Ehelkeyga hadaan daqarsoonka u geeyo qaasatan hooyadey

Su’aasha:

Asc sxbkyga Daruur waanku salaamaa xaaladaada kwrn sidee tahay maalmahaan webkiina wuu ii shaqeyn waayey markaa intaas kaga gudbo waxaan rabaa su’aashan ani iyo waxaa isla nool aabahay marka ani waxaa masuul iga ah aabahay marka hadii daqar soonka aabahay iyo kan keyga aan guriga walaalahay ama hooyadey geeyo ma iga gudmeysaa iyagana weyka maarmaan inaan u geeyo yaase la siiyaa daqarsoonka bal ii macneeya waa mahadsantihiine.

Ehelkeyga hadaan daqarsoonka u geeyo qaasatan hooyadey
Ehelkeyga hadaan daqarsoonka u geeyo qaasatan hooyadey

Jawaabta:

Qofka darsoonka ama sakaatul fidriga la siinayo waa inuu ahaadaa qof faqiir ah (sabool) aan quud haysanin, qof adiga ay waajib kugu tahay inaad quudiso ma siin kartid, marka waa la siin karaa dadka qaraabada ah haddii aysan wax haysanin, waana ansaxayaa waa sida sakada oo kale, markaas qofka laba ajir ayuu ka helayaa, ajirka sadaqada iyo ajirka qaraabada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More