyada waa khayr iyo bishaaro.

Ilaahay hakuu dhabeeyo riyada aad aragtay kheerkeedana haku waafajiyo saaxiib.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More