Xadiiska tilmaamay halista beenta

Xadiiska tilmaamay halista beenta

Beenta sida la og yahay waa furaha shar kaste.

Beenta waxay dumisaa qaran iyo qoys iyo guri taagan.

Xadiiska tilmaamay halista beenta
Xadiiska tilmaamay halista beenta

Waliba beenta marka ay tahay mid keenaysa dil iyo halaag.

Qof ma aha inuu hadalka beenta ah buunbuuniyo.

In badan ayaan kasoo hadalnay beenta, beenta saan soo sheegnay waa halis oo burburin karta wax walba.

Raga beenta sheega iyo dumarka beenta sheega iyo dadka beenta ku nool waa inay iska ilaaliyaan beenta;

Xadiis saxiix ah ayaa aad uga digay beenta wuxuu leeyahay rasuulka (scw):

(كَفَى بِالْمَرْءِ كَذِبًا أَنْ يُحَدِّثَ بِكُلِّ مَا سَمِعَ) رواه مسلم

(Qofka been waxaa ku filan inuu sheego wax kaste uu maqlay)

Wuxuu yiri rasuulka (scw):

(وَإِيَّاكُمْ وَالْكَذِبَ فَإِنَّ الْكَذِبَ يَهْدِي إِلَى الْفُجُورِ، وَإِنَّ الْفُجُورَ يَهْدِي إِلَى النَّارِ، وَمَا يَزَالُ الرَّجُلُ يَكْذِبُ وَيَتَحَرَّى الْكَذِبَ حَتَّى يُكْتَبَ عِنْدَ اللَّهِ كَذَّابًا)،

(iska jira beenta, beenta qofka waxay ku hanuunisaa faajirnimada, faajirnimadana naarta ayay dadka ku hanuunisaa, qofka kama suulo inuu been sheego beentana ku dadaalo ilaa lagaga qoro Alle agtiisa inuu beenlow yahay)

(وسئل النبي (صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) : أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ جَبَانًا؟ فَقَالَ: (نَعَمْ)، فَقِيلَ لَهُ: أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ بَخِيلًا؟ فَقَالَ: (نَعَمْ)، فَقِيلَ لَهُ: أَيَكُونُ الْمُؤْمِنُ كَذَّابًا؟ فَقَالَ: (لَا)

Waxaa la weyddiiyay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee –: mu’minka ma noqdaa fuley? Wuxuu yiri: (haa) waxaa lagu yiri: mu’minka ma noqdaa bakhayl? wuxuu yiri: (haa), waxaa lagu yiri: mu’minka beenlow ma noqdaa? Wuxuu yiri: (maya)), Abuubakar – Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu ku tilmaamay  beenta inay tahay khiyaano wuxuu yiri: (runta waa amaano beentana waa khiyaano)

Beenta halista aay leedahay lama soo koobi karo bulshada waxay ku riddaa dhibaato iyo masiibo daran.

Laba wejiilaha diinta maxay ka qabtaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More