Cadayga iyo caafimaadka ilkaha

Nadaafadda ilkaha diinta islaamka si xoog ayay ugu boorrisay dadka, qofka muslinka waxaa la faray inuu afkiisa nadiifiyo, waxaa lagu xiray salaadda iyo weysada.

Cadayga iyo caafimaadka ilkaha
Cadayga iyo caafimaadka ilkaha

Maanta waxaa la ogaaday cudurro badan inay ka dhashaan wasakha afka, laakin diinteena mar hore ayay sheegtay qiimaha uu leeyahay cadayga.

wuxuu leeyahay rasuulka (SCW):

 (لَوْلاَ أَنْ أَشُقَّ عَلَى أُمَّتِيأَوْ عَلَى النَّاسِلأَمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاكِ مَعَ كُلِّ صَلاَةٍ)

(Haddaanan dhibi lahayn ummadayda – ama dadka – waxaan fari lahaa caday salaad kaste)

Waxaa laga wadaa waajib ayaan ka dhigi lahaa mar kaste la gaaro salaad haddii aysan dhib u keeni lahayn ummaddayda, marka sidaa awgeed salaad kaste waa inuu qofka afkiisa nadiifiyaa, waxaana laga wadaa marka uu weysaysanayo, maxaayeelay markaas wuu dhaqayaa afka, laakin marka salaadda la galayo caday markaad afkaaga ku wareejiso waxaa laga yaabaa inuu wax badan soo kiciyo meel aad ku tufto ma joogtid marka waxaa habboon xiliga waysada si aad u dhaqdo afkaaga marka aad cadayso.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More