Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator

Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator

Somali Arabic Translator, tarantulas Arabic to Somali

Afka carabiga waa af aad u ballaaran marka af soomaali lagu tarjumayo qofka wuxuu la kulmaa dhibaatooyin fara badan.

Waxyaalaha ugu caansan oo dadka ay ku qaldamaan waxaa ka mid ah labka iyo dhedigga.

Somali Arabic Translator tarantulas Arabic to Somali
Somali Arabic Translator tarantulas Arabic to Somali

Afka carabiga wuxuu leeyahay lab iyo dheddig sidoo kale af soomaaliga isagana wuxuu leeyahay lab iyo dheddig laakin labada luqadood iskuma raacsana ereyada labka ah iyo kuwa dheddiga ah.

Tusaale ahaan  ereyga “dab” af soomaaliga waa lab carabigana waa dheddig oo ah  “نار”  markaan tusaale aan keenoo waxaan leenahay:

 

Dabka guriga ayuu gubay أحرقت النار المنزل
Cirka waa iftiimay أشرقت السماء

 

Falka gubay waa lab hadduu dheddig ahaan lahaa wuxuu noqon lahaa “gubtay”  waxaa xoog badiyay magaca oo ah dab falkana isagaa la raaciyay.

Marka qaar labada luuqadood carabiga iyo soomaaliga waxay isku raacaan ereyga nooca uu yahay sida ereyga “gacan” oo dhedig.

ereyga   “يد”  carbiga ah inuu isagana dedig yahay markaas tarjumaadda wax dhib ah lama soo gudboonaanayo sida tusaalahan oo kale:

 

Gacanta wejiga ayay taabatay لمست اليد الوجه
Isha way ilmaysay دمعت العين

 

 

Arabic Somali dictionary قاموس عربي صومالي

 

Afka ingiriika ma aha sida carabiga iyo soomaaliga labka iyo dhediiga magacuyaalka ayuu galaa kaliya sida he iyo she.

Laakin falka ma qaato lab iyo dheddig  tusaale

 

 

Gacanta wejiga ayay taabatay The hand touched the face
Isha way ilmaysay the eye brought tears

 

 

Dabka guriga ayuu gubay The house burned down
Cirka waa iftiimay The sky lighted

 

Qaamuus soomaali ama af kale sida carabi ama English qofka si toos ah ugama ogaan karo labada ereyga lidka isku ah ama lab iyo dheddigga uu la socdo.

Somali Arabic Translator
Somali Arabic Translator

 

Luuqadda Carabiga Qaababka Loo Baran Karo

 

 

Tarantulas Arabic to Somali

 

 You can get translation service from  Microsoft translator 

Tarantulas Arabic to Somali - Arabic Translator
Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator

Halkaan waxaad arkaysaa ereyo badan oo carabi iyo english iyo soomaali ah:

 

Arabic English Somali
كتاب book buug / kitaab
قلم pen qalin
دماغ brain maskax
غضب angry xanaaq / caro
حب love jacayl
دواء medicine daawo
مشي walking socod
كلام speech hadal
طعام food cunto
اسم name magac
ورقة paper warqad
جريدة newspaper wargeys
صحافة press saxaafo
قتال fighting dagaal
بندقية gun qori
عصا stick ul
موقع location meel
قاموس dictionary qaamuus
ترجمة translation tarjumaad
نحو grammar naxwe
معرفة knowledge aqoon
طالب student arday
مدرسة school dugsi
جامعة university jaamacad
مدير manager maamule
فكر idea figrad
طريق road waddo
سماء sky cir / samo
أرض earth dhul
نجم star xidig
ماء water biyo
تربة soil ciid / turaab
You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More